Aqoonyahan 
										Xume, Siyaasi xume, Wadaadxume bal ila 
										fiiriya Fuleynimo bey ina Barayaan
										
										yusuf essa 
										
										yusufessa@gmail.com
										
										Salaama 
										Caleykum dhamaan dadweynaha Somaliyeed 
										ee markasta soo booqda websideka 
										intaas 
										kadib,
										Salaaan 
										kadib waxaa jira rag siyaasiin ah sida 
										Galeydh,C. X.Xussen,Sifir iyo dhalinyaro 
										kale oo isku tilmaama iney yahiin 
										aqoonyahano sidaad ku aragto 
										Magacyadooda Hortooda INj,Dr  iyo 
										Wadaado sida Xassan Dahir,Indha cade 
										Dadkaasu markasta Umada Somaliyeed waxey 
										ushegaan in Ethiobia Tahay cadawgeena 
										1aad iney naqabsan rabto,iney nalayn 
										rabto,balse waxaan aad ula yaabay 
										Kartida iyo indheergaradnimada  ee 
										kujira Qowmiyada Amxaarada kuwaas oo 
										markasta maqlo waxey ku hamiyaan Inay 
										qabsadaan Geeska Africa Hadaba waxaa 
										isweydiin Mudan marka Hore Ethiobia 
										dhulka la dheho yaa iska leh miyuusan 
										aheyn Wadan ay degan yahiin Qowmiyado 
										kala duwan kalana af ah,kalana Diin ah 
										Dhinaca kale Ethiobia Muslinka iyo 
										Masiixiyiinta ama dadka kale ee Diin 
										lawayaasha yaa badan wey garan karaan 
										Dadka usaaxibka ah Caqliga su'aalahan 
										dulucdooda. 
										Marka 
										maxaa sababay in maalinwalba Caruurteena 
										iyo Dhalinyaradeena aan ku cabsiino 
										Amxaaro oo dhehno wey naqabsaneysaa 
										Su'aal kale waxa weeye Qawmiyada Amxaaro 
										miyey ka badan tahay Qawmiyada Somali 
										maxeynuse Wadanka Ethiobia ugu deeqeyna 
										ama Ugu sharciyeynay Amxaaro,Maxaa inoo 
										diidey ineynu isku deyno bal inaan 
										Hormuud ka noqono Siyaasada Ethiobia 
										ineynu dhexgalno ineynu ku fekerno 
										ineynu qabsano Ethiobia siyaasad 
										ahaan,dhaqaale ahaan ,diin ahaan,maxaa 
										inoo diidey ineynu yeelano aragti fog oo 
										markasta aynu ugelaynaa difaac iyo dhul 
										baa la inaka qabsanayaa. 
 
									
										Hada kahor 
										aniga oo jooga Sandiego,USA ayaan waxaan 
										raacay Tabliiq aniga iyo dhowr nin oo 
										kale baan ubaxnay Jawlo amase inaanu 
										Fidino Diinta waxaanu utagnay Maqaaxi 
										Somali oo Turub lagu Ciyaarayo markaa 
										dhowrkeenaas qof waxaa noo Madax ahaa 
										Nin Zair kayimi oo 5Sano Muslim ahaa 
										waxaanu isku daynay bal in Xoogaa nala 
										dhegeysto waad garaneysaa Odayaal turub 
										ciyaaraya ninkii Zair ka ahaa ayaa wacdi 
										bilaabay oday baa hadalkii lasoo boodey 
										oo yiri Adeer balweydii horta Wadankooda 
										imisaa Muslin ah isagoo aad isula 
										qabweyna yacni raba inuu ninkaan niyad 
										jebiyo waxuu ugu jawaabay inkayar 10% 
										balse idinka oo Somali ah oo 100% muslin 
										ah qiyaamaha alle SWT  idinka kala 
										xisaabtami waayo dhul beynu wadaagnay oo 
										Diinta lug baad nagu soo gaarsiin 
										karteen teeda kale alle SWT Mareykan 
										inuu kugu xujeeyo buu ku keenay adiguna 
										Turub iyo ciyaar baad latimi. 
										Hadaba 
										Walalayaal Diinta soow tii layiri Fidiya 
										Goormaynu bilownay ineynu gurigeena kula 
										cararnoI Wadanka Indonisa Yemen 
										Ganacsato ah baa Muslimisay markey 
										arkeen dhaqankooda wanaagsan iyo 
										xadaaradooda.
										 Daka 
										Ethiobia Kunool waxey soo mareen Xukun 
										adag oo Masiixi ah iyadoo badankood la 
										kirshtaamiyey waxaa uga danbeeyey shuuci 
										adag Marka maanta fursad beynu uhaysanaa 
										waa ineynu dhexgalnaa meelkasta masajid 
										ka dhisnaa Ganacsigeena ku fidinaa 
										Siyaasadooda dhexgalnaa Ethiobia waa 
										ineynu bedelnaa targetkeenu waa ineynu 
										qabsanaa sida ninka Amxaarku ugu 
										Fekerayo qawmiyada Ethiobia oo dhan inuu 
										qabsado dabdeedna Somalia kusoo Darsado 
										aniga sidan aminsanahay inakama IQ 
										fiicna, inakama dhaqdhaqaaq badna ee 
										dhibku waxuu kayimi only 
										Aqoonyahankeena,odayaashan siyasiinta 
										iyo wadaad xume dhamaantooda raba iney 
										ka muuqdaan Masraxa siyaasda Somaliyeed 
										ayaa afgobaadsi markey rabaan in wax 
										mucaaradaan ina tusinaya Qabiil ,Ethiobia 
										iyo waxyaabo kale oo danteena aheyn
										
										
										Balfiiriya dadbadan oo Aqoonyahano iyo 
										Siyaasiin ah waxaa Ku dhacay cudur Cabsi 
										oo waxey markasta ku qarwaan Ethiobia 
										marka ma garankaro ma Dawladan bey 
										rabaan iney Umada Somaliyeed Kusoo 
										jeediyaan oo dhacdo mise dhab bey 
										katahay oo cabsidaas bey qabaan? waa 
										su'aal aan rabo jawaabteeda 
										waxaan isleeyahay 
										Maanta hadey Joogi lahayeen Axmed gurey, 
										Seyid Maxamed iyo Ragii kale oo 
										Muwaadiniinta ah in Maanta sidaan u 
										fekerayo ay u fekeri lahaayeen waayo 
										markaan u baahano dhulka Ethiobia iyagaa 
										naga carari lahaa oo masoo haweysteen 
										dhulkeena bal maanta Tigree miyuu 
										weligaa ku fekeray Somalia baa ilaa 
										xadkaa kaa cabsaneysa waxaa baqahaas iyo 
										lidnimaad ina gaarsiiyey wa ragaas 
										siyaasiinta inoo ah hadaad rabtaan inaad 
										barataan soo booqda Webside ka
										
										www.somalitalk.com waayo dadka garan 
										waayey maanta umada Somaliyeed dhibka ay 
										ku jirto umayan hadaaqeen sida ay kusoo 
										bandhigaan webside kaas miyeyan arkeyn 
										in baddii sun lagu shubayo,miyeyan 
										arkeyn in dad Masaakiin ah la 
										qawracayo,miyeyan arkeyn in dhirtii la 
										shidey oo wadankii nabaad guurey,miyeyan 
										arkeyn in xoolahii dhamadeen,miyeyan 
										arkeyn in dhulkii ay Hay'ado ku beeren 
										Geedo U diida in geedaha kale iyo 
										Beeruhuba baxaan(geed yahuudi),miyeyan 
										arkeyn dhaca.Dilka Kufsiga,Documenti 
										la'aanta,Waxbarasho la'aanta ,Caafimaad 
										la'aanta 
 
									
										Hadaba 
										soow maaha markaan u fekeri lahayn  Madaxweynaha 
										ama nebcow ama jeclow dadka dawlada ku 
										jira ama jeclow ama nebcow Masraxa 
										siyaasada ama kamuuqo ama ka maqnow 
										inaad ka maqnaato baad ku fiicneyde! bal 
										inaad udaneyso Umada somaliyeed bal inta 
										dhib aan kor kusoo sheegay iyo kuwa 
										kabadan ay qebtood ka nastaan. 
										Ok 
										Dawladan waxaa horbooda Ethiobia Tii 
										Masar horboodi jirtey maxaa lagu nacay? 
										Ok Wadaad xume Maxuu ula jirey Tii Carta 
										ileyn Dastuur Islaami ah kuma socone 
										Mise dad qeybtood oo kabaqaya In 
										Mareykan ama Reer Eurobe Denbiyo 
										uqabsadaan dartood baa hada loo 
										mucaaradayaa waa yaab! 
 
									
										 hadey 
										yahiin dadkaas masuul ama kuwo wax ugu 
										fadhiya umada Somaliyeed umada ayey 
										udaneyn lahayeen iyaguna meeshii ay ka 
										cabsanayeen bey isu dhiibi 
										lahayeen(midheeyn taasi ma dhacdo)
									
										Balse 
										waxaan uga digayaa Umada Somaliyeed yaan 
										la idinku kacsan awrka nin aan waxba 
										idiin tareyn akhiradiina na idin 
										halaajiya Yuusan qabiil idiinku wacan!
									
										waxii aan 
										ku qaldamey alle SWT ha iga cafiyo anigu 
										danta umada ayaan siaas u arkaa
									
										w/Towfiiq