| 
  
					
 
 
 
 
														
															|  Senator 
															Norm Coleman (MN)
 |  Ambassador 
															Jendayi Frazer
 |  Ambassador Dr. Elmi 
															Ahmed Duale
 |  Prof. Ali Khaliif 
															Galaydh
 |  
 
 
 Cali Khaliif 
									Galayr: Itoobiya Ma Rabto Inay Aragto Nidaam 
									Dawlad Soomaaliyeed Galaydh oo eedayn Kulul u soo Jeediyey Itoobiya SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Dec 
8, 2005 
Ra'iisul 
wasaarihii Dawladii hore ee Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, 
Cali Khaliif Galayr, ayaa 
eedayn kulul u soo jeediyey Itoobiya, mar uu xalay (Dec 7) ka hadlayey Jaamacada 
Minnesota oo lagu qabtay kulan aad u ballaaran oo ay ka soo qayb galeen dadweyne 
aad u farabadan.  
Kulankaas oo lagu casumey in ay ka hadlaan Senator Norm Coleman 
oo ah Senator laga soo doorto Gobolka Minnesota-USA, Kal-kaaliyaha wasaaradda 
arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Africa Ambassador Jendayi Frazer, 
Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale 
iyo Prof. Ali Khaliif Galaydh oo ah 
macallin ka ah Jaamaacada Minnesota oo ah 
halka shirka lagu qabtay. Shirka oo u qaabaysnaa nidaam Soomaalida lagu tusayo 
in wada hadal arrimaha lagu dhamayn karo. Waxaa shirka hordhac looga dhigay in Gobolka 
Minnesota ay ku nool yihiin 60,000 oo Soomaali ah oo ah tirada ugu badan 
Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka ee hal gobol deggan. 
	
		|  Ambassador Jendayi Frazer
 
  Dr. Elmi Ahmed Duale
 
  Prof. Cali Khaliif Galayr
 
  Senator Norm Coleman
 
  |  Markii shirka la furay waxaa durbadiiba 
magarafoonka lagu soo dhoweeyey Ambassador Jendayi Frazer, waxana ay sheegtay 
sida Maraykunku uu hadda muhiimad weyn u siinayo arrimaha Soomaaliya. Waxa ay 
xustay in ay Soomaaliya muhiimad sare siinayaan madaxweyne Bush, xoghayaha 
Arrimaha Dibada Mareykanka Condoleezza Rice iyo Senator Norm Coleman. Muhiimada Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya 
waxa ay ku muujisay in ay ugu horeyso si aan Soomaaliya u noqon "goob ay ku 
kobcaan argagxisadu" iyo "arrimo la xiriira bini'aadamino". Kaddib waxaa magarafoonka lagu wareejiyey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale, 
waxana uu u mahad celiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota sidii ay u 
soo dhoweeyey. Kaddib waxa uu xusay inta jeer ee Soomaaliya la isku deyey in la 
nabadeeyo oo 13 jeer isku day ah ay wax ka soo bixi waayeen. Waxa kale oo uu 
xusay sida gebi ahaanba dhulka Soomaaliya uu u burburay, nidaamkii 
waxbarashadana uu burburay. Waxana uu sheegay sida uu Maraykanku hadda diyaarka 
ugu yahay in uu Soomaaliya caawiyo. "Marka aad ilmo yar tahay ma ordi kartid" 
ayuu yiri, waxana uu raaciyey in dawlada Soomaaliya u baahan tahay caawin. Waxaa markaas magarafoonka lagu wareejiyey 
Prof. Cali Khaliif Galayr. Waxana uu markii hore xusay "Qabqablayasha Dagaalka 
Soomaaliya" ee loo yaqaan "Warlords" iyo raadka ay ku leeyihiin arrimaha 
Soomaaliya. Kaddib waxa uu sheegay in Itoobiya aysan rabin in ay aragto dawlad 
Soomaaliyeed hal maalina. Waxana uu intaas raaciyey in ay Itoobiya lug ku lahayd 
soo xulidii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo uu 
xusay taageerada Itoobiya ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul 
wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi. Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata waxa uu 
yiri: Itoobiya waxaa dhici karta inay taageerto qof ama shakhsi, laakiin ma 
rabto nidaam dawladeed oo dhisan oo Soomaaliyeed oo shaqaynaya. Qaybsanaanta dawlada Soomaaliya, Cali Khaliif 
waxa uu ka yiri: in ay tahay in la eego oo xal loo helo qodobo ka mid ah Axdiga 
Qaranka DFKMG, qodobadaas oo uu yiri waa: Qodobka 44aad, 45aad, 48aad, 25aad, 
33aad, 36aad, iyo 38aad.  Kaddib waxaa magarafoonka lagu wareejiyey 
Senator Norm Coleman oo ugu horay isagoo qabowga (barafka) Minnesota xusaya waxa 
uu Soomaalida kula kaftamay in 'Sababta ay Minnesota u yimaadeen ay tahay in ay 
jecel yihiin ka kalluumaysiga barafka dhexdiisa ee loo yaqaan Ice-Fishing". 
Waxana uu intaas raaciyey in websitekiisu uu yahay kan keliya ee uu leeyahay 
Senator Maraykan ah oo lagu tarjumey AfSoomaali. [Eeg 
halkan]. Senator Coleman oo ka hadlaya Soomaaliya waxa 
uu xusay xaaladii "dimoqraadiyada ee Soomaaliya ku sugnayd sanadihii 1960 ilaa 
1969". Waxana uu sheegay sida hadda Soomaalida loogaga baahan yahay wadahadal 
iyo isku duubni. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay muhiimada uu 
Maraykanku siinayo Soomaaliya in ay tahay mid la xiriirta arrin ah si aan 
Soomaaliya u noqon meel ay "argagixisadu ku dhuuntaan ama wado u ah" iyo arrin 
"la xiriirta mid bini'aadamino". Senator Coleman waxa uu xusay sida ay u haboon 
tahay in madaxweyne Bush uu Soomaaliya u magacaabo egey gaar ah. Soomaalidii 
madasha joogteyna waxa uu ku yiri "ha rajo dhigina". Senator Coleman waxaa reer Minnesota ku 
xusuustaan sidii uu uga qayb qaatay soo deyntii
Fartuun Sheikh 
oo ah 5-jir Soomaaliyeed oo Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Kenya ay 
xabsi u taxaabeen bishii September ee sannadkan 2005. Sidaas ayaa khudbadihii mid kasta loogu talo 
galay 10 daqiiqo ku dhamaadeen, kaddibna waxaa la weydiiyey su'aalo ay 
dadweynuhu waraaqo kusoo qoreen. Su'aal la weydiiyey Cali Khaliif ayaa ahayd 
Maraykanaka iyo Shiinaha iyo danta ay ka leeyhiin Soomaaliya. Isagoo taas ka 
jawaabayana waxa uu xusay in Soomaalidu is weydiiso waxa uu Maraykanku u soo 
qaaday oo intaas oo Soomaali ah u soo dejiyey Maraykan, waxana uu xusay in lagu 
macneeyo arrimo ay kamid yihiin Oil oo la yiraahdo in uu Maraykanku rabo in uu 
lug ku yeesho, arrimo la xisiira in dadkaan la sooqaaday ay ka soo bixi doonaan 
hoggaankii berrito ee Soomaaliya iyo arrimo la xiriira Cristianka (tan oo uu 
yiri waa tan ugu xoog yar ama ugu diciifsan). Ambassador Dr. Elmi Ahmed oo ka jawaabayey 
su'aal la xiriirtay "Qabqablayaasha dagaalka" waxa uu yiri hadda kuwaas waxaa 
loogu yeeraa "hoggaamiyayaal" waana sida ka dhalatay dib u heshiisiintii, waana 
in ay aqbalaan dib u heshiisiinta, ayuu yiri. 
Ambassador Jendayi Frazer oo su'aal ka jawaabeysey waxa ay xustay in Maraykanku 
taageersan yahay cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobey ku soo rogtey 
Soomaaliya. Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka qayb galay shirka 
ayaa SomaliTalk.com waxa uu u sheegay in hadalka Prof. Cali Khaliif ee ahaa "in 
Itoobiya aysan rabin dawlad Soomaaliyeed hal maalina" uu ahaa kii looga baahnaa 
mas'uul Soomaaliyeed in uu si toos ah Maraykanka iyo addunka oo dhan u sheego in 
aan mar dambe Itoobiya wax looga weydiin arrima Soomaalida, maadaama sida uu 
Galaydh caddeeyey aysan Itoobiya u rabin Dawlad shaqayneysa oo Soomaaliyeed, dal 
aan dawladaada rabin adanahaaga waxba lagama weydiin karo. Waxaa la xusuustaa in dhowaan uu Prof. Cali 
Maxamed Geedi sheegay in aysan jirin Soomaali ku hoos nool gumeysiga Kenya iyo 
Itoobiya, hadalkaas oo ahaa kii Itoobiya, ayuu yiri aqoonyahankaas Soomaaliyeed, 
oo intaas ku daray in ay weli Soomaalida ku hareen dad hadalkooda cadaysan kara, 
Itoobiyana adduunka ku baraarujin kara waxa ay tahay. Intii khudbaduhu socdeen dadkii ka soo qayb 
galay shirka ayaa aad u sacbinayey, qaarna ay lulayeen tabeelayaal (waraaqo 
qoraalo lagu qoray sida VIVA SOMALIA, iwm) - Nin dadkii madasha joogey ayaa yiri: 
"war heedhe waxaa la idin barayaa in lawada hadli karo ee sacabka naga daaya", 
dabcan inta u dhow keliya ayaa maqleysey maadaama sacabku uu aad u xoog weynaa. Sidaas ayaa shirkii kusoo gabagaboobey, 
shirkaas oo ahaa mid aad loo soo qaban qaabiyey, aadna loo soo camiray. [Eeg 
qabanqaabadii shirkan]. SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota, USA | Dec 
8, 2005  Sawiradii Shirka::    
     
    
 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2005
 
 
						
						 
						
						 |