WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk
| Time | Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| ISlamOnline.IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror
MID EAST: IslamToday
| Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Dubai News
VIDEO: ITV |
Reuters
TV
| ABU-DHABI.TV |
CANADA.TV
| SaudiTV
| BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 9aad | 8aad |
7aad |
6aad | 5aad
| 4aad | 3aad |
2aad
& 1aad
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
| LA GUERRA IN
IRAQ | Corriere
Della Sera | Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE:
ABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
COOK:
CIIDAMADEENA HA SOO NOQDEEN
WARAR KOOBAN
|
Kuwait: Dareewal Gaari Weyn
ku qarxiyey Askar Maraykan ah:
Dareewal aan haybtiisa la sheegin ayaa
gaari weyn oo watey ku qarxiyey askar Maraykan ah dalka Kuwait. 6 askari
ayaa ku dhaawacmay qaraxaas sida uu sheegay TVga Canada ee CBC...
Wararka kale ee TV-ga Canada weriyey
waxaa kamid ah in askari maraykan ah uu dhintay kaddib markii uu maray
gaari ah nooca dagaalka ee loo yaqaan Humvee. Askari kale ayaa dhintay
kadib markii gaari uu kula dhacay meel biya mareen ah (ama kanaal). CBC...
Janaraal Ciraaqi ah oo la qabtay:
sidaas waxaa qoray jariidada times ee kasoo baxda dalka Ingriiska, waxna
la sheegay in janaraalkaas lagu qabtay Basra.. times
Ciraaq oo Sheegatay in ay soo ridey laba
diyaaradood oo Marayku leeyahay:
Wasiirka saxaafada Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahaf, waxa uu saxaafada u
sheegay in Ciraaq so ridey laba diyaaradod oo ah helicopter, mid waxaa
lagu soo ridey Basra , tan kalena Khazaf CBC.TV
Ciraaq oo ka hadashay dadka isbiimaynaya,
sheegtayna in ay bilowday dagaalkan cusub Daawo
Halkan.. AbcTV Australia
ABU.DHABI.TV: VIDEO
Wargeyska Newsweek oo qoraal dheer ka
qoray TV-ga Al Jazeera ka akhri NewsWeek
Rumsfeld's Role as War Strategist Under
Scrutiny Reuters..
Rumsfeld Says No Plan for 'Pauses or
Cease-Fires' Reuters.
|
Wasiirkii
hore ee arrimaha dibadda ee Britain Robin Cook ayaa soo jeediyay inay ciidamada
Britain ee dagaalka ku jira ay ka soo baxaan Ciraaq, wuxuuna ku tilmaamay
dagaalka ay gacanta kula jiraan ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska inuu yahay
“dagaal dhiig badan ku daadanaya oo aan wax faa’iido lahayn”.
Robin Cook oo u waramayay wargayska Sunday
Mirror ee ka soo baxa England cadadkiisa maanta oo axad ah ayuu ku taliyay inuu
doonayo inay ciidamada Britain ay ku soo laabtaan guryahooda kahor intaanan
laga dilin tiro kale oo badan.
Sida la ogsoon yahay waxaa ciidamada
Ingiriiska kaga dhintay dagaalka Ciraaq hadda ka socda ilaa 23 qof, afar iyo
toban ka mid ah ciidamadaas waxay ku dhinteen shil isku dhac diyaaradeed, afar
kalena iska hor imaad dagaal, halka shanta soo hartayna ay ku dhinteen waxay
ciidamada isbahaysiga ugu yeereen “rasaastii ay soo ridayeen saaxiibada”.
Cook wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha mareekanka
Bush iyo wasiirkiisa gaashaandhiga Donald Rumsfeld inaysan garanaynin waxay
waqtigan xaadirka ah samayn doonaan, kadib markii ay ku fashilmeen
yiddiddiiladii ahayd inay si dhaqso leh ay isu dhiibi doonaan ciidamada Ciraaq.
“qofna yuusan dagaal ku gelin isagoo ka
duulaya inay ciidanka cadoowga ay wada shaqayn doonaan, waana arrinta uu dhab
ahaantii sameeyay Mr. Bush” ayuu yiri Cook, wuxuuna intaa raaciyay “hadda
oo ay ciidamadii marines-ka ay gaareen hareeraha Baghdad Mr. Bush garan maayo
waxa uu sameyn doono” ayuu yiri isagoo ciidamada isbahaysiga uga digay go’doon
lagu go’doomiyo caasimadda Ciraaq ee Baghdad. “Rumsfeld wuxuu billaabay
xeelad cusub oo milateri, halkii uu durbadiiba ka geli lahaa Baghdad waxaa
lagama maarmaan ah inuu dibadda magaallada uu dhufeys ka galo jeer uu Saddam
iska dhiibo”.
Robin Cook wuxuu kaloo yiri “wax ka xun
dagaalka ma jiraan marka laga hadlayo go’doominta, dadku way gaajoonayaan,
biyihii ayaa ka go’aya, caruurtii ayaa dhimanaya” ayuu yiri Cook oo ka mid
ah xubnaha golaha baarlamaanka ee Britain.
Mr. Robin Cook ayaa bishii tagtay ee maarso
17-keedii iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu hayay, kadib markii uu si adag
uga soo horjeestay go’aanka Britain ay ku aqbashay inay ka qayb galayso
dagaalka Ciraaq.
Dhinaca kale wuxuu Robin Cook ka digay inay
korodho dareenka naceyb ee ku aaddan galbeedka haddii shacabka Ciraaq ay ku sii
jiraan saxariirta hadda ka haysata dagaalka oo uu isagu aaminsan yahay inuu
qaadan doono billooyin fara badan. “xisbiga liberal-ka ee Britain waa inuu
dagaalkan la qaaday iyadoon oggolaansho laga helin golaha ammaanka ay dusha u
dhigtaan wixii ka yimaada” ayuu yiri Cook oo ah ruug caddaa sannooyin badan
ku soo jiray siyaasadda Britain. Wuxuu ka tirsan yahay xisbiga talada haya ee
liberal-ka, inkastoo uu ka soo horjeedo siyaasadda dowladda ee la xidhiidha
dagaalka Ciraaq.
Afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisal
wasaaraha UK ayaa isla markiiba jawaab celin ka bixiyay hadalladii ka soo
yeeray Robin Cook. Robin Cook wuxuu dagaalka Ciraaq ka qaatay mowqif la wada
yaqaano, kaasoo aan waafaqsanayn mowqifkeena” ayuu yiri afhayeen ku hadlayay
magaca Tony Blair, wuxuuna intaa ku daray in aragtida Cook aynan saameyn ku
lahayn wax ka beddelidda Xukuumadda Britain.
Isha
maqaalka:
http://www.sundaymirror.co.uk/
Diyaarintii: Ibraahim Saalax |
SomaliTalk Denmark | March 30, 2003
DAGAALKA
CIRAAQ OO SII DABA DHEERAANAYA
»» Duqeynta
lagu hayo Ciraaq oo aan kala joogsi lahayn »» Pentagon oo erisay weriye
mareekan ah WARARKII.MAANTA...
30/3
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
<> TAARIIKHDA
CIRAAQ ... HALKAN GUJI
<>
|