|
GARABKA BIDIX OO KU GUULEYSTEY DOORASHADII WADANKA SWEDEN.
WQ. Guled, Abdulhakim Ahmed
Borlänge, Sweden
Dhamaan saxaafada wadankaan ayaa waxay si toos ah u tabinaysay hadba halka ay
mareyso tirinta codadkii maanta oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee la
codeynayey. Waxaana dhamaan goobihii laga codbixinayey albaabada loo laabey
8:00-dii fiidnimo ee caawa.
Xisbiyada wadankaan ayaa mid walba sameystay good ay taageerayaashiisu isugu
yimaadaan si ay ugala socdaan hadba halka ay mareyso tirinta codadka.
Haddaba anigu waxaan ka qeybgalay goob ay isugu yimaadeen taageerayaasha xisbiga
talada wadankan hayey 4-tii sanno ee la soo dhaafey waa Xisbiga Shaqaalaha
(Socialdemokrater) qeybtiisa Borlänge, waxaana halkaas si aad ah loogu qurxiyey
calaamada xisbigaan iyo calamo cascas oo inta badan astaan u ah xisbiyada
siyaasadoodu u janjeerto dhanka bidix.
Soomaalida Sweden iyo dhamaan ajaanibta ayaa waxay u codbixinyeen si aad uga
duwan doorashooyinkii hore, mar aan wax ka weydiiyey Xaaji Axmed Maxamed Cabdi
oo ka mid ah odayaasha magaalada Borlänge oo aan kula kulmey goobtii natiijada
doorashada ay ku sugayeen isagoo sita koofiyad cas oo calaamada xisbiga
shaqaalahana ay ku daabacantahay ayaan waxaa weydiiyey inuu cod bixiyey iyo in
kale waxuuna iigu jawaabey haa waan codbixiyey waxaana ugu ridey xisbiga
shaqaalaha, waa maxay sababta aad codkaaga u siisey xisbigaan ayaan weydiiyey,
waxuuna iigu jawaabey xisbiga shaqaalahu ummadda ayuu u roon yahay gaar ahaana
waxuu aad u illaaliyaa sinaanta dadka iyo isku-dhafnaanta qowmiyadaha kala
duwan. Waxaan sidoo kale halkaa kula kulmey C/naasir Ismaaciil Kabare waxaana
weydiiyey inuu codbixiyey iyo cida uu siiyey codka, waxuuna iigu jawaabey
codkeygii waxaan siiyey xisbiga shaqaalaha maxaa yeelay waxay u roon yihiin
ajaanibta, marka loo eego xisbiyada kale ee ay siyaasadoodu u janjeerto dhanka
midig. Ma markii kuugu horeysay oo aad codkaaga dhiibataa hadeysa tahay maxaa
kugu kalifey ayaan weydiiyey C/naasir, waxuuna yiri haa waa markii iigu horeysay
waxaana igu kalifay waad aragtaa oo dhamaan Yurub waxaa ku soo xoogeystay
xisbiyada neceb ajaanidta oo ay siyaasadoodu xag jirto waxaana tusaale fiican
noqon kara wadankan aan deriska nahay ee Denmark marka waxay iigu muuqatey in
codkeygu wax weyn tari karo, sabataas ayaana igu kaliftey iyo waliba hadaladii
ay ku hadleen qeybo ka mid ah hogaanka xisbiga Moderat-ka oo muujinaayey muslim
naceyb.
Dadweynaha wadankan ayaa filayey inay saxaafadu mudnaanta koowaad siiyaan
su’aalaha la xiriira dembiyada, dugsiyada, daryeelka waayeelka IWM, halka ay
saxaafadu xooga saartey arimaha ajaanibta iyo faquuqa, dhaqaalaha, caafimaadka.
Xisbiga shaqaalaha ayaa waxaa uu soo hoyiyey guul lama filaan ah ka dib makuu
helay 40.1% halka uu xisbiga Moderat-ka oo ugu weyn mucaaradka ay soo gaartey
guuldaradii ugu weynayd tan iyo 1973-dii oo ay heleen 14.3% waxii intaa ka
dambeeyey waxay mar walba ka sareeyeen 20%. Hogaamiyaha xisbigan Bo Lundgren
ayaa cadeeyey inuusan is casileen halka ay dalbanayaan hogaanka ururka
dhalinyarada ee Moderat-ku in isbedel lagu sameeyo hogaanka sare ee xisbigaan.
79% ayaa codkooda dhiibtey doorashadaan waana tiradii ugu yareyd marka laga
reebo sanadii 1958 oo ay codbixiyeen 77.6%. 1976 ayay codbixiyaashu ugu
badnaayeen waxaana codbixiyey 91.8%, intii intaa ka dambeysayna waxay tiradu ku
wareegaysay 90% sida aan ka soo xiganay Taleefishinka Sweden.
Kuraasta golaha shacabka ee wadankan ayaa waxaa loo kala helay sidan:
-
Xisbiga Shaqaalaha(S): 144 kursi
-
Xisbiga Bidixda(V): 30 kursi
-
Xisbiga Deegaanka(Mp): 17 kursi
-
Xisbiga Dhexe©: 23 kursi
-
Moderat (M) 54 kursi
-
Xisbiga Shacabka(Fp) 47 kursi
-
Xisbiga Kirishtaanka(Kd) 33 kursi
Tirinka codadka oo aan wali dhamaan aawadeed ayaan waxaan wali la sheegi karin
tirada kama dambeysta ah ee uu xisbi walba helay gobal kasta iyo demo kasta.
Görran Person oo ahaa wasiirkii koowaad ee hore ahna hogaamiyaha xisbiga
shaqaalaha ayaa mar uu la hadlaayey taleefishinka Sweden u sheegay isagoo aad u
faraxsan inay sugeyso 4 sano oo aad u adag, dhanka kale xisbiga Deegaanka (Mp)
ayaan ilaa iyo hadda cadeyn inuu ku soo biiro doona labada xisbi ee
shaqaalaha(S) iyo bidixda(V), ka dib markii ay dalbadeen in golaha wasiirada ee
la dhisi doono wax laga siiyo, taasoo xisbiga shaqaalahuna u ka dhaga adeygay
inuu xisbina la wadaago.
Soomaalidii u sharaxnayd golaha baarlamaanka iyo golayaasha gobolada iyo
degmooyinka ayaan ilaa iyo hadda cadeyn inay ku guuleysteen iyo in kale.
Soomaalida Sweden ayaa badankoodu xubna ka ah xisbiga shaqaalaha si weyna ugu
codeeyey sanadkaan, balse la arki doonee sida ay u fuliyaan balamahoodii
doorashooyinka ka hor ay balanqaadeen.
Guled, Abdulhakim Ahmed
Borlänge, Sweden
guledhakim@yahoo.com
Isha: SVT-text.
Sept 16, 2002 | SOMALITALK
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|