SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Col. Shaati Guduud oo ku mashquulsan qalabaynta ciidamadiisa  

Madaxweynaha dawlad goboleedka K/galbeed Soomaaliya Md. Shaati Guduud ayaa lagu soo waramayaa inuu imminka aad ugu mashquulsan yahay sidii uu u samayn lahaa ciidan balaaran oo waliba ku hubaysan gawaarida gaashaaman ee loo yaqaan Tiknikada, maadaama ay hubkii RRA ee u badnaa Tiknikada ay gacanta ugu jirto labada nin ee ay hadda iska soo horjeedaan.

Wararkan oo laga helay dad Baydhabo ku sugan ayaa xaqiijiyay inay indhahooda ku arkeen baabuur Tikniko ah, dhex meeraysanaya magaalada dhexdeeda.

Diyaar garawga uu Col. Shaati Guduud samaynayo ayaa lagu soo waramayaa inuu salka ku hayo culays la sheegay inuu uga imaanayo dhinaca Sh. Aadan Madoobe Iyo Xaabsade oo iyaguna ciidamo ku uruursanaya Diinsoor.

Wafdi uu hogaaminayay Daahir Dayax oo Doraad Lagu Rasaaseeyey Afgooye

iyo C/Qaasim oo Maanta Tegey Afgooye isagoo uu lasocdo Daahir Dayax 

Wafdi uu hogaaminayay Daahir Dayax oo ah wasiirka arimaha Dibadda ee dawladda KMG, ayaa rasaas ooda looga qaaday xilli ay ku jireen shir ay ku gorfeynayeen sidii maamul loogu samayn lahaa degmada Afgooye, maalinimadii doraad.

Lama soo sheegin wax dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay halkaas, hase ahaatee waxaa hakad galay sii socoshada kulankii iyadoo ugu dambaytiina lagu kala tegay shirkii.

Dablayda wax xabadaysay ayaa lagu soo waramayaa inay diidan yihiin maamulka ay dawladda KMG ahi doonayso inay ka samayso Afgooye.

Dhinaca kale, guddomiyaha degmada Afgooye Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen dablaydii ka danbaysay rasaastii lala beegsaday goobtii shirku ka soconayay. Xilligaas oo uu halkaas ku sugnaa Daahir Dayax, wasiirka arimaha Dibadda ee dawladda KMG.

Sidoo kale wuxuu Md. Cirfo ka bixiyey raali galin falkii dhacay, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaqan Afgooye ay taageersan yihiin dawladda KMG ah, ayna raali ka yihiin in maamul loo sameeyo.

Maanta ayay Markale dib ugu laabteen degmada Afgooye waftigii oo uu markaan la socdey madaxweynaha DKG , C/Qaasim Salad Xasan, waxaa kale oo waftigaas maanta la socdey Daahir Dayax, waxaana warku sheegay inay halkaas mar kale dib uga bilaabeen kulankoodii, waxaana la isku afgartay in muddo sadex cisho ah lagu soo dhiso maamulka degmada Afgooye.

Muqdisho Oo dhawaan laga taaba galiyey machad bixinaya (IT) Information Technology

I    I    D    H    E    H


Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga:  
km-5 Mogadishu

Machad lagu magacaabo Beder Institute Of Information Technology BITT ayaa dhawaan laga furay magaalada Muqdisho, machadkaas oo ah kii ugu horeeyey ee bixiya maadooyinka Programming iyo webpage designing, ayaa u muuqda imminka in dadka reer Muqdisho ay aad u xiisaynayaan.

Mar aan booqday xarunta machadka ayaan ku arkay arday fara badan oo dhiganaysa iyo kuwo kale oo doonaya inay is diiwaan galiyaan. Waxaan halkaa ku arkay macalin ajanabi ah oo bixinaya maadooyinka Programming-ka, mar aan weydiiyey mid ka mida hawl wadeenada machada, su’aal ahayd sababta keentay in loo baahdo macalimiin ajanabi ayaa ii sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin macalimiin Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho oo bixin kara maadooyinka uu dhigayo macalinkan ajanabiga ah

Maamulaha machadka Beder Md. Salaad Khaliif oo faahfaahin iga siinayay machadka Beder ayaa sheegay, in machadkoodu wax weyn ku soo kordhin doono aqoonta dadka reer Muqdisho gaar ahaan, iyo guud ahaan tan dalka oo dhan, maamulaha ayaa sheegay, inay ku talo jiraan inay gaarsiiyaan machadkooda ilaa gobolada dalka mustaqbalka soo socda.

Maamule Salaad Khaliif, ayaa sheegay in macalimiinta wax ka dhigaysa machadkoodu ay yihiin kuwo tayo leh oo ay hubiyeen heerkooda aqooneed, ayna haystaan aqoonsi caalami ah, isla markaana ardaygii ka baxa machadkooda uu heli doono Diploma laga aqoonsayahay dunida meelo ka mida, wuxuu maamuluhu intaa ku daray in ay u samaynayaan shariikadaha barnaamijyo khaas ah oo ku wajahan hawl maalmeedkooda (Project), wuxuuna sheegay maamuluhu inay bixinayaan maadooyinka ay ka mid yihiin:

-c++
-Visual c++ 6.0
-JAVA 2.0
-Oracle 8i
-SQL Server 2000
-Web designing (HTML, DHTML, CSS, JSSS, Java Script, Perl (CGI)
-XML (Extensible Markup Language) with XSL
-Networking Essential with Hardware Basics
-Windows 2000 Administration
-CISCO (Routers and Switches)
-UNIX Administration & Shell Programming
-Linux Administration & shell programming
-SUN-SOLARIS Administration & shell programming
-Date base Administration (DBA) – for Oracle
-Ms-Office 2002 (Ms-Word, ms-Excel, Ms-Access, Ms-Power point )
-Computer Basics (DOS & Windows)
-Daceasy Accounting
-Peachtree Accounting
-Quick Books Pro 2001
-Ms-Money Accounting
-Quick Accounting

iyo waliba kuwa kale oo fara badan, waxaana la rajaynayaa in dhowaan machadka ay soo gaario doonaan macalimiin kale oo ajanabi ah oo iyaguna wax ka bixin doona casharada ka baxaya machadka BITT.

Mogadishu Weekly Reporter A.D 

Mog-Somalia

  weekly@somalitalk.com 
SOMALITALK | Muqdisho, Soomaaliya
 

Sept 21, 2002

Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo Cashuur
ka bilaabay Kismaayo iyo Md. Deerow oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu... GUJI... 17/9
DOODFURAN: DADWEYNAHA & CASHUURTA KISMAAYO 

  WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

  AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD