SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

war-1-9,December,Nairobi.

Deerow iyo Xasan oo Ganafka Ku Dhiftay Magcaabidii Ra'iisul Wasaaraha DKG

Cabdalla Deerow Iyo Xasan Abshir:- waa u sharaf daro Cabdiqasim in uu...........

 

C/Qaasim

Xasan Abshir
deerow Deerow galaydh Galayr

Ergada dawlada kMG ee ka qaybgaleysa shirka wadahadalada Nabada ayaa saakey shir balaaran ku qabtery hotel 680-ti oo ay degan yihiin oo ku yaala magaalada Nairobi. shirakaasi ayaa ugu horeytii waxaa lagu furay aayado quraan ah,waxaa hadalka qaatey afhayeenka ergada TNG-da ee shirka ahna wasiirka Ganacsiga ee dawladda KMG Muddane Cabdiraxmaan Nur Maxamed Diinaari oo sheegay in ay ergada TNG-da soo dhaweynayaan Go'aanadii shaley ka soo baxey kulanka wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ee ku saabsanaa in kulanka dib loo dhigay 18-bishan ,afhayeenka waxaa kaloo uu sheegay in hadaladaasi ay rajo cusub galiyeen dhamaan Ummada Soomaaiyeed ee nabada jecel,taasina waxa ay na tusineysaa in adduunweynaha ka go`an tahay maanta in Shacabka Soomaaliyeed Dawlad loo dhiso.

ka dib waxaa hadalkii qaatey Guddoomiyiii Barlamaanka Muddane Cabdala Deerow Isaaq oo sheegay in Maanta Cabdi qaasim magacaaabi karin gudoomiye cusub iyo raisul wasaare cusub waayo sharciga ma dhigayo dawlada KMG waqigedii waa uu dhamadey ,anagana waxaa ka mid Nahay wafdiga Dawlada KMG ee shirka ka qayb galaya Soomaalidaa shirka qaybgaleysa oo nabada iyo mustaqbalkooda ka shiraya.

hadalkii ayaa waxaa qaatey Jeneraal Muumim taliyahii Ciidanka Boliiska Ee Dawlada KMG waxaa uu sheegay in maanta soomaalida u bahan tahay wada tashi iyo in ay ka wadahadasho dhibkii la isku qgeystey iyo sidii aan maanta adduun weynaha wax ula qaybsan laheyn ee ma aha Cabsdi qasim in uu dadkale iyo dagaalka u horseeda ummada soomaaliyeed oo si shatraf leh u dooratey.

waxaa hadalkii qaatey taliyaha Ciidanka Militariga ee Dawlada KMG General Naji oo sheegay in ay ka amar qaataam 5-kun oo ciidamo ah iyo dhawr iyo toban tikniko oo hadana ku sugan Soomaaliya Ciidamadaasi waxay sugayaan Dawlad Soomaliyeed anagana halkan waxaan u nimid in aan dhisno dawlad Soomaali ah oo loo wada dhan yahay. ugu danbeytii waxaa waxaa hadley raisulwasaare xasan Abshir Faarax oo sheegay in iyadoo maanta loo fadhiyo shir looga hadlayo dib u heshiisiinta ummada Soomaalida uu cabdi qaasim magacaabo dad uu suuqa ka soo kaxeeyey ,taasi mocnaheeda waxaa loo qaadan karaa in uusan rabin nabad in laga hadlo oo dagaal iyo dhibka kale loo horseedo Ummada Soomaliyeed,maanta waxaa lajoogaa shirka gabagabadiisa haddii uu cabdiqaasim wax diidan yahay ha yimaado oo hadlkan haka sdheego ragana wax hala qaybsado ,waa u sdharafxumo in u soo habaabiyo ragmaanta guryahooda iska fadiyo ,Ergadiisii hore ayaa jiif iyo cunto hotadii ka saartey oo soomaalino hada loogu celinayaa Diyaarada IGAD ay bixiso kharashkeeda.

waa kan warsaxafadeedkii oo ay soo saaren ERgada TNG-da Ku sugan Mdasaha shirka Dib uheshiisiinta Soomaalida ee Kenya. waxaana ku saxiixan Xasan Abshir faarax Raisulwasaare iyo Cabdala Deeroow Isaaq GuDdoomiyaha Barlamaanka

War-Saxaafadeed

Ergada DKMG ee Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed
9 December 2003, Nairobi, Kenya

Waxaa beryahaan dambe socday warar sheegaya in Golaha Shacbiga ku-meel-gaarka uu doortay guddoomiye cusub iyo in Cabdiqaasim uu magacaabay raiisul wasaare cusub, shalay oo taariikhdu ahayd 8 December 2003. Doorashadaas iyo magacaabiddaas la sheegayaa waa kuwo khilaafsan Axdiga Qaranka ku-meel-gaarka ah ee lagu soo ansaxiyey Shirkii Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabbuuti; sidaas darteedna waa kuwo aan waxba ka jirin. Ma jirto awood uu leeyahay iyo sharci uu Cabdiqaasim ku beddeli karo ama ku casili karo Guddoomiyaha iyo Raiisul Wasaaraha midna. 132 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacbiga KMG ah oo tiradiisu tahay 245 iyo 32 wasiir iyo labadii taliye ee Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeed iyo madax kale oo ka tirsan DKMG ah ayaa waxay joogaan Shirka Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Nairobi, Kenya (arag liiska halkaan ku lifaaqan). Dad laga soo uruuriyey suuqu ma noqon karaan Baarlamaan mana cayrin karaan Guddoomiyaha iyo Raiisul Wasaaraha oo gudanaya masuuliyaddii ka saarneyd mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Waa inaan mar kasta madaxa ku haynaa in aan DKMG ah ahayn wax uu qof gaar ah leeyahay. DKMG ah waa hayado ay ummadda Soomaaliyeed samaysatay oo iyadu iska leedahay. Madaxweynaha, Guddoomiyaha, Raiisul Wasaaraha, Xildhibaannada, iyo Wasiirrada intaba waxay darajada ay wataan ka keeneen Axdiga Qaranka KMG ah. Ma jiro qof isagu ku dhashay darajadaas uu wato. Sidaas darteed, ficil kasta oo ka soo horjeeda Axdigu waa mid aan jirin oo ay tahay in ay dhammaan dadka Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo warbaahintuba iska diidaan oo aysan wax tixgalin ah siin.

Waxaa cad inuu Cabdiqaasim quus joogo oo uu isku dayayo inuu sameeyo wax kasta oo u suurtagalin kara inuu awoodda sii haysto. Wuuse ku khaldan yahay haddii u maleynayo inuu weligiis madaxweyne ku ahaan karo inuu waqtiga DKMG ah ee dhammaaday dheereysto isagoo weliba iska indha-tiraya oo aan ku dhaqmayn Axdiga uu dartiis madaxweynaha ku ahaa iyo isagoo isku dayaya inuu beesha caalamku ku khayaamo waxyaabaha aan sharciga waafaqsaneyn ee ku kacayo oo uu kula dagaallamayo Shirka Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Kenya. Inta badan dhibta maanta Soomaaliya haysata waxay ka dhalatay ficillada hooggaamiyeyaal siyaasadeed oo aan danta ummadda ka fakareyn kuwaasoo markii madaxnimo loo doorto diida inay kursiga ka dagaan haddii ay xataa taasi keeneyso burbur ku dhaca dadkooda iyo dalkooda. Khilaafka hadda annaga iyo Cabdiqaasim noo dheexeeyaa wuxuu inta badan ku saabsan yahay arrinta ah shirka aan ka qeybgalno iyo yeeynaan ka qeybgalin. Waxaan Cabdiqaasim ugu samirnay waxyaabo badan oo ah dhinac marid Axdiga iyo faragelin joogta ah oo uu ku hayey arrimaha xukuumadda iyo kuwa baarlamaankaba annagoo taas uga dan lahayn inaannu dhowrno wadajirka iyo sumcadda DKMG ah inta laga gaarayo dhammaadka 3dii sano ee loo qabtay iyo inta aan awoodda siyaasadeed cid kale ku wareejineyno. Sida muuqata Cabdiqaasim marna kama aysan dhab ahayn in la helo dib-u-heshiisiin qaran. Marar badanna wuxuu na weydiistay inaanu shirka ka soo baxno. Waxaan ku dadaalnay oo intii tabartaya ah isku daynay inaanu ku qancinno inuu shirka ka soo qeybgalo isagoo ixtiraamaya rabitaanka ummadda Soomaaliyeed aqbalayana wixii ay iyagu doortaan. Waxay nala noqotay inay tahay waqtigii ay qeybaha siyaasadeed ee Soomaalida oo dhami heshiin lahaayeen oo la dhisi lahaa dowlad loo wada dhan yahay oo u horseedda ummadda Soomaaliyeed siday uga bixi lahayd dhibaatada iyo sharaf darrada ay ku sugneyd 13kii sano ee la soo dhaafay gaar ahaan iyadoo waqtigii DKMG ah uu dhammaaday.

Waa ineynaan qofna ka yeelin wax sharciga khilaafsan kana soo horjeeda rabitaanka ummadda Soomaaliyeed inteeda badan oo u ooman nabad, xasilooni iyo xukun wanaagsan oo dalkeena ka hirgala. Annaga ayaa ah dadka sida sharciga ah u matalaya DKMG ah; waxaanuna ku sii shaqeyn doonaa masuuliyadaha aan hayno inta ay shirkaan ka dhalaneyso dowlad loo dhan yahay oo aan xilka ku wareejino ciddii ay doortaan ergooyinka Soomaaliyeed ee shirku.

Waxaan ugu yeereynaa beesha caalamka inay taageeraan shirkan ka socda Kenya. Ma lumin karno fursaddaan. Beesha caalamku waa ineysan wax dhiiri galin ah siin dadka yar ee ka shaqeynaya in shirkaani uu burburo doonayana in mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uu u xirnaado hawadooda siyaasadeed ee indhaha la.

Waxaan ku gabagabeyneynaa mahad ballaaran iyo qaddarin aan u jeedineyno dadka iyo dowladda reer Kenya oo noo dulqaatay naguna marti galiyey dalkooda in ka badan hal sano muddadaas oo aan wax badan ka barannay baniaadamnimadooda, wanaagooda iyo ku dhaqankooda dimoqraadiyadda. Waxaan u mahadcelineynaa Mudane Kiplagat iyo kooxdiisa Kenyaanka ah ee la shaqeysa iyo wakiillada dalalka safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Jabbuuti oo ku dadaalay in shirku guuleysto. Waxaan kaloo mahad u celineynaa wakiillada beesha caalamka ee shirka jooga oo si joogta ah oo hagar laaan ah shirka u taageeray. Waxaan soo dhaweyneynaa War-Murtiyeedka iyo goaammada ka soo baxay kulanka 2aad ee Guddiga Wasiirrada IGAD ee Fududeynta arrimaha shirka oo ay ku yeesheen magaalada Nairobi, Kenya, shalay oo taariikhdu ahayd 8dii December 2003. Mahadsanidin, Wa Billaahi Towfiiq.

Xasan Abshir Faarax
Cabdalla Deerow Isaaq
Raiisul Wasaaraha
Guddoomiyaha
Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

-dhammaad-

XAFLADII UGU FOOSHA XUMAYD EE GEESKA AFRIKA LAGU QABTO
Faalladii Toddobaadka ee Fahad Yaasiin: Guji 6/12

Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim

Sahlashadii Cabdiqasin iyo damacii deerow

GUULDARRADA DAWLADDA KMG AH IYO DOORKII C/QAASIM

Xukuumada Xasan Abshir oo La Marsiin doono wadadii tii Galayr
C/Qaasim oo 3 ergay u diri doona Kenya iyo C/dalla Deerow oo lagayaabo in xilka Baarlamaanka laga wareejiyo iyo... GUJI..  

Xasan Abshir iyo C/dalla Deerow oo Shir Jaraa'id ku qabtay Nairobi [30/4/2003]

<><><>

IIDHEH: Machadka Beder ee Boosaaso... Soo Booqo Maanta 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD