SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

  Muqdisho Caasimad ma u qalantaa????
qore :siciid xaaji xuseen   
shariifka@yahoo.com
 

Feb 12, 2003

 Doodaas waxaa kusoo bandhigay somalitalk.com,fahad yaasiin,oo isagu ku soo gunaanaday inaaysan u qalmin sababo dhowr ah oo uu kaga  sharqamiyay qoraalkiisa, doodaan waxaa qaba dad badan in caasimadnimada Muqdisho wax la iska dheho,waxaayna doodeedu soo cusboonaataa markasta oo shir-soomaaliyeed qabsoomo. Iyadoo aad moodo in dadku yihiin laba qaybood ama sadexba, qolo qabta in Muqdisho aay tahay casimada somaliya ee muqadaska ah,  oo aan sinaba gorgortan u gali karin!,qolo labaad ayaa qabta in Muqdisho aaysan sinaba u noqon karin Caasimad somaaliyeed oo danbe,iyo koox sadexaad oo qabta in dood la galiyo oo shuruuc iyo dib-u-qaabeen lagu sameeyo caasimadnimada muqdisho.
MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA
Faaladii Fahad Yaasiin GUJI...

waxaay aniga ila tahay in  labada  qolo ee hore aay xag-jiraan,waayo qolada tiri waa muqadas waxay hilmaameen in caasimadu aay ahayd soohdin qarameed, isla markaasna aay taladeedu u taalo dhamaan qaybaha qaranka oo dhan. Qoladaan danbana waxaa muuqata inay ka dhex-guuxayaan miskaxdooda dhibaatooyinkii dalka ka dhacay,gaar ahaan Muqdisho isla markaana aay ku dhisayaan aragtidooda taas.

waxaan isleeyahay qoladaan danbe ee iminka doodooda uu furay saaxiibkey Fahad,oo aan  aaminsanahay in aragtidiisu aay tahay mid aan sinaba qabiil ama caadifad kale salka ku hayn ee aay tahay fikir iyo muuqaal uu is tusay aayna la qabaan dad badan oo Soomaliyeed,si kastaba ha ahaatee waxaa ii muuqatay in sababaha uu fahad qormadiisa ku sheegay iyo is berber-dhiga Gobolada  uu usoo sharaxay aaysan midkoodna ahayn xujooyin lagu qanci karo oo u gogol xaari karo Caasimad wareejinta.
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho GUJI..... Mogadishu Weekly Agosto 6, 2002

Safarkaygii Muqdisho Sii Socod iyo Soo Socod:
Fahayd Yaasiin , Agosto 17, 2001 

Socdaalkii Shiike ee Muqdisho... 
Maxamed Cabdi Farax  - Shiike March 21, 2001

Tusaale ahaan waxuu sheegay Muqdisho aay ka taliyaan 7 hogaamiye kooxeed, hase yeeshee waxaan la inkiri karin dhamaan meelaha uu xusan aay ka jirto dhibaatada hogaamiye kooxeedyadu,tusaale ahaan waxuu fahad ku sheegay qormadiisa in Gedo oo kaliya  aay isku bedeleen ilaa 6 hogaamiye kooxeed,kismaayo xaalkeeda waan ka dheregsanahay,Baydhabo sanad gudihiis ayay waxay maraysaa gacantii 5-aad mise lixaad welina ma dhamaan xarig-jiidkeedu,hiiraan qudhigeeda waxaa ka jira 3-garab-siyaasadeed oo aan midna mid wax u ogeyn.

waxaa halkaas kamuuqata in kooxeeysigu iyo kala googo'u uusan ahayn calaamad gooni ku ah magaalo,isla markaana uu yahay muuqaal guud oo laga dhaxlay sharci darada iyo fowdada baahday,gobolba heer ha u joogtee,waxaana muuqata in aay tahay wado-lawada marayo oo kuwa hada deganina aay ku sii jeedaan hadaan qaran soomaaliyeed la helin,tusaale,gobolada la isku dhaho  Puntland oo xiligii Muqdisho colaadaha lagu hoobtay ka holcayeen hoos-harsanayay nabad iyo xasilooni waxa aay u muuqdaan maanta inay ku jiraan xaaladihii muqdisho ku jirtay bilowgii sagaashamaadkii.

Marka anigu waxaan qabaa in dhibku yahay mid guud,muqdisho dhibaatooyin baaxad lihi waa ka dhaceen oo aan miskaxda dad badan si sahal ah  aan uga baaba'eyn, hase yeeshee xalkeedu waxuu  qeyb ka yahay xal guud oo somaliya hesho. waxaa intaas dheer in muqdisho aay taalo hantidii iyo waxii agab ahaa ee umada somaliyeed tacabtay dowlad iyo shacaba afartankii sano ee tagtay sidaas daraadeed aaysan sahlanayn in si fudud looga guuro iyadoo aan xal loo helin arintaas.

Waxaa intaas dheer in dooda ku saabsan xagee caasimad noqonaysa aaysan noqon mid lagu saleeyo dhibaatooyinkii dalka ka dhacay ee noqoto mid lagu saleeyo shuruudaha lagu xusho caasimad oo leh kuwa dhaqaale,siyaasadeed,istiraatiijiyadeed,iyo bulsheedba,kuwaasoo markii si cilmiyeysan loo baaro aaysan jirin  meel muqdisho ku soo dhawaan karta. Dooda kale oo ah in dowlada C/qaasim aay lasocon wayday muqdisho darteed, waxaan qabaa sababo kale oo aad u xoog badan  aay yihiin kuwa curyaamiyay mirihii carta.

waxaana jira  wadamo badan oo dunida ah kuwaasoo dagaalo sokeeye la dageen mudooyin dheer,isla markaasna dagaalkoodu ku salaysnaa kala qeybsanaan qowmiyadeed,diimeed,iyo mid dhaqameedba, kuwaasoo markii xalka la baadi-goobayay aan caasimada la bedelin ee si kale xal loo gaaray waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Afghanistan, Malawi, Liberia,Angola.IWM.

Xitaa suudaan oo xaalkeeda aan la socono iyo dhibka weyn ee ka jira dagaalada kharaar ee aay isaga horjeedaan kooxaha konfurta ee kirishtanka  ah  iyo dowlada khartuum,caasimad bedel maahan ajende aay dalbayaan kooxaha reer koonfureedku. Marka anigu ma lihi muqdisho waa caasimad muqadas ah laakiin waxaan isleeyahay hadii  miskax ka fayoow raadadka iyo waxyaabaha laga dhaxlay dagaalada sokeeye lagu falanqeeyo caasimad Somaliya xagee u noqonaysa inaan meel ka mudan jirin dhibaatooyinka hada dadka qaar u muuqdana waa wax ku xiran xal-guud oo umada somaliyeed hesho.

waxaa haray inaan dhaho waxaay u taalaa dadka hada muqdisho gacanta ku hayaa inay bedelaan sooyaalka foosha-xun ee iminka ka jira Muqdisho kaasoo aan dhiirigalinayn sheegashada aay ku doodayaan in muqdisho tahay caasimad abiya.

  qore :siciid xaaji xuseen   
shariifka@yahoo.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

  

[Qoraallo kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  »»“Bulshada Rayidka”, Waa Tee, Waa Tumaa?
»»Shirka Qarsoon ee C/Qaasim iyo C/hi Yuusuf
»»WAANO GUUD SOMALIYEEY
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

»»CUDURKA AIDS-KA: Muxuu yahay, sidee lagu kala qaadaa, maxaana looga hortagi karaa? W.Q. Faarax A. M.; University of Karachi

WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA 
Wasiirka arrimaha is dhexgalka ee dalka Denmark Bertel Haarder ayaa ku hanjabay inuu ciqaab marin doono waalidiinta somaaliyeed ee ubadkooda ugu dira Somaaliya dhaqan celin awgeed.  GUJI... Feb 3

Toronto: Taageerada Jaamacadda Geeska Afrika
Shir ay qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario ayaa lagu qabtay  huteel ku yaal Toronto....  GUJI... Feb 3
  

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah

URURKA AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA  GUJI... feb 1 m

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD