SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - USA

  Warbixin ku saabsan soomaalida Boson. MA.

C/raxman Ceynte | Boston, MA | ceyntejournalist@attbi.com

Feb 10, 2003

Maalintii Jimcaha aheyd oo bishan aheyd 7-da ayaan ka soo dagay garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Boston, MA (Logan International Airport) oo ah mid kamid ah airport yada ugu mashquulsan mareykanka oo dhan, isla markaana ah meeshii eey ka duuleen laba kamid ah dayuuradihii lagu qarxiyey daaraha Twin Towers September 11 2001, Baraf aad u culus ayaa hareereeyey dhamaan gagida, taas oo runtii khasabtay in dayuuradii aan la socday dhowr saacadood dib loo dhigo, ugu danbeynse waanu soo caga dhiganay.

Gagida dayuuradaha ee Boston waa mid kamid ah kuwa sida xad-dhaafka ah loo sugo amaankooda, markii aan soo dhoofayey waxaan aad ula fajacay sida loo baarayey dadka oo dhan, gaar ahaan kuweena magacyadooda islaanimada ka soo dhadhameyso. Tusaale ahaan waxaa xitaa lagaa siibayaa suunka dhexda kuugu xiran si loo hubiyo inuusan jirin wax kale oo bir ah oo sameynaya dhawaaqa ishaaraya qofku inuu biro sito, waxaanse sii anfariiray markii uu ninkii baaritaanka sameynayey gacantiisa iila tagay oo uu korkeyga gacantiisa mariyey!

Magaalada Bosoton waa mid mid kamid ah magaalooyinka ugu faca weyn waddanka mareykanka, ilaa iyo 300 sano ayaa la soo daganaa, khalqi xad-dhaaf ahin weey ku dhaqan yihiin magaaladan. gumeystihii ingiriiska ayaa raad aad u weyn ku leh magaalada, dhismaha magaaladu wuxuu aad ugu qaab egyahay magaalada London ee waddanka ingiriiska, wadooyinku aad beey ciriiri u yihiin, biyo ayaana meel kasta dhex ceegaaga. dadkeena reer Minnesota ah weey ku adag tahay ineey gaari ku dhex wadaan magaalada, wadooyinka oo ciriiri ah awgeed. Laakiin gaadiidka dadweynaha ayaa ah mid aad looga helo magaaladan. Tareeno iyo basas ayaa dhulka korkiisa iyo hoostiisaba maraya. Bosoton waa magaalo eey ku badan yihiin ajaanibta hodan-ka ah ee waxbarasho doonka ah, maadaama eey xarun u tahay jaamacado heer sare oo eey Harvard iyo MIT college ugu horeeyaan. Sida uu ii sheegay nin dhalinyaro ah oo dowladda hoose u shaqeeya, kudhawaad 40% dadka magaaladu waa dad aan English-ka luqadooda koobaad aheyn.

Lama hayo tirakoob rasmi ah oo sheegaya tirada soomaalida, ha yeeshee xubno ka tirsan xarunta jaaliyadda soomaaliyeed ee Boston ayaa iigu qiyaasay in guud ahaan gobolka eey ku nool yihiin ilaa iyo 4000-5000 soomaali ah. Soomaalidu wexeey aad uga shaqeystaan meelaha gawaarida la dhigto (parking Lots) iyo Taksiyada magaalada, maadaama eey meel aad u mashquulsan tahay, dhowr dhalinyaradaas kamid ah oo aan saaxiibo nahay ayaa ii sheegay ineey 5-ta maalmood ee todobaadka la shaqeeyo eey iyagu waxbarasho tagaan, weekend ama sabtida iyo axaddana Taxi-ga wadaan.

Somalida Boston wexeey uga horeeyaan soomaalida kale ee aan ku soo arkay goboladii kale ee aan horey booqday sida joogtada ah oo eey ula socdaan arrimaha siyaasada somalida, waxaanse la sii yaabay sida jaaliyaddani uga warheyso saxaafadda soomaalida, Inta badan dadkii aan la kulmay markii aan weydiiyey ineey website-yada soomaalida aqriyaan iyo inkale, wexeey durbadiiba la soo boodeen magacyada kale duwan ee boggaga soomaalida.

Qaar ka tirsan jaaliyadda ayaaba iiga yaabsaday sida xeelka dheer oo eey u kala yaqaanaan qorayaasha soomaaliyeed, waxaan isku dayey bal inaan ogaado sababta ka danbeysa arrintan. Waxaa ii soo baxday in somalida gobolkani dhanka aqoonta kaga hodansan yihiin goboladii kale ee aan tagay sababaha soo socda awgeed:

(a) deeqaha waxbarashada oo guud ahaan la oran karo waa kuwa si sahlan looga helo gobolka

(b) Gaadiidka dadweynaha oo ah mid leyska heli karo ku dhawaad 24 saac ee maalintii & habeenkiiba.

Waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso maxaa iska galay gaadiidka dadweynaha iyo aqoonta? Waxaa iska galay, qofku marka uusan ka walwaleyn gaadiid joogta ah oo uu maalinkasta u raaco kana soo raaco gobta waxbarashada, isla markaana uu yahay arday iska jeb xun oo aan maalinkasta ka bixi Karin inuu gaarigiisa shidaal & caymisba (insurance) ka bixiyo, wexeey u sahleysaa inuu si sahlan qofkii aqoontiisa u sii wato.

Jaaliyadda soomaaliduna waxeey aad ugu badan yihiin xaafada Roxberry oo eeyna ka dagggan yihiin guryo eey dowladdu ugu deeqday jaaliyadda. Waxaad ku arkeysa xaafaddan iyadii oo niman macawisyo wata iyo dumar diracyo xiran isaga gooshayaan daarahaas sanka iskula jira.

Jaaliyaddu wexeey leedahay xarun Taleefishin oo todobaadkiiba dhowr mar soo gasha. Nabadoon Salaad Jimcaale Siyaad (Toosane) oo ah dhaqan-yaqaan soomaaliyeed ayaa ah nin oday ah oo si joogto ah taleefishinka wacyi galin dhaqameed ka soo jeediya, wuxuuna ii sheegay ineey tahay fursad qaali ah oo u helay inuu jiilka soo barbaaraya ugu gudbiyo arrimaha dhaqanka oo eey iyagu warjire moogga ka yihiin.

Boston wexeey daris la tahay, isla markaana magaalo loo soo sheeko iyo shaqo tagaba u tahay gobolka Maine ee ahaa meeshii indhawaalaba lagu dhibaateynayey somaalida. Dhowr dhalinyaro ah oo aan kula kulmay Boston ayaa ii sheegay ineey si dadban uga mid yihiin jaaliyadda gobolkan.

Magaalada Boston waxaan ku soo arkay hal makhaayad oo cunta soomaliga laga cuno, iyo dukaan caan ah oo lagu iibiyo qalabka hidaha iyo dhaqanka, isla markaana xarun u ah mid kamid ah xawaaladaha soomaaliyeed.

 

Jaaliyadaha muslimka ah ayaa iyana guud ahaan la oran karaa weey ku badan yihiin magaaladan Boston, gaar ahaan kuwooda ka yimid waddamada hodanka ah ee bariga dhexe iyo bariga fogba.

 

C/raxman Ceynte

Boston, MA

ceyntejournalist@attbi.com  

[Qoraallo kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  »»“Bulshada Rayidka”, Waa Tee, Waa Tumaa?
»»Shirka Qarsoon ee C/Qaasim iyo C/hi Yuusuf
»»WAANO GUUD SOMALIYEEY
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

»»CUDURKA AIDS-KA: Muxuu yahay, sidee lagu kala qaadaa, maxaana looga hortagi karaa? W.Q. Faarax A. M.; University of Karachi

WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA 
Wasiirka arrimaha is dhexgalka ee dalka Denmark Bertel Haarder ayaa ku hanjabay inuu ciqaab marin doono waalidiinta somaaliyeed ee ubadkooda ugu dira Somaaliya dhaqan celin awgeed.  GUJI... Feb 3

Toronto: Taageerada Jaamacadda Geeska Afrika
Shir ay qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario ayaa lagu qabtay  huteel ku yaal Toronto....  GUJI... Feb 3
  

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah

URURKA AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA  GUJI... feb 1 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD