Iskudhaca
Xadaaradaha iyo Muslimiinta Galbeedka
Kulaylihii 1993 ayaa
joornalka caanka ah ee la yidhaa Foreign Affairs waxa uu qoray maqaal uu
ciwaankiisu ahaa “The Clash of Civilizations1”
(hirdanka ama iskudhaca xadaardaha). Maqaalkan oo uu qoray professor caana
ah oo la yidhaa SAMUEL P. HUNTINGTON ayaa waxa uu profesorku
ku saadaalinayay sida uu noqon doono loolanka quwadaha caalamku dagaalka
qaboow ka dib. Aragtidda uu soo bandhigay qoraagani nuxurkeedu waxa ay ahayd
in dagaalkii qaboobaa ka dib uu aduunku galay marxalad ay xadaaraduhu (Ilbaxnimooyinku)
asaas u noqon doonaa loolamadda iyo isku dhacyda ka dhici doona aduunka.
Maqaalkan Huntigton oo markii danbe loo badalay buug waxa uu dhaliyay doodo
xoog leh. Waxaa laggaga dooday maqaalkan macaahidda istiraatijiyooyinka
siyaasadaha caalamka iyo dhamaanba joornaalada aduunka ugu caansan. Muddo
sanaddo ah ayay doodani soctay, laakiin dhamaadkii sagaashamaadkii waa ay
yarayd in aad maqasho cid ka hadalaysa aragtidan Huntigton.
Kow Iyo Tobankii
September iyo Isku dhaca Xadaaradaha
Arinkani waxa uu is badalay
September 11,2001 markii meelo ka midda wadanka Marykanka weeraro loo
gaystay. Weeraradani waxa ay soo nooleeyeen aragtidii isku dhaca xadaaradaha.
Sagaashamaadkii hadalhaynta aragtidani waxa ay ahayd mid ku kooban macaahida
laga barto siyaasadaha iyo dadka akadamiga ah. Laakiin wixii ka danbeeyay 11
September waxa ay hadalhaynteedu u gudubtay qaar ka midda madaxda aduunka.
Mr.Blair ka Ingiriisku wuxa uu ku tilmaamay dhacdadaas in ay tahay dagaal
lagu soo qaaday xadaarada Galbeedka, Mr. Berlusconi Talyaanigu wuxa uu ku
tilmaamay dadka Muslimiinta dad xadaarad liita ka soo jeeda oo doonaya in ay
burbiriyaan xadaarada reer Galbeedka oo ah mid horu marsan, madxwaynaha
Marykankuna (inkasta oo uu markii danbe isku dayay in uu ka cudurdaarto
hadalkaa) waxa uu ku tilmaamay dagaalka uu qaadayo waxa uu igu yeedhay
argagixisada in uu yahay dagaal Saliibi ah (dagaaladii saliibiyiinta, waxa
weeye dagaaladii ay wadamada kirishanku ku soo qaadeen Muslimiinta). Dhinaca
Muslimiinta codadka ku dhawaaqayay dagaalka xadaaraduhu waa ay jireen.
Waxaana cododkaa ugu dheeraa kuwii ka soo yeedhayay Binu Ladin iyo
Jamaacadiisa. Si kastaba ha ahaatee dhacdadan September waxa ay dhalisay in
dadka ka faalooda siyaasadaha aduunka qaarkood ay dhacdooyinka maanta ka
dhacaya aduunka khaasatan khilaafaadka u dhexeeya Muslimiinta iyo Galbeedka
ay ku fasiraan in ay yihiin bilowgii isku dhacyo badan oo mustaqbalka dhici
doona kuwaas oo ku salaysnaan doonaa xadaaradaha ay ummaduhu ka soo jeedaan.
Saadaashaasi waa laga yaabaa in ay run noqoto, laakiin su’aal muhiima oo
in la is waydiiyaa ay daruuri tahay ayaa aragtiddayda ah “intii
xadaaradaha madaxa la isu galin lahaa ma iman kartaa in lagu dhameeyo wada
hadal iyo is faham.? “
Xadaaraduhu Ma Is Fahmi
Karaan
Jawaabta su’aashani waa
HAA waana sida aduunka burbur looga badbaadin karo, laakiin aragtidayda
waxaa jira xoogog saamayn wayn ku leh nidaamyada siyaasadaha ee Galbeedka
kuwaas oo ka soo hor jeeda in khilaafaadka xadaaradaha wada hadal iyo is
faham lagu dhameeyo. Qolooyinkaas sida Huntigton iyo kooxaha Midigta xigga
ee Kaniisadaha Galbeedku waxa ay aaminsanyihiin in xadaardadaha kale oo dhan
la is fahmi karo laakiin ay aad u adag tahay in Muslimiinta la is fahmo,
sababtuna waxa weeye ayay leyihiinn diinta Islaamka oo ah mid dagaal iyo
nacayb ku dhisan. Sidaas si leg waxa jira codad Muslimiin ah oo arka in sida
qudha ee la isaga celin karo Galbeedku ay tahay dagaal, waayo waxa ay u
arakaan Galbeedka 2cadow ay tahay in lala dagaalamo. Inkasta oo xooggaga
sidan aaminsani ay yar yihiin hadana waxaad mooda in fikirkoodu yahay ka uu
maanta caalmku ku socdo.
Muslimiinta Galbeedka iyo
Doorkoda
Hadii uu dagaaalka noocan
ah ee ay saadaalinayaan Huntigton iyo asxaabtiisu uu hirgalo waxaan shaki
lahayn in dhibta ugu badani ay soo gaadhayso Muslimiinta ku nool Galbeedka.
Waayo waxa loo arkayaa Muslimiinta cadow ku dhex jira mujtamaca ay la
noolyihiin. Sidaa daraadeed waa in ay Muslimiinta ku nool Galbeedku ka
hortagaan in fikirka noocani uu hirgalo. Sida ay uga hortagi karaana
aragtidayda waa in ay tusaale fiican ka noqdaan Diinta ay aaminsanyihiin.
Sidaas oo kale waa in ay isku dayaaan in Mujtamacyada ay la noolyihiin ay
gaadhsiiyaan Mabaadiida dhabta ah ee diintooda. Sababta ay diinta Islaamku
aduunka intiisa badan ugu fiday waxa ay ahayd tusaalaha wanaagsan ee ay
Muslimiintu ka bixiyeen diintooda. Maantana mar labaad ayay Muslimiinta
dhulalkan ku nooli doorkaa ciyaari karaan. Door fuddud ma’aha laakiin
malaayinta Muslimiinta ah ee ku nool Galbeedka waddo kale uma furna.!
Mahadsanidin.
Siciid Cali Axmed
Saidahme67@aol.com
Ottawa, Canada
Feb 5, 2003
_____________________________________________
1 http://www.lander.edu
2 Cayda la caayayo Nabi Maxamed (csw)
iyo dadka Muslimiintuna mudooyinkan danbe waxa uu cabirayaa nacaybka ay
kooxahani u qabaan diinta Islaamka.
3 Galbeedku waxa uu isugu jiraa qaar
Muslimiinta la doonaya burbur, qaar ka soo hor jeeda dagaalka Muslimiinta
lagu hayo,shacbi aan wax badan ogayn. Sidaa daraadeed in la isku duubo ilama
eeka in ay sax tahay.
______________________________________________
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan
DHIBAATOOYINKA
HORYAAL SOOMAALIDA QURBAHA
WQ. Siciid Cali Axmed | Ottawa, Canada | GUJI...
[wararka kale
|