Badiba shacbiga dhulka ismaamulka soomaalida
Ethiopia ayaa Dareemaya in ay haystaan xornimo u gaar ah,iyadoo ay
aaminsanyihiin in horumarku gacantooda ku jiro.
in kastoo ay ka jiraan kooxo kale oo la
dagaalama maamulka Addis-Abeba oo doonaaya in ay si buuxda uga hoos
baxaan,iyadoo ay shacbiga dhulkaasi kooxahan u yaqaanaan 85% "KOOXDA
NABAD-DIID"
Sanadadii ugu danbeeyay ayaa waxaa dhulkaasi
si isdabajooga uga fulaayay mashaariic horumarineed oo ay iska kaashanayeen "hay,adaha
horumarinta UN,dawladda dhexe iyo hay,adda dib u dajinta ethiopia,wasaarado
ka socda wadamada deeqda bixiya ee caalamka,iyo shacbiga dhulkaasii
laf,ahaantooda.
Maamulka wasaarada caafimaadka ee ismaamulka
ayaa war uu dhowaan saxaafadda siiyay waxaa uu ku sheegay in Sadex kamid ah
Afar xarumo caafimaad oo dhulkaas laga hirgalinaayay ay si buuxda hawshoodii
u bilaabeen,iyadoo ay ku baxday toban milyan iyo badh lacagta ethiopia ah.
Mashaariicdaasi waxaa laga hirgaliyay
magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda iyo magaalada Dhagax-buur.waxaa loogu
talagalay in ay ka faa,iidaystaan illaa 100,000 qof.waxaa meelahaasi lageeyay
iyana qalab casri ah oo lagu baadho cudurada layska qaado,iyadoo sigaara
loogu talagalay qalabkaasi in uu baadho cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.
Dhinaca kale wasaarada macdanta iyo biyaha
ee ismaamulka dhulka soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in ay afar riig oo biyo
dhaliya dhulka hoostiisa u direen siiba meelaha dhowaan abaartu saamaysay.
Madaxa mashaariicda biya galinta mudane
Cabdiraxmaan maxamed ayaa sheegay in ay mashaariicdan iska kaashanayaan
Dawlada ethiopia iyo hay,adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarka ee
UNICEF iyadoo laga hirgalinaayo dhagax- buur,Wardheer,Shiniile,iyo Jig-Jiga.
lacagta kubaxaysa mashaariicdan oo ay
500.000 birr ka mid ah bixisay UNICEF intakalana iskakaashadeen ismaamulka
iyo hay,adda ethiopia u qaabilsan dib udejinta ayaa waxaa la filayaa in la
dhamaystiro labada bilood ee inaku soo aaddan,iyadoo ay ku manaafacaadsan
doonaan ilaa 12,000 qof.
Hay,dda xanaanada caruurta ee dalka
ingiriiska ee layidhaa"save the children UK(sc-uk)"
ayaa iyaduna dhowaan mashaariic wax barasho oo
loogu talagalay in ay wax ku bartaan illaa 3.500 ubad ah ka hirgalisay meelo
kabaxysan magaalooyinka(MIYIGA) Jig-Jiga,shiniile,iyo fiiq.
War uu 04/09/2003 siiyay saxaafada
maareeyaha xafiiska isgaarsiinta ee magaalada Jig-jiga mudane Cali Muuse ayuu
ku sheegay in dhowaan laga hirgalinaayo gobolkaasi mashaariic lagu galinaayo
teleefoonada guud ahaan goboladaasi.
Mashaariicdan oo ay ku bixi doonto waa sida
uu maareeyuhu sheegaye 50.milyan oo birr oo u dhiganta illaa 7milyan oo
doolarka maraykanka waxaa ay ahaandoontaa mid lagu casriyaynaayo telefoonada
laguna balaarinaayo,
Waxaa inta badan labadalayaabuu yiri mudane
cali muuse teleefanada nooca "analogue"iyadoo laga dhigaayo"Digital".
XagarYare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk Germany
Sept 7, 2003
XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO
1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991,
waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.