SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 1, 2004

 Asalaamu Calaykum wr wb.

Madaxweyne Rayaale oo ka soo hoyday socdaal uu ku soo maray dalal Yurub ah.

WQ. Cabdifataax Xasan

Cabdifataax_96@hotmail.com

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Waftigii uu hoggaaminayay ayaa Shalay (31 March) ku soo guryo noqday dalka, ka dib markii ay socdaal qaatay muddo saddex toddobaad ku dhow ku soo mareen dalal ku yaala qaaradda Yurub.

 

Madaxweyne Rayaale oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtoyada wakhti yar ka dib, markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa ee Egal International Airport, waxana uu ka waramay midho-dhalka socdaalkii uu ku tagey dalalka Ingiriiska iyo Biljam, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay Madax iyo Masuuliyin ka tirsan dalalkaas.

 

Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ugu horreyn ka hadlay waxyaabihii ay kala kulmeen dalka Ingiriiska oo xuddun u ahaa socdaalkooda, waxa uu sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ingiriisku uu ahaa mid taariikhi ah oo ay guul ka soo hoooyeen, waxana uu sheegay in Masuuliyiinta ay la kulmeen kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii dhaqaale caawimo ah loo siin lahaa Somaliland iyo in Dawladda Ingiriisku aqoonsi Diblomaasiyadeed u fidiso Somaliland.

“Dawladda Ingiriisku waxa ay noo ballanqaaday in ay 100% arrinta dhaqaalaha noo suurto gelinayso,  sidii xidhiidh caalami ah Somaliland u heli lahayd, ayuu yidhi madaxweynuhu waxaanu intaa raaciyay arrinta aqoonsiga lafteeda waxay yidhaahdeen meesha kama saarayno…. Laakin farsamooyin ayay noqotay  farsamoyinkaana oo uu yidhi Madaxweyne Rayaale, waanu ka wada hadalnay, balse waxaan uu intaas raaciyey Arrinta.ma doonayo in aan hoos uga dhaadhaco, Maadama oo aan cadow badan leenahay”.

 

Isaga oo faah faahin ka bixinayaa dhaq dhaqaaqyadii ay sameeyeen iyo isbeddelka socdaalkoodu ku sameeyey fikirkii hore ee Ingiriisku ka qabay Somaliland.

 

Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi marka hore safarka aanu ku tagnay dalka Ingiriiska waxa uu ahaa martiqaad aanu iyaga ka helnay, run ahaantii waxa ay ahayd mid taarikheed oo Somaliland u soo hoyotay oo muddo badan cid ina dhegeysta maanu hayn laakiin, Ingiriisku waxa uu inoo suurtogeliyey inuu dib noo xusuusto oo uu na dhegeysto, ilaa afar Wasiir baanu la kulanay, Guddida Xidhiidhka dibadda ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaanu la kulanay oo na dhegeystay, Baarlamaanka Ingiriiska khudbad baan ka jeediyey oo aan filayo in aad hesheen.

 

Run  ahaantii aniga (Madaxweynaha) iyo Waftiga ilaa socdayba, waxa aanu odhan karnaa safarkii Ingiriiska aanu ku tagnay guul aad u qiimo leh ayuu ahaa, waxyaabaha halkaa (Ingiriiska) ka muuqday dadkani reer Somaliland ee Qurbaha jooogay, kuwa Ingiriiska joogaa ha ugu badnaadeene meel kasta way isaga yimaadeen, maalinta aan baarlamaanka ka hadlayey dad toban kun oo qof ku dhow baa isu yimi, oo ka hadlayey qadiyaddooda una bannaanbaxay.

 

Markaa ka sokow waxa aanu dawladda Ingiriiska weydiisanay dad badan oo yar yar oo halkaa (Ingiriiska ) ku dhalatay oo rajo la’aan ku noolayd maanta waxa ay dareensan yihiin in ay dal leeyihin.

Waxyaabihii aanu halkaa kaga hadlaynay waxa ka mid ahaa bal annagu (Somaliland) dal jira ayaanu maanta nahay, Somaliland oo shaqaynaya oo doorashooyin ka dhacayaan, haddana indhaha laga qarsanayo, dhegehana laga xidhanayo oo uu dabran dal aan jirin oo la yidhaahdo Soomaaliya, farriintaasi way gaadhay dadkii aanu u gudbinay.

 

Madaxweynaha Somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin Waxa kale oo uu ka waramay Booqashaddi ay ku tageen dalka Biljam, waxana uu sheegay in muddadii ay halkaa joogeen ay la kulmeen Masuuliyiin sare oo ku jira Baarlamaanka Yurub, ka Biljam iyo Guddiga Midowga Yurub, kuwaas oo uu sheegay in ay iyagana kala hadleen qadiyadda Somaliland iyo sidii caawimo loo siin lahaa Somaliland.

 

Madaxweynaha oo arrintaa tafaasil ka bixinayana Md Rayaale waxa uu yidhi “Dalka Biljim oo ah xarunta labaad ee Addunka waxa aanu  u gudbinay qoraal waxana nalaga aqbalay”.waxa uu intaas raaciyey waxa aan maanta u arkaa Somaliland qadiyaddeedu inay iibsantay oo aanay muran ku jirin haddii ay shalay ku jirtay, markaa waa waxa aan rajaynaynaa Somaliland maanta maalin ay ka dhowdahay aqoonsigeeda in lagu dhawaaqo ma jirto, waxana aan rajaynayaa mar dhow in aqoonsigii Somaliland oo beesha Caalamka ka mid ah ay soo bixi doonto, oo qaar badan oo awal la dagaalamayay ay ka nixi doonaan ayaan rajaynayaa.

 

Madaxwene Rayaale waxa kale oo uu iftiimiyey sababta keentay inay baajiyaan safaro ay ku tegi lahaayeen dalal kale oo ku yaala qaaradda Yurub, isaga oo arrintaa ku hadlayana waxa uu yidhi “Dalalaka Sweden, Switzerland, iyo Germay ka in aanu tango ayay ahayd, balse waanu ka maaranay wakhtiguna wuu dheeraaaday oo annaga (Weftiga) ayaa soo koobnaym maadaama waxyaabaha aanu u tagi lahayn Biljam kula kulanay, markaa sabab loo baahnaa in aanu safarka hore u sii wadno nooma ay muuqan.

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo shalay ka soo duulay magalada addis ababa, Itoobiya, oo ay ku sugnaayeen labadii maalmood ee u dambaysay, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Ras’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Mr Males Zenewi, waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somalialnd, waxana uu xusay, in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ballanqaaday in ay dawladdoodu hawlaha Somaliland gacan ka geysan doonto, Madaxweyne Rayaale, waxa kale oo uu sheegay in ay Addis ababa kula kulmeen Safiirka dowladda maraykanka waxaana uu sheegay in hawli uga socoto oo uu rajaynayo in saraakiil ka tirsan safaaradda maraykanka ee Itoobiya ay yimaadeen Hargeysa.

 

Ugu dambayntii Madaxweynuhu hadalka uu ka jeediyay shirka jaraa’id waxa uu ku xusan in uu martiqaad ka helay dalka kanada, balse uu dib u dhigtay.

 

Shirkaa Jaraa’id ka dib, su’aalihiila weydiiyay Madaxweynaha waxa ay u dhaceen sidan:-

 

S,  Maadaama aad tahay Madaxweynihii u horreyey ee Somaliland ee khudbad ka jeediya aqalka baarlamaanka ingiriiska marka aad garab dhigto qadiyadda Somaliland sida ay markii hore ahayd iyo khudbadaada ka dib maxaa wax la taaban karo ka soo baxay?

 

J. Horta Somaliland, waxa aan idiin sheegayaa in aynu shaqaysanay doorashooyinkii aynu qabanay marxaladidii aan kursiga ku imi waxyaabo badan buu inoo kordhiyay qiime badan oo aynu caalamka kaga kasbanay Ingiriisku inama martiqaadeen, qolihiisana inooma oggolaaadeen, haddii aynaan innagu (Somaliland) wax qabsan, waxa aanse anigu qabaa Ingiriiska Ballanqaad adag baanu ku kala nimid, inuu dhinaca kasta oo qadiyaddeena ah wax innagala qabto, taas uun baan ku soo koobayaa

 

S. Dadku ilaa 1993-kii maalin walba waxa la lahaa maanta qadiyaddeenu way iibsantay safarkan aad Yurub ku tagtay dadku si weyn bay u rajaynnayeen, marka wax la taaban karo oo aad leedahay taasay kaga duwan tahay tii hore ma jirtaa?

 

J. Horta Safarka iyo wax la innaga oggolaaday baa ka duwanaa kuwii hore.

 

S. Madaxweyne Maxaanu u sheegnaa dadka oo cusub?

 

J. Arrimaha oo dhan mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba in uu Ingiriisku wax ka qabto wuu noo ballan qaaday.

 

S. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Males Zenewi maxaad ka wada hadasheen?

 

J. Waxa aanu ka wada hadalnay waxa innaga dhexeeya xidhiidhka sokeeya ee darisnimo, ka nabadgelyo, ka wax wada qabsi ka ganacsi oo la horumariyo, waxyaabo badan ayaanu ka wada  hadalnay.

 

S. Dhow jeer oo hore ayaad Ra’iisal  Wasaraha Itoobiya Arrimahaa uga wada hadasheen maxaa midho dhal ka noqday?

 

J. Hadda waxaab joogay Itoobiya Tiim Innaga (Somaliland) ah oo ay Tiimkii kale ay wax kale saxeexanayeen.

 

S. Maxaa ka jira wararka sheegaya maraykanku xafiis ayuu ka furanayaa Somaliland?

 

 J. Bal aynu gaadhno horta, laakiin haddii albaab inoo furmay markaa wax badan baa suurtogal noqonaya.

 

S. Waxa aad la kulantay dadka reer Somaliland ee qurbo jooga ah markaa maxa ugu weynaa ee ay ku bogaadiyeen, dadka maxay ku dhaliileen, maxayse ballanqaadeen in ay u qabanayaan?

 

J. Horta kun iyo shan boqol dadku dhow dhow oo reer Somaliland ahi habeen bay xaflad ii qabteen oo aan kula hadlay meel hool ah, Run ahaantii su’aalo kasta oo ay I weydiiyeen waan ka jawaabay halkan ku sookoobi maayo, laakiin Internet ka ayaad ka heli karta.

 

S. Laakiin maxaa ugu weynaa?

 

J. Somalilandnimadu inay wax walba ka horrayso ayaan aniga kula dardaarmay, wayna iga aqbaleen.

 

S. xagga dhaqaalaha waxyaabaha Ingiriisku idiin ballanqaaday maxaa ka mid ah?

 

J. Adeer imika Caalamka kama mid nihin, dhaqaale ahaan innaga uun baa iska xoogsan xidhiidh lama lihin bangiga adduunka IMF-ta, waxyaabaha noocaas ah inay waddooyin innooga furan bay innaga ballan qaadeen.

 

S.socdaalkiina waxa la ogyahay in aad soo qaabiseen taana warar iyo faalloyin badan baa ka soo baxay, wararka qaar waxa ay leeyihiin aarinti dilka ka dhacday ee lagu dilay gabadh hawl-wadeen ka ahayd GTZ oo u dhalatay dalka Kiiniya, ayaa saamayn idinku yeelatay qaarna waxa ay leeyihin Beljim baad wax kala kulanteen, waa maxay markaa sababta aad u soo koobteen safarkiina?

 

J. Horta mid waad I xusuusisay Xukuumada ahaan Tuuladii Dhoqoshay raga wax dilay soo qabtay waan u mahadnaqayaa  laakiin sidaa hore u sheegay baahi badan oo aan u qabno in aan meelaha tango markii aan arki weynay ayaanu annagu soo gaabinay socdaalkayaga, Go’aankana annagaa mar walba lahayn ee mid ciddi nagu khasbaysay oo noo wado ma ahayn.

 

S. Falkii Budhcadu ku fulisay hawl-wadeenadii GTZ, waxa saamayn ah ma ku yeeshay socdaalkiina?

 

J. Wallaahay nasiib wanaag waxa noqotay in la qabto raggii oo lagu guulaysto.

 

S. Midowga Yurub Marna ma isla soo hadla qaadeen lacagta deeqda ah ee ay biixyaan reer yurub qaybta Somaliland?

 

J. Horta waxa aanu weydiisanay midowga Yurub in ay Somaliland nooc gooni ah ula macaamilooto oo caawimadeed toos loo siiyo arrintaana dib baanu uga fadhiisanaynaa, warna waa idinka soo siinaynaa bay nooga balan qaadeen.

 

Cabdifataax Xasan

Cabdifataax_96@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

 

Daahir Riyaale oo Kusoo Laabtay Dalka  

<><><>

Somaliland oo ku dadaalaysa sidii ay beesha caalamka aqoonsi uga heli lahayd

 

Warbixinta waxa aanu ka soo qaadanay wergaysaka Al Khaliij ee ku soo baxa luqada af carabiga,

 

Waxay ku dadaalaysaa Jamhuuriyada Somaliland Sannadkan sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka, Somaliland waxay ay bilowday dadaal diblomasiyadeed oo xoog leh iyadoo imika xidhiidh wanaagsan la leh Jabuuti iyo Itoobiya, Itoobiya waxa ay ku leedahay miisan weyn gobalka geeska Afrika halka ay Jabuutina raadweyn ay ku leedahay arrimaha Somalia.

 

Somaliland waxa ay garaacday markii ugu horeysay albaabka Jaamacada arabta ka dib markii uu xumaaday xidhiidhka Somaliland ay la leedahay jaamacada arabta, Jaamacada carabta oo diidan gooni isku taaga Somaliland gaar ahaan intii uu noola Madaxweynihi hore, ka dib markii uu tagay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland uu tagay Qaahira halkaas oo uu kula kulmay gudoomiyaha Jaamaca Arabta Caamir muusa.

 

Taasi waxay xaashi cusub u furtay marxalada cusub oo ah isfahanka Jaamacad Arabta iyo Somaliland, Jaamacada Arabtu waxay ay dooratay in ay Somaliland kula dhaqanto waaqica wixii la xidhiidha cilaqadka Somaliland Arrintana oo Hargeysa muddo dheer sugaysay.

 

Jaamacada Arabtu waxay ay wefti balaadhan u dirtay Hargeysa halkaas oo ay isku afgarteen Jaamacada Arabta iyo Somaliland, ismaan dhaafkii u dhexeeyaya Jamhuuriayda Somaliland iyo Jaamacad Arabtu  halkaas ayuu ku soo afjarmay.

 

Madaxweyne Cigaal Alle ha u naxariistee mar dhakhtar loo geeyay south Africa 2003 waxa uu yidhi Arabi noomay qadarin sidii aynu ka filaynay markaa waxa inala gudboon in aynu wax la qabsano walaalahayga Afrika, waxa uu ku geeriyooday Marxuum Cigaal mid ka mid ah cusbitaalda south Africa.

 

Hargeysa waxa ay ku guulaystay in ay soo jiidato dareenka reer galbeedka iyo yurub gaar ahaan Ingiriiska oo hore u gumaysan jiray, Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay diyaarinayaan sidii ay maalgelin ugu samayn lahaayeen dhow mashruuc Somaliland oo ay ka jirto nabad iyo deganaasho marka la barbar dhigo somaliya kale ee ku jirta qaska iyo jahwareerka.

 

Dhacdadii 11septerber waxa ay u suurta gelisay Somaliland in ay hesho fursad mihiim ah oo ay ugu dhowaato Maraykanka iyadoo ka faa’iidaysanaysa la dagaalka argagaxisada iyo iskashiga amaanka oo dhinacyo badan leh iyadoo dhaafsanaysa in ay hesho taageero siyaasadeed iyo tu ma-adiyaba.

 

Somaliland waxa ay ku taala goob istaraadaji ah oo ay ku kulmaan badweynta hindia iyo bada cas iyo dhowrka ay ka ciyaarahayaan ciidamada Jarmalka ee ku sugan geeska afrika maamulida qayb ka mid ah ee dhulkii hore loo odhan jiray somaliya bada iyo barigaba.

 

Waxa dhacday bilihii ugu denbayay dhow wafti oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriisku inay si isdaba joog ah u yimaadeen Hargeysa si ay u ogaadaan xaalada Jamhuuriyada Somaliland una xaqiijiyaan guulaha ay ku talaabsatay Somaliland oo dimruqaadiyada iyo xuquuqul isaanka siyaasada iyo deganaashaha wadanka iyo waxyaabo la mid ah, waxa ay inbadan ku adkaysteen xaga nidaamka dawliga ah xuquuqal isaanka Somaliland.

 

Daahir Rayaale Kaahi Madaxweynaha Somaliland ayaa dhowaan tahay dalka Ingiriiska iyo wadamo kale oo yurub ah sida Biljum iyo Jarmalka, Ingiriisku waxa ay ku dhawaqeen in ay tixgelin doona dowlada shacabka Somaliland laakiin wakhtigan xaadirka ah in aynan noqonayn dowlada ugu horaysa ee ictiraafta Somaliland, Jamhuriyad madax banana laakiin ay ka caawin doonan sidii dawladaha kale ee waaweyn ay u aqoonsan la haayeen Somaliland maadama ay Carabta iyo Islaamkuba ay diideen madax-banaanideeda  iyagoo u arkaya in ay Somaliland ay kala jarjarayso somaliya.

 

Warar laga soo xigtay dhinaca waftiga Rayaale ayaa tilmaamaya sida heerka sare ah ee loogu soo dhoweyay Ingiriiska gaar ahaan dhinaca Baarlamaanka Ingiriiska iyo xubno dowlada ka tirsan, waxa kale oo iyadana soo dhoweyey Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska iyo wadamo kale, taasi waxa ay dhiiro gelin u tahay in uu Madaxweyne Rayaale soo bandhigo hori marka ay ka gaadhay dhinaca siyaasada iyo dimriqaadiyada.

 

Waxa ay ka wada hadleen Baarlamaanka Ingiriiska iyo reer galbeedku mashruucyo maalgelin ah oo la siiyo Somaliland si kor loogu qaado dhaqaaleheeda si ay saamayn ugu yeelato waxa ka jira Somaliya iyo dowladaha gobalka.

 

Waxa ay tilmaamtay wasiirada arrimaha dibada ee Somaliland sida heerka sare ah ee waftiga loogu soo dhoweyey Ingiriiska, waxayna tidhi anagu maanan abaabuli haba yaraatee, waxayna cabaaraysay dhinacyada kale oo Somaliya gaar ahaan xukumada C/qaasin iyo kuwa kale oo ka mid ah hogaamiyaasha kooxa somaliya ee ka oo hor jeeday waftiga ay ku tageen Ingiriiska, waxayna ay tidhi “Ingiriisku uguma baahna in ogalaasho loo weydiyo qabqablayaasha dagaalka ee koonfurta Somaliya cidii doonaysa in ay wadankooga tagaan”, waxayna hadalkeedi ku soo koobtay dhinacyada isku haya koonfurta Somaliya in ay hoos u eegan xal u helid mushkiladooda iyo daryeelka shacabkooda ee aanay waxba wakhti iskaga lumin si fadh-fadhida xidhiidhka qotada dheer ee Somaliland iyo Ingiriiska, iyadoo diiday in ay wax faahfaahin ah ka bixiso wada hadaladii Rayaale iyo Ingiriiska laakiin waxa ay tilmaamtay in guulo laga gaadhay.

 

Waxa kale oo Rayaale Khudbad ka jeediyay Xerunta Midowga Yurub isagoo doonaya in uu taageero u helo gooni isku taaga Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Markii uu ka yimi London waxa uu ku soo degay Addis ababa waana maxadada ugu weyn ee safaradiisa dibada, waxa uu wada hadalo la yeeshay masuuliniyiinta itoobiya, iyagoo ka wada hadlay arimo ka dhexeeya labada wadan.

 

Dhinaca kale Hogaamiya kooxeed yada Somaliya waxa ay ku eedeeyeen Itoobiya in ay ka wada dadaal midhowga afrika sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland, si ay Somaliland uga hesho Baarlaamka afrika Shan kursi, waxa mar denbe lagu dhawaaqay Addis-ababa in ay tahay talaabo hadii lagu guulaysto ah in ay Somaliland heshay Masabyo aan weli la sexeexin, dadka indho indheeya arimahan waxay leeyihiin waxa guulaha soo hooyay ka dib kolkii dib u dhac iyo fashilaad ay ku timid Xukumad C/qasin oo dib uga dhacay shirkii aasasida Baarlamaanada Afrika taas oo ka dhalatay khilafad xun oo gudaha xukumadiisa ah.

 

Yaa geli doona Baarlamaanka ku meel gadhka ah munaasabada taariikhiga ah?

 

Warbixintaa waxaa aad ka akhriyi kartaa linkigaan hoose

 

http://www.alkhaleej.ae/articles/show_article.cfm?val=64464

 

Turjumadii

 

C/fataax Xasan

Axmed Ismacil

Cabdifataax_96@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

<><><>

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2004

WARARKA MUQDISHO... GUJI..

 WARARKA BOOSAASO... GUJI..

WARARKA HARGEYSA.. GUJI..

 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka



kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...



Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]