SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 31, 2004

Madaxweynaha oo kasoo duulaya Addis ababa Airport

Addis ababa

Asalaamu Calaykum wr wb.

Madaxweyne Rayaale iyo Weftigii uu hogaaminayay oo maanta (31/3/04) ku soo laabtay dalka

C/fataax Xasan
 
cabdifataax_96@hotmail.com
Hargeysa S/land

Madaxweyne Rayaale iyo weftigii uu hogaaminayey ee socdaalka ku marayey dalal ka mid ah qaaradda yurub ayaa galabta ka soo degay gegidada diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada hargeysa, halkaas oo ay ku soo dhoweyeen madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa dad weyne aad u tiro badan oo iskugu jira xukumada iyo shiciba.



Madaxweynaha mud. Daahir Riyaale kaahin iyo ku xigeenkiisa mud. Axmed Yusuf Yaasiin oo qaadanaya salaan

Ciidanka oo Salaan siinaya Madaxweynaha




 

Weftigaas oo ka soo dhoofay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa, ka dib markii ay ka soo laabteen socdaal ay muddo laba toddobaad gaadhaya ku joogeen dalalka Britain iyo Belgium, waxayna weftigaa madaxweyne rayaale Itoobiya soo gaadheen axaddii toddobaadkan.

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu dalka Ingiriiska waxay socdaal ku joogeen muddo toddobaad gaadhaysa, laakiin waxay markii dambe ugua sii gudbeen dalka Belgium, halkaas oo ay ku sugnaayeen muddo laba maalmood ah.

Iyadoo uu qorshuhu ahaa inay uga sii gudbaaan dalal kale oo ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Kanada, laakiin weftigu waxay soo gaabiyeen safarkooda, waxayna dib uga soo laabteen caasimadda dalka Belgium ee Brussels, iyaga oo dib ugu laabtay London oo ay ilaa laba maalmood oo denbe joogeen.

Ka dibna uga soo gudbay Itoobiya oo ay dhawr cisho ku sugnaayeen, waxaana la sheegay inay weftiga madaxweyne Rayaale kulamo la yeesheen madaxda dawladda Itoobiya oo uuu ka mid yahay Ra’iisal-wasaare Males Zenawi.

Marka la eego socdaalka ay madaxweyne Rayaale iyo weftigii uu horkacayey ku tageen dalka Ingiriiska waxa lagu tilmaamay inay tahay fursaddii ugu muhiimsanayd ee marka dhinaca diblomaasiyadda debedda laga hadlayo soo martay Somaliland tan iyo markii ay la soo noqotay madax-banaanideeda sannadkii 1991-kii, iyadoo safarka ay weftiga madaxwene Rayaale ku tageen Ingiriiska u ololeeyeen mudanayal ka tirsan baarlamaanka Britain oo socdaal ku yimi Somaliland bishii Feberuary ee sannadkan.

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu waxay sida la sheegay la kulmeen madax ka tirsan maamulka Tony Blair iyo kooxo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, iyadoo uu madaxwene Rayaale guddiyo ka mid ah aqalka baarlamanka khudbad ku saabsan qadiyadda iyo xaalka Somaliland ka jeediyay halkaas, wuxuuna kulankaasi ka dhacay daarta baarlamaanka.

Hase yeeshee marka la eego wararka saabsan kulamada ay weftiga madaxweyne Rayaale la yeesheen madaxda dalalka iyo meelaha ay booqdeen ilaa hadda lagama hayo waar faah faahsan iyo tafaasil shilis oo daah furaya sida ay wax u dhaceen iyo natiijadu waxay ay tahay, Madaxweyne Rayaale ayaa la filayaa in uu shaaca ka qaadi doono guula uu ka soo hoyay socdaalkiisi uu dibadeda ku marayay.

C/fataax Xasan
 
cabdifataax_96@hotmail.com

Hargeysa S/land

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2004

WARARKII HORE EE  HARGEYSA... GUJI

CASHO SHARAF LOO SAMEEYEY MADAXWEYNAHA KA DIB QUDBADIISI BAARLAMANKA BRITAIN
LONDON, UK: Waxa habeenkii xalay ahayd ka dib markii laga dareeray banaanbaxii weynaa ee ka dhacay badhtamaha magaalada London Guji... March 19

Booqashadii Daahir Riyaale ku arki lahaa Tony Blair ma tii C/hi Yuusuf George Bush ku arki lahaa 2002 baa
Anagoo galab dhex fadhina dugsigii “Allaahida” 1986 mar la yiri waxaad qaadanaysaan koorso Ingiriis ah si aad ugu biirtaan Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole iyadoo Guji... March 20  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka



kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...



Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD