SomaliTalk  DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 31, 2004
  • Afhayeen Ururka SSNM: Hub uma Raadsan Puntland
  • C/casiis sheekh Yusuf oo Laga Been Sheegtay

Afhayeen Ururka SSNM: Hub uma Raadsan Puntland

  • Afhayeen u hadlay Ururka SSNM oo Beeniyay hadal (lasheegay in uu) ka soo yeeray hogaamiyayaasha beelaha Mareexaan iyo Sacad.

Afhayeen u hadlay SSNM garabka C/casiis Sheekh yusuf ayaa beeniyay wararka sheegayo in uu Puntland u tagay sidii uu hub iyo Saanad uga soo qaadan lahaa madaxweynaha maamulkaas korneyl C/llaahi yusuf Axmed oo uu ka raacay Magaaladda Nairobi.

C/llaahi Max,ed Cali afhayeenka u hadlay SSNM,ka waxaa uu sheegay in C/casiis sheekh yusuf iyo Ururka SSNM aysan ahayn mid siyaasadiisa ku saleeysan tahay in shacabka Soomaaliyeed dab iyo qori la isugu dhiibo ee waa mid ku saleysan tahay badbaadin iyo samatabixin.

Mar uu ka hadlayay afhayeenka sababaha uu puntland u tagay C/ casiis sheekh yusuf ayuu sheegay inuu halkaas u tagay danaha siyaasadda Somaliyeed iyo sidii hore loogu sii dhaqaajin lahaa . Waxaa uuna si gaar ah u soo qaatay inuu C/casiis halkaas u tagay xiriirka ka dhaxeeyo SSNM iyo Maamulka Puntland, dano siyaasdeed haba u badnaadeene.

Afhayeenka u hadlay SSNM-ka waxaa uu sheegay inuu C/casiis sheekh yusuf xaq u leeyahay inuu booqdo gobolkasta oo ka tirsan goboladda soomaaliya ,wuxuuna meesha ka saaray tuhunka ah inuu halkaas uu u joogo hub urursi.

Afhayeenka waxaa uu ugu dambeeyntii sheegay in magac urur iyo mid qabiil is qaadan karin.

Dahir Abdulle ALasow Nairobi kenya.
asoj@hotmail.com 
Associates of somali journalists(ASOJ)

<><><>

C/casiis sheekh Yusuf oo Laga Been Sheegtay
[Warar Internetka kusoo baxay Maarso 30, 2004 oo aan been sheeg ah]

  • Afeef: Qoraalka loo jawaab celinayo wuxuu kusoo baxay Internetka...

Waxaa muddooyinkan soo baxay kuwa sheegta inay yihiin Suxufiyiin haddana qayb wayn ka ah dhiigga ka daadanaya dalka Soomaaliya oo kii labo xaraf ku qori kara enternetka soo butaaciya wixii ay ku shubtaan kooxo dano gaara leh sida wiilka lagu magacaabo Dahir c.Calasow (Dahiryare).

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA..

 

Waxaa maalintii taariikhdu ahayd Marso 30keedii lagu qoray Internetka hadal xinjiro dhiig leh wata oo la isku halaagayo beelo hore ugu gubtay dagaal aan joogsi lahayn, waxaa ummad badani ka yaabisay sida raggaas sheeganaya wariyanimda ayan xitaa u aqoon juquraafiga dalka soomaaliya oo lagu dhigto dugsiayada hoose bal eeg waxuu isku keenay qaydaro ku taalla cadado G,galgaduud ayuu yiri yarku waxay ku taal Golol oo ah Mudug waxuuna yiri waxaa isku hardinaya Sacad nimcaale iyo qubays kuwaasoo aan xitaa xudduuud lahayn iskadaa dagaal ay dagaalameena,waxaan waydiin halka qubays iyo sacad nimcaale ku dagaalameen oo ay ood wadaagta ka yihiin.

Midda kale oo aad leedahay cabdicasiis sh.yuusuf ayaa hub kasoo qaadanaya Ina yuusuf yay si uu ugula dagalamo mareexaanka duulaanka ku ah Xeraale,waxaa yarka ka maqan in reer xeraale u baahnayn hub oo kii hore oo ay ku furteen TOORAYDA ayaa ka badan oo beebayaashii Siyaad Barihii haligmay siiyay beeshiisa mareexaan ayay meelay kala dhigaan waayeen ee haddii ay afka wax kuugu soo tireen barre Hiiraale iyo Biixi saaxiib marka hore ka fiirso cawaaqib xumida ay leedahay isku dirka iyo u xaglin dad gooniya.

Wiilka dahiryare Waxaan idiin sheegayaa Cabdicasiis sh.yuusuf waa guddoomiye urur oo inuu damiyo dagaal dad walaalo ah mooyaan meelna ugama banaana inuu soo dhexgalo dagaal beeleedyo ku yimmid nasiibdaro iyo kuwa beeni usheegtay hantidii ummadda ay boobeen inay ku sanduleeyaan dad waligood xalal quudato ahaa oo aan waligood waxgardaraysan ,kuwaasoo soomaali oo dhan ka diiday nabad inay qaataan oo miiska wadahadalka yimaadaan.Ogaadana gooray noqotaba waa la idinla xisaabtamin oo dhiigga aad afka ku wadataan jasadeeda ayaad heli doontaan.

Siciid Dhegacad

sdhegacade@hotmail.com

Afeef: Afkaarta Qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

100 Qof oo Ku Dhintay Doon Degtey

Faafin: SomaliTalk | Muqdisho | Maarso 31, 2004

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD