SomaliTalk  DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 31, 2004

100 Qof ayaa Ku Dhintay Doon Ku Degtey Badda Cas

Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhinteen ugu yaraan 100 qof oo ay dooni kula qaraqantay badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen ayagoo u socdey dhankaas iyo dalka Yemen. Waxaa wararku intaas ku darayaan in doontaasi ay ka ambabaxday meesha lagu magcaabo mareero oo u dhow magaala Boosaaso.

Warar ayaa tilmaamay in ay doontaas ka badbaadeen shaqaalihii doonta, laakiin ay dhinteen rikaabkii. Warar kale oo laga soo xigtey nin u waramayey AP ayaa sheegay in doontaas ay saaraayeen 107 qof, waxaana ka badbaadey shan qof oo labo kamid ah ay yihiin shaqaalihii doonta, sidaasna waxaa la sheegay in laga soo weriyey nin kamid ahaa rakaabkii oo kabdbaadey, ninkaas oo magaciisu yahay Maxamed Cali Is-Xijiwaaq, waa sida loo qoray'e, waxan uu sheegay in doonta oo dhex mareysa gacanka cadan (ama Badda Cas) uu matoorkii ka istaagey kaddibna ay biyo qarqiyeen, waxana uu ku tilmaamay arin argagax lahayd.

Warku waxa uu sheegay in kasta oo aysan weli jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay hadalka Is-xijiwaaq, hadana nin lagu magcaabo Xabiib Axmed Yacquub, oo degaanka ku leh shirkad kalluumaysi, waxa uu sheegay in dad kale oo soo badbaadey ay u sheegeen in ay doonta saarnaayeen in kabadan 100 qof.

Warar dheeraad ah ayaa sheegay doontani ay degtey kaddib markii ay isku dheceen doon kale, waxana la sheegay in doonta ay saarnaameen ilaa 120 qof, waxaana la sheegay in ay ka badbaadeen ilaa 13 u badan shaqaalihii doonta. Warar kale ayaa sheegay in dadkaas dhintay badan koodu ay u dhasheen qowmiyada Oromo, kuwaas oo qaxooti ahaan ugu socdey dalka Yemen.

Wixii kusoo kordhay warkaan ka eeg: SOMALIA NEWS: TODAY:

2003: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA U DHEXAYSA LIIBIYA IYO TALYAANIGA

2002: SOOMAALI TAHRIIB AH OO KU GEERIYOODEEN SAXARAHA U DHAXEEYA LIIBIYA IYO SUUDAN

2001: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA CAS EE U DHEXAYSA SOOMAALIYA IYO YEMEN

2001-2004: SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA

2004: TACADIYADA SOOMAALIYA: DILKA, DHAAWACA, AFDUUBKA, KUFSIGA & BARAKACA

2004: CAQBADAHA HOR TAAGAN NABBADA SOOMAALIYA

QAXOOTI: Utange | Banadiri | Baraawe/Jomvuu | Kkuma | IFO | Mandera | Yemen |

Wararka la Xiriira Soomaalida Tahriibka Ku Dhintay:

DHIBAATOOYINKA TAHRIIBKA BADDA Dr. taqi

Qaxootinmo Nafta Loo Miidaamiyaa Sharaf ma laha! Guji.... [Qore Saciid Cali]

Bishii Agoosto ee 2003: 45 Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay xeebaha yemen kuwaas oo ka dhoofay Mareera oo u dhow Boosaaso... [Eeg halkan].

Arin aad u naxdin badan ayey ahayd markii Octoobar 2003 ay 90 Soomaali ah ku Dhimateen Xeebta Talyaaniga ee Lampedusa..[Eeg Halkan]

Bishii Octoober  ee 2003 ayay ahayd markii Doontani ay saarnaayeen dad gaaraya 172 qofood ku xiratay deked ku taal dalka talyaaniga.. [Eeg halkan] , waxaana taas ka dambeeyey doon kale oo isla talyaaniga kusoo xiratay dhammaadkii bishii October 2003 [ Eeg halkan]

Bishii May ee 2001 ayey ahayd markii 86 Soomaali ah oo Kudhintay Xeebta u Dhaxaysa Boosaaso iyo Yaman Kaddib Markii lagaga Tuuray Doontii ay Saaraayeen, isla waqtigaas 93 qof oo isugujira dhawr dal oo Afrika ah oo Harraad Kudiley Saxaraha Liibiya [Eeg halkan]

Sidaas oo kale ayaa dad badan oo Soomaali ah ugu le'deen saxaraha u dhexeeya Liibiy aiyo Suudaan, waxaa warkaas ugu dambeeyey kii bishan Maarso 26 ee la soo sheegay in dad Soomaali ah ay ku dhinteen saxarahaas.. [Eeg Halkan]. Sidoo kale Dadka ku dhintay Saxaraha Suudaan iyo Liibiya Eeg Halkan..

Gabagabadii, arimahan dawlad la'aanta, tahriibta, qaxootinimada 14ka sano, waxbarasho la'aanta, tacadiga joogtada ah ee dalka gudihiisa iyo dhammaan dhibaatooyinka aan halkan lagu soo koobi karin ee soo wajahay umadda Soomaaliyeed, waa mid u baahan in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan, culimadu ay ka hadlaan, mas'uuliyiintu ay isu xilsaaraan xalinteeda, qof kasta oo wax qaban karana uu u gurmado badbaadada shacabka inta hartay.

Qaxootiga Soomaalida kudhaqan yemen

Faafin: SomaliTalk | Muqdisho | Maarso 30, 2004

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD