SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 25, 2004

Yaa u sharaxan Baarlamaanka Hindiya

Jilayaal+Rugg-caddayo Siyaasadeed+Suugaan-yahano+ragg Dhiiga Dadka Caan ku Noqoda+Sheekhyo-diimaha ah oo u Sharaxan Baarlamaanka Hindiya
  • Xisbiga BJP oo u Sharaxay PM Advani ,oo ah Ninkii Burburiyay Babri Misjid India

India -Malaayiin Qof oo Dadka Reer Hindiya ah ayaa u dareeray Doraadd Doorashadda Baarlamaanka Dalka Hindiya Oo Lagu Soo Dooranayo Dawladdii Hogaamin Lahayd Dal-ka Ugu Horeeya Xaga Dimuqiraadiyadda Aduunka Ee Hindiya ..

Daqiiqado Ka Hor intii aan Goobaha Cod-bixinta La Bilaabin ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Hindia A.P.J. Abdul-kalam uu Ugu Baaqay Shacbiga Hindiya In ay Tagaan Goobaha Codbixinta Si ay Mustaqbalka Dalkooga Go,aan Uga Gaadhan MAdaxweyne abdul-kalaam waa Ninkii Sameeyay Hubka Nuke-liyeer-ka ee dalka Hindiya waana Nin Muslim ah oo Dalka Aad Looga Jecel-yahay.

760 Qof oo Milyan ayaa Doorashadda Ka qayb qaadanaaya Labada Xisbi ee dalka India Ugu waaweyn ee BJP iyo Congress Party ayaa Galay Olole Balaadhan oo ay Dadkaasi ku kala Jiidanayaan ..

Raysal wasaaraha Dalka India ayaa Isagu Ololahiisa Ku Bilaabay Ilbaxnimo iyo Horumar ayaanu Gaadhnay shan Sano oo aanu Xilka haynay waxaanu India ka Dhignay ayuu Yidhi Quwadd Aduunku ka Danbeeyan waxaanu Sameynay ayuu yidhi Nukeliyeer Maanta Aduunku Nagag Baqanayo waxaanu Hindiya Gaadhsiinay ayuu yidhi Technologyadd Tii Ugu Sareysay .

Hase ahaatee Hogaamiya Mucaaradd-ka Sonia Gandhi ayaa Ku tilmaantay Hadaladaasi Atal Bahari Vajpayee Kuwo Aan Intooda Badan la Gaadhin marka Laga Hadlayo Gaajadda Ay Boqolaal-ka Milyan ee qof ee Hindida ahi Haysa.

Si kastaba ha Ahaatee.. waxa Lagu Eedaynayaa Labada Dhinacba In ay Soo Sharaxeen Ragg Xasuuq ka Geystay Goboladda Ay u Sharaxanyihiin kuwaas Oo U taagnba Ilaa shan State in ay Noqodaan Xubno Baarlamaan.waxaana ay Sheegen Jaraa,idka Dalku in loo baahan Yahay in raggasi la Eego Taariikhdiisa Intaan Loo Ogolaan in uu u Ordo Doorashadda Baarlamaanka .

Ragga Caan-ka iyo Dumar-ka Isku soo Sharaxay Baarlamaanka

Mohir Joshi oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Hindiya Ayaa Isna Ka Sharaxan Koonfurta Bombay

Ram Naik oo Bombay U dhashay ayaa Dib hadana Iskaga Soo Sharaxay Waqooyiga Bombay ninkaas oo 16 Sanadood ka Soo Baxaayey waqooyiga Bombay

Shiv Khera oo ah aqoonyahan qoraaya oo Caan ka ah India Ayaa Iskii u taagan Koonfurta New-Delhi

Hema Malina: oo ahayd Gabadhii quruxdda Aduunka Qaaday Sanadihii 1980s-kii ahaydna Gabadh Qoob-ka Ciyaarka Iyo Filimadda Ku Caan ah ayaa iska Soo Taagtay Gobolka waqooyi ee Punjab.

Nafisa Ali…oo ah Gabadh Ku caan Baxday Tabarucaad-ka Dadka Baahan oo iska Soo Sharaxday Culcatta Bariga India ..

Mamata Birjee : oo Wasiir ahayd oo ka Sharaxan Culcatta Bariga Dalka Hindiya

Suresh Kalmadi :wasiirkii Hore ee Ciyaaraha Dalka Hindiya ayaa U taagan Magaaladda Pune Xubin baarlamaan ninkaas oo caan ka ah Dalka India

Govinda :- oo jilaa ah oo Caan-ka ah Aduunka Filim Hindiga Daawadda Ayaa u Ordaaya Xubin Baarlamaan waqooyiga Bombay Laakiin Nasiib Darro Ram Naik Oo 16 Sano ka Soo Baxayey ayaa halkaa Ayuu la Ordayaa Actor-ka Govinda Dhalin yaradda Jecel ayaa Kala Dooran kari waayi Doona Labada Nin oo ah Ragga Ruug Cadaaya ah oo ka kala Tirsan BJP iyo Congress party.

Actory-ka Caanka ah Ee ee Sunil Dutt oo Dhalay Actor-ka Sanjay Sunil Dutt ayaa u

Sharaxan Koonfurta iyo Badhtamaha Bombay

Xisbiyadda ku loolamaya Hogaanka Dalka India kuwa Ugu waaweyn oo kala Ah Xisbiga BJP iyo Congress party , ayaa Filaya mid-kastaa in uu ku Guulaysan Doono Doorashadda Baarlamaanka

Congress Party waxa Raysala wasaare U taagan Sonia Gandhi oo ah Gabadh Asalkeedu Talyaani yahay taas Oo uu qabay Rajiv Gandhi oo raysal wasaare Dalkan Ka Noqoday Laakiin Marka aad Eegto Rayil caamka Dadweynaha India waxa ay Dadka Intooda Badani U arkaan in aanay Sonia aanay Sif kasta Ku noqon Doonin Raysal wasaare Mar Haddii ay Tahay ajaanib Dhinac kale

Atal Bahari Vajpayee oo Raysal wasaare u Taagan iyo Xubin MP ahna Raysal wasaaraha Imika ayaa Mar kale jecel in uu Kursiga Dib u fuula Isga oo ay Da,diisu Tahay 78 Jir laakiin waxa La Saadalinayaa Oo Dhab ah in atal Bahari Vajpayee uu u Dayn Doono Kursiga Raysal wasaaraha, waa Haddii uu ku Guulaystee Xisbiga BJP Kuraasta Ugu Badan Baarlamanka L.K.Advani oo ah Ku xigeenkiisa Ninkaas oo Door weyn lka Ciyaaray Burburintii Misaajid-ka Babri Masjid ee la Burburiyay 1992 kaas oo sababay Dhimasho Dad Iyo Duunyaba Leh,

waxaana Dadka Diinta Hinduus-ga Haystaa intooda Badan la Dhacsan Yihiin in Xisbiga BJP uu ku Noqodo Taladda Dalka Taas oo Saadasha Doorashadda La Filayo in ay Iyagu Ku Soo baxaan.

Si kastaba ha ahaatee ...Bal Maalimaha Soo Socda waynu Eegi Doona Cida Fuusha Hogaanka Dalka Iyo Ragga Baarlamaanka U soo Baxa ...

Abdiaziz Ahmed Mousa abdiaziz2@hotmail.com

QORAALADII HORE EE CABDICASIIS 

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]