SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 26, 2004

Cayaartooydii Gobolka Cayn ee Buuhoodle

Cayaartooydii Gobolaka Bari

Dadweynihii oo Fadhiya Garoonka

Dadweynihii oo fadhiya Garoonka

Gudoomiye ku xigeenka G-Bari iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Isportiga oo fadhiya Garoonka

Labada Gudoomiye ee Cayaaraha Gobolada Mudug iyo Sanaag


Garsoorayaashii Cayaartii maanta
  • Ciyaarihii Kubadda ee Gobolada Puntland
  • Shaqadii oo Laga Joojiyay Taliyihii Qaybta Booliska G-Bari iyo Kuxigeenkiisa, Taliyayaal Saldhigyada Boliska Boosaaso Qaarkood
  • Reer Sirilanka oo laga mamnuucay Visaha Dal ku soo galka DGPL

Ciyaarihii Kubadda ee Gobolada Puntland

  • Xayiraada Cayaaraha Gobolada DGPL ka socday Boosaaso oo aan wax ka waydiinay Gudoomiyayaasha Cayaaraha Gobolada Mudug iyo Sanaag.

Waxaa lagu Qabtay magaalada Bosaso April 15-2004 Cayaarihii Gobolada Puntland waxaa ka soo qayb galay furitaankii cayaarahaas Wasiir kuxigeenka Wasaarada isbortiga DGPL Cali Ciise Cali, Gudoomiye kuxigeenka G-Bari Yuusuf Muumin Bide iyo Madax ka tirsan Maamulka DGPL, ugu horeentii Cayaarahaa ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Cayaaraha Wasaarada Isbortiga DGPL Xabeeb ayaa tilmaamay dhibka ay ka soo Mareen abaabulka Ciyaaraha oo aan haysan Cid taageerta Dawladana ay ku Jirto Xili aad u adag oo ay Puntland saamaysay Abaaro.

Kadib Agaasimaha ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka G-Bari isagoo uga mahad celiyay Cayaartoyda iyo Guud ahaan ka soo qayb galayaashii tilmaamayna Nasiibka ay u heshay Magaaladaan Boosaaso in lagu Qabto Cayaaraha Gobolada, kadib ayaa waxaa ka hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Isbortiga isagoo ka warbixiyay kaalinka wasaarada isbortiga DGPL ay ku leedahay Cayaarahaan Gobolada Puntland iyo in la doonayay cayaaraha in ay ka soo Qayb galaan Gobolda soomaaliya lakiin ay saamixi wayday in ay yimadaan.

Kadib Qudbadihii iyo barnaamijyadii ay soo ban dhigeen Hobolada Walaalaha Bari ayaa waxa isaga horyimi Furitaankii cayaarahaas Gobolka Bari Boosaaso iyo Gobolka Cayn Buuhoodle cayaarhaa oo Xanibnaa kadib markii ay Cayareen kooxo ka kala socda Gobolada Sanaag, Mudug, Haylaan, iyo Qardho oo ku cayaaraysa Gobolaka Karkaar ayaa ka dib waxaa la soo gudboonaday Cayaarahaa in ay sii socdaan Maamul xumo kaga timi xaga Maamulka Cayaaraha iyo Dhaqaalahii kasoo baxay Garoonka oo si qaldan loo istic maalay, Waxaan wax ka waydiinay Arimahaa Gudoomiyaha Cayaaraha G-Mudug Ilyaas C/Nuur Xirsi iyo Gudoomiyah Ciyaaraha G-Sanaag Cali Maxamed Salaad oo aan kula kulmay Xarunta Maamulka G-Bari iyagoo ka Cabanaya Dhibaatada kaga timi maamul xumadaas oo ay waliba u dheertahay (lacagtii) Hodheeladii ay jiifanayeen iyo Kii ay wax ka Cunayeen oo loo Haysto, Cabashadaa ayaa wax ay u soo gudbiyeen  Maamulka G-Bari waa sida ay ii sheegeene, labada gudoomiye ay tilmaameen in aysan jirin Xiriir soo jireena oo ka dhexeeye Wasaarada Isbortiga iyo Cayaartooyda ku kala nool Gobolada Puntland oo marka la damco in wasaaradu qabato cayaaro la,isugu yeero Cayaartooyda markaana lagu tilmaami karo marku soo bood, labada gudoomiye ayaa ugu dambayntii ka codsaday in ay Dawlada soo dhex gasho Cayaarahaan sidii loogu guulaysan lahaa in la dhamaystiro Madaama ay jiraan warar sheegaya in ay wasaarada u dhamayn Abaabulka Cayarahaan Gobolada, labada Gudoomiye ayaa Waxa ay yiraahdee waxaan kaga faa,idaysanaynaa Fursadaan in aan u sheegno Idaacada BBC Wakiilkeedii Axmed Cadoow ee ka hadlayay Cayaaraha in uu ku qaldamay sida uu u adeegsaday war ka sheegida Cayaaraha Gobolda Puntland ayasan ahayn Cayaaraha Ardayda Gobolada Puntland anagoo Shacab ahaan hore Idaacadaa BBC wax ugu tirsanaynay. 

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso

Qoraal Sirilaankeeska lagaga mamnuucayo Visaha Dal ku soo galka DGPL oo ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xiriirka Caalamiga DGPL. 

Waxaaa markay Taariikhdu ahayd April 24-2004 ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xiriika Caalamiga DGPL Qoraal uu ku amrayo hay,adaha Amniga DGPL in laga Mamnuucay Sirilaankeeska Visaha Dal kusoo galka  kadib markii ay Wakiiladii ka masuulka ahaa ay ku soo Ururinayaan Dalka Puntland aysan ka saarayn. Agaasimaha ayaa Qoraalkiisaa waxaa uu ku amray hay,adahaa ay qusayso arintaa in ay inta ay ka baxayaan Sirilaankeeska aysan ka soo bixin Meelaha ay Dagan yihiin.

Sirilaankeeska ayaa ah Dad ay dalkooda ka jiraan Dagaalo sokeeye oo iygu raadinaya sidii ay u heli lahaayeen Nolol ay ku sugaan Xal u helida Dalkooda, Wararka laga helaayo ayaa ah in ay sugaayaan Markab Tahriiba oo u Qaada Dalalka Yurub oo ay keenayaan Wakiilada Dalka ku soo Ururiyay, Dadkaam ayaa ah Dad aad uga duwan Dhaqanka iyo Diinta Dadka Soomaalidaa Warka lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay Falal aad u xun ay ku sameeyaan Degaanada ay dagan yihiin

Subaxnimadii Isniinta April 26-2004 ayaa la dareemay Dhaqdhaqaaq ka jiray Qaybaha Ciidanka Booliska Boosaaso kadib markii…….  


Taliyaha Ciidanka DGPL G-sare Cabdirisaaq Afgaduud

Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL G/Sare Cabdirisaaq Afgaduud ayaa ka joojiyay shaqadii Taliyii Qaybta Booliska G-Bari iyo Kuxigeenkiisa, Taliyayaal Saldhigyada Boliska Boosaaso Qaarkood iyo kuwo kaleba, Arintaa ayaa wararku ay sheegayaan in ay ka Dhalatay kadib markii uu Taliyuhu kormeer ku marayay Qaybaha kala duwan ee Booliska Magaalada Boosaaso taasna ay Madaxdaa ku fashilmeen Howlihii loo xil saaray, Taliyaha ayaa War saxaafadeed hada ka hor kaga hadlay in uu Dardar galin doono Howlaha Booliska DGPL cidii howsheeda gudan waydaana ay ka baxayso kaalintaa cidii shaqeeyneesa loo dhiibi doono, Taliyaha ayaa hore uga Qaaday Xilkii Talihii Hore ee Qaybta Booliska G-Bari Maxmed Dheere iyo ku xigeenkiisii Axmed Cali oo sida warar ku dhowdhow ay sheegayaan howshoodii ay gudan waayeen, Taliyaha Ciidanka Boliska G/Sare Cabdirizaaq ayaa Guud ahaan Dardar galiyay Howlihii Booliska iyadoo ay Booliska laga Dareemaya Howlahooda Gobolada Puntland, G/Sare Cabdirisaaq ayaa isagoo hore u ahaan jirey Taliyihii Qaybta Booliska G-Bari aadna u yaqaan Boosaasoo Howlihii uu Qabtayna uu ku helay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL.

Qore: Cabdifataax jaamac Mire
somalitalkpl@yahoo.com

Boosaaso, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2004 

Ciidanka CID Boosaaso oo Qabtay Qalab lagu Sameeyo Khamriga: Waxaana lagu qabtay nin u dhashay dalka Eritrea... Guji...  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD