SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 29, 2004
Hay’adda Al-Manhal oo daawooyin gaarsiisay Isbitaallada Muqdisho
Cisbitaalada Muqdisho waxaa sawiradan maanta kasoo qaaday Aamiin Yusuf



Hay’adda Al-Manhal oo ka mid ah hay’adaha samafal ee ka jira Magaalada Muqdisho ayaa gargaar daawo ah gaarsiiyay isbitaallada Magaalada Muqdisho, waxayna daawooyinkaas isugu jireen 6520-Faleebooyinka lagula dagaallamo shuban biyoodka ah, 400-Kaanoolka ah, 20-Kg oo kalooriin ah iyo 100-Sharooto ah.

Kaalmadaan ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaallada Magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin isbitaallada Banaadir, Al-Xayaat, Carrafaat iyo Martiini; waxayna ballanqaadday hay’ad-du in ay sii wadi doonto howlaha samofal ee ay u hayso shacbiga.

Hay’addaan Al-Manhal waa hay’ad samafal oo ka jirta Muqdisho, waxayna qabataa howlo isugu jira waxbarasho, Caafimaad iyo waxyaabo la xirira samofalka bulshada sida Wacyi-gelinta dadka, waxay hay’addani leedahay laba xaruumood oo ay midi tahay xarun lagu daweeyo TB-da iyo xarun lagu daweeyo bukaanka caadiga ah (OPD).

Hay’adda Al-Manhal 1998-dii ilaa waqtigaan ayay ka soo shaqeynaysay arrimahan isugu jira wacyi gelinta iyo gacan siinta Bulshada iyo gargaarrada lagula tacaalayo cudurka daacuun caloolaha.

waxaa magaallada Muqdisho maalmahaan ku soo kordhayay cudurka Shubanka, iyadoo Isbitaallada intooda badan ay soo gaarayaan dad la ildaran cudurka Shubanka, waxaana la sheegay in dadka ugu ba'an ee cudurkan uu hayo ay yihiin dadka ku jira xeryaha qaxootiga magaallada Muqdisho, kuwaasoo iyagu ka bara kacay dagaalladii ka dhacay dalka gudihiisa. Hay'adda Al-Manhal ayaa markii ay maqashay dadka la ildaran cudurka Shubanka waxa ay markiiba billowday in ay deeq dawo ah gaarsiiso isbitaallada Magaallada Muqdisho, kuwaasoo lagula tacaalayo cudurka Shubanka.

xilliga kuleylaha marka la gaaro ayaa waxaa kaca cudurka Shubanka, iyadoo dadka intooda badan aysan cabin biy nadiif ah, waxaana taas dhaqaatiirtu ay ku micneeyeen iyadoo ay ugu wacan tahay iyadoo ay  guraan ceelashii biyaha, sidoo kale dhaqaatiirtu waxa ay sheegeen in xitaa marka la galo xilliga roobka in xitaa uu imaan karo cudurka Shubanka, ugu dambeyntiina hay'adda Al-Manhal waxa ay ballan qaadday in ay wadi doonto howlaha ay uga hortagayso cudurka Shubanka inta laga cirib tirayo. 

Amiin Yuusuf Khasaaro

e-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD