WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 29, 2004
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda
Ku Meel Gaarka ah, Yuusuf Xassan Ibraahim "Yuusuf Dheeg" ayaa Ku eedeeyay
Waddamada Carabta inay gaabis ka noqdeen doorkii kaga aadanaa Dib u
Heshiisiinta Somalia.
Yusuf Dheeg oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo
uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Waddamadda Carabta aysan kaalin
firfircoon ka ciyaarin Dib u Heshiisiinta Soomaalida, Wuxuuna sheegay in
taasi ay keentay in IGAD ay u gacan banaanaato Wadahadaladda Soomaalida uga
socda Kenya.
Yusuf Dheeg waxa uu waydiistay Waddamadda
Carabta inay dib u Jaleecaan Wadahadaladda Kenya uga socda Soomaalida,
Wuxuuna sheegay inaan Looga maarmin dalalka Carabta dhinaca Dhaqaalaha,
Maadaama Waddamadda IGAD aysan dhaqaale ahaan socodsiin Karin Shirka Kenya.
Yusuf Dheeg waxa uu sidoo kale sheegay in
qoraalkii dhawaan uu soo saaray Dhigiisa Kenya, Stephan Kolonzo Mosiyooko ay
soo dhawaynayso Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Wuxuuna sheegay in
haddii Qoraalkiisa uu xal u noqon karo dhibaatadda Somalia ay TNG-du gacan ka
gaysan doonto Meel Marintiisa, Isagoo hoosta ka xariiqay in siyaasadoodu ay
ku salaysan tahay Dib u Heshiisiinta iyo Nabadaynta Somalia.
<><><>
Ergooyinka Soomaalida ah iyo Wakiiladda
Hogaamiye Kooxeedyadda ka qayb galaya Shirka Kenya ayaa markii ugu horaysay
qayla dhaan ka keenay Qodobka Dhimista Ergooyinka ee ku xusnaa Qoraalkii
Kolonzo Mosiyooko,.
Ergooyinka Soomaalida ah iyo Wakiiladda
Hogaamiye Kooxeedyadda u jooga Nairobi ayaa markii ugu horaysay si isku mid
ah uga hadlay Tiradda Ergooyinka ee la dhimay, Waxayna sheegeen inaan la
aqbali Karin in wax laga badalo Tiradii hore ee la isku ogaa inay ka qayb
gasho Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
Ergadda Soomaalida ah ee ka qayb galaysa
Shirkaasi iyo Kooxda SRRC ayaa sheegay in Tiradda Ergooyinka ee Wasiirku ku
soo koobay 203 ay tahay hanaan lagu marin habaabinayo Shirka Soomaalida,
Waxayna sheegeen inay Wasiirka isku ogaayeen in Tiradda Ergooyinka loo dhaafo
366 qof, Laakiin Waxay sheegeen inay la yaabeen markii ay arkeen Qoraalkii
Mosiyooko oo sida ay sheegeen laga yaabo inuu fashil ku keeno Shirka Kenya.
Qayla dhaantan ka timid Ergooyinka iyo
Kooxaha Soomaalida Qaarkood ayaa laga yaabaa inay caqabad hor leh ku noqoto
Shirka Soomaalida uga socda Kenya, Waxaana Murankan cusub uu meesha ka saaray
is haysadkii Qodobka 30 aad ee Axdiga Ku Meel Gaarka ah oo imminka u muuqda
inuusan Muran ka taagnayn, Laakiin waxa la isku haysto ay yihiin Tiradda
Ergooyinka.
<><><>
Gobaladda Dalka Somalia qaarkood ayaa
waxaa ka billawday Tallaabooyin lagu Mamnuucayo Baasaboorka Kenya, kadib
markii ay Kenya Dhinaceeda Mamnuucday Baasaboorka Somalia in lagu soo galo
ama looga baxo dalkeeda.
Maamulka Gobalka Hiiraan ee Bartamaha
Somalia ayaa noqday Maamulkii labaad ee si rasmiya u mamnuuca Baasaboorka
Kenya, Waxaana hadal uu shalay soo saaray Maamulkaasi lagu sheegay in
Baasaboorka Kenya aan looga safri Karin, laguna soo gali Karin Deegaanadda uu
Maamulkaasi ka taliyo.
Guddoomiye Ku Xigeenka Gobalka Hiiraan, Eng,
C/laahi Cabdi Koofi oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Baladwayne
ayaa ku amray Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka ee ka hawl gala Hiiraan isla
markaana haysta Baasaboorka Kenya inay si deg deg ah uga baxaan Gobalka
Hiiraan, Wuxuuna sheegay in haddii ay go’aabkaasi u dhaga nuglaan waayaan ay
dhici doonto in Sharciga la horkeeno qofkii lagu arko Baasaboor Kenyan ah.
Maamulka Gobaladda Galgaduud ayaa isna
sheegay inay tallaabo taa la mida qaadanayaan Toddobaadka soo socda haddii
aysan Kenya ka laaban go’aanka ay ku mamnuucday Baasaboorka Kenya.
Yusuf Xasan Ciyoow, Guddoomiyaha Gobalka
Galgaduud, waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin Tallaabadda ay Kenya ku
hor istaagtay Baasaboorka Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin
inay qaataan go’aan kaas la mida haddii aysan Kenya si deg deg ah uga laaban
go’aankeeda ay ku Mamnuucday Baasaboorka Somalia.
Maamulka Somali Land oo horay ugu dhawaaqay
inay ka fiirsanayaan qaabkii ay u joojin lahaayeen Baasaboorka Kenya ayaan
illaa iyo hadda isna wax tallaabo ah qaadin, Waxaana la filayaa inay ku
biiraan Dhinacyadda mamnuucay Baasaboorka Kenya.
Maamul Gobaleedka Punt Land oo noqday
Maamulkii ugu horeeyay ee Soomaaliya isla markaana mamnuuco Baasaboorka Kenya
ayaan illaa iyo hadda wax dabacsanaan ah ka muujin go’aankaasi, Laakiin
Dawladda Kenya oo laftigeeda ay saamayn ku yeesheen go’aanadda iska daba
imaanaya ee lagu mamnuucayo Baasaboorkeda ayaa sheegay inay kala xaajoonayso
Soomaalida go’aanadda ay qaateen.
<><><>
Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee
xarunta Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in lagu dilay gurigiisa
wasiir ku xigeenkii wasaarada Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga
Marxuum C/risaaq Cali Siciid(Qays).
Wasiir ku xigeenka ayaa sida wararku
sheegayaan waxaa dilay mid ka mida laba xaas oo uu qabey.
Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah
ee ka dambaysa dilka Wasiirka ku xigeenka.
Dilalka noocan oo qoyska ayaa ku soo badana
deegaanada Puntland iyadoo bilo ka hor Magaalada Garoowe lagu dilay
Agaasimihii Guud ee wasaaradaas oo uu dilay wiil uu adeer u ahaa.
Sidoo kale maalmo ka hor ayaa wiil yar wuxuu
hooyadii ku dilay Magaalada Boosaso, wiilkaasi oo la sheegay inuu ahaa mid
xabadi ay kaga fakatay inankan yar hooyadii.
Dilalkan ayaa waxaa inta badan sababa hubka
noocyadiisa kala duwan oo dadka rayidka ah guryaha u yaal ama ay suuqayda la
maraan.
Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo iminka ka
hadlin arintan ah dilka Wasiirkaasi ka tirsanaa Maamulka Puntland,laakiin
waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka danbeysa Dilkaasi loo gaystay
wasiir ku xigeenkii wasaarada Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga
Marxuum C/risaaq Cali Siciid(Qays)
<><><>
Iyadoo ay beri ku began tahay Maalintii
loogu baaqay Odayaasha Dhaqanka, iyo Hogaamiye Kooxeedyaddu inay ku yimaadaan
Madasha Shirka ayeeysan illaa iyo hadda jirin cid dib ugu laabtay Shirka
Kenya.
Ugaas C/laahi Ugaas Farax oo ka mida
Odayaasha Dhaqanka ee Somalia ayaa sheegay inaysan illaa iyo hadda wax war
galin ah soo gaarsiin Kenya, WUxuuna sheegay in go’aankaasi uu ka maqlay
Warbaahinta oo kaliya.
Ugaasku waxa uu sheegay sidoo kale inay aad
uga xun yihiin go’aanka ay Kenya ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga ah,
Wuxuuna sheegay in haddii aan go’aankaasi dib looga fiirsan ay adkaanayso
qaabkii ay ku tagi lahaayeen Shirka Kenya,
Hogaamiye Kooxeedyadda qaarkood ayaa iyaguna
go’aanka ku tilmaamay mid aan nuxur siyaasadeed lahayn, waxayna ku gacan
sayreen inay dib ugu laabtaan Madasha Shirka Soomaalidu ka socdo ee Kenya.
Kenya oo Shirka Marti galinaysa ayaan
iyaduna illaa iyo hadda wax dhaq dhaqaaq ah oo dib loogu soo celinayo
dalkeeda odayaasha dhaqanka iyo Hogaamiye Kooxeedyadda Samayn, Iyadoo
Diyaaridihii ay ballan qaaday inay u soo dirayso Sooomaaliyana aan illaa iyo
hadda soo dirin.
<><><>
Is rasaasayntan oo u dhaxaysa Kooxo
Ciraaqiyiin ah iyo Ciidamada Maraykanka ayaa daba joogta dagaal shalay illlaa
iyo xalay ka socday Magaaladaasi, Waxayna wararku sheegayaan in dagaalku uu
shalay iyo xalay gaaray meeshii ugu xumayd.
Kooxaha Wax iska caabinta Ciraaq ayaa
muujiyay Geesinimo, Waxayna u babac dhigeen Ciidamadda Maraykanka oo
adeegsanaya Diyaaradaha dagaalka, Taasina waxay keentay in Maraykanku uu
Magaaladda isku hareereeyo si uu uga hortaggo in laga qaxo Magaaladaasi.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa
saaka dhawr duulimaad oo ay qaadeen waxay ku duqeeyeen qaybo ka mida Fullujah,
Laakiin ma cadda Xadiga uu le’egyahay Qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dagaalka Fullujah oo ah kii ugu xumaa ee ay
la kulmaan Ciidamadda Maraykanku ayaa sababay in Maraykanku uu ku kaco Xasuuq
Bini’aadanimo oo aysan jirin cid kala xisaabtamaysa, Waxayna Ciidamadda
Maraykanku u duqeeyeen Magaaladaasi si Arxan Darro ah.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|