SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 6, 2004

WAR CAD OO KA SOO BAXAY URURKA USC/PA IYO GUDDIGA SIYAASADDA EE BEESHA SHIIKHAALEED.

Ururka USC/ PEACE ACTION iyo Guddiga Siyaasada Beesha Shiikhaaleed markay si qota dheer u derseen, una kuur galeen xaalada dhabta ah ee colaadeed ee ka taagan Deegaanka Degmada Jilib, waxaa u soo if baxay sidii horeba uu u cadeeyey arimaha hoos ku qoran:

In dagaalka uu u dhaxeeyo Maleeshiyada Deegaanada Jubbooyinka Xoogga ku joogta ee isku magacawday Dooxada Jubba iyo kuwa ay isku hadafka yihiin ee saldhigoodu yahay Degmada Baraawe oo hal dhinac ah iyo Maleeshiyooyinka Beesha Shiikhaaleed iyo Dadwaynahooda oo Deegaan koodu ka mid yahay Deegaanada Xooga lagu haysto.

Waa war aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn in Dagaalku uu u dhaxeeyo laba Beelood oo Deegaanka wada deggan, taasoo micnaheedu yahay marin habaabin xaalada runta ah ee halkaas ka jirta.

Waxaa wax lala yaabo noqotay Abaabulka isku dirka ah ee hada uu ka wado Isbahaysiga isku magacaabay Dooxada Jubba Tuulada Hoomboy, Abaabulkaas oo ah in la Abuuro Isbahaysi taageera Maleeshiyada Deegaanka Xooga ku haysata oo ka kooban Beelaha wada dega Deegaanada Jubbooyinka, taasoo aan u aragno isku dir hor leh oo laga dhex abuurayo dadka walaalaha ah ee Xoogga iyo Cadaadiska lagu haysto Dhulkooda, isla markaana cimridheeraysi laga dhiganayo sidii xaqdaro Deegaanadaas loogu sii joogi lahaa.

Beelaha Deegaanada Jubbooyinka waxay ka midaysan yihiin, iskana bahaysanayaan sidii ay isaga kicin lahaayeen kuwa Deegaanadooda Xooga ku haysta doolaaladana ku yimid

Ugu dambayntii waxaan cadaynaynaa in aan xaqeena ku dirirayno, xaqdarana aanaan doonayn.

WA BILLAAHI TOWFIIQ.

AFHAYEENKA DEEGAANADA JUBBOOYINKA
Md. DAAHIR CALI XASAN (D.CADDE)

<><><>


24/03/2004

KU:- QOWMIYADDA SHIIKHAALEDD EE KU NOOL WADANKA GUDAHIISA IYO DIBADIISA
UJEEDDO:- BARNAAMIJKA SIYAASADDA URURKA USC/PA BEESHA SHIIKHAAL

WARBIXIN KOOBAN URURKA USC/PA:-

Kaddib markii Urur- weynihii USC oo u kala baxay garabyo siyaasadeed oo kala duwan mid walibana uu Matalaayo Beel , ayaa wada tashi dheer kaddib Beesha Shiikhaaleed waxay go’aansatay in ay dhisato Ururkeeda Siyaasadeed,taariikhdu markay ahayd April 20,1996, Waxaa lagu dhawaaqay Ururka USC/PA.

Walaalayaal, wax qabadka ururka halkaan kuma soo koobi karno,waxaase xusid mudan:-

1- In lagu guulaystay baahida loo qabay midaynta stratijiyada siyaasadeed ee beelaha ku abtirsada Ururkaan.

2- Wuxuu ku guulaystay inuu xaliyo colaadihii ay reebeen dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeyay beesha iyo Beelaha kale ee Soomaaliyeed.

3- Ururku wuxuu sameeyay xiriiro Caalami ah, taasoo uu ku kasbaday saaxiibo aan ku tashan karno

4- Ururku wuxuu xiriiriyay wacyi-geliyana dhammaan Deegaanada Beesha,taasoo ay manta ka dhursugayaan Ururkooda.

5- Ururku wuxuu ka qayb galay dhammaan Shirarkii dib-u- heshiisiineed ee loo qabtay Ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna u taagan yahay asagoo madax-banaan inuu qaato xuquuqda uu Qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay.

BARNAAMIJKA GUUD EE SIYAASADDA

Mudanayaal & Marwooyin,

Sidaad ogtihiin beeshaani waxay degtaa dhul balaadhan oo aad u kala fog oo ka soo bilaawda Kilinka Shanaad ilaa Jubbada hoose.

Qowmiyadda Shiikhaaleed ee degan degaanadaas balaadhan aan kor ku soo sheegay,waxay wada degaan Beelo kale ee Soomaaliyeed,waxaana siyaasad ahaan qabnaa in nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag lagu wada noolaado, loona qaybsado iyadoo mar waliba la tixgelinaayo sida loogu kala badan yahay Degaanadda la wada degan yahay.

Waxaan ka soo horjeednaa oo diidanahay:

Dagaalada iyo Duulaanka Deegaan qabsiga ah, sida hadda ka taagan Gobollada Jubbada dhexe, Jubbada Hoose ,iyo Shabeeladda Hoose, waxaa nasiib darro ah in Shakhsiyaad beesha u dhashay ay heshiis kula yihiin kooxda xoogga ku haysata Goboladdaas,ayagoo fiirinayaa danahooda gaarka ah.

Waxaa kale oo aan ka soo horjeednaa in Deegaanada beesha degto laga sameeyo goobo laga fuliyo baarnaamijyada Argagaxisada ama Siyaasad liddi ku ah nabadgelyadda Degaanka.

Ururku wuxuu u soo jeedinayaa baaq kama dambays ah kooxaha xoogga ku jooga Gobollada aan kor ku soo sheegnay in ay si nabadgelyo ah uga baxaan.

Waxaan u soo jeedinaynaa kana codsanaynaa Qowmiyadda Shiikhaaleed ee ku nool gudaha iyo dibadaba in aan u wada howlgalno una hurno naf iyo maalba sidii aan u hanan lahayn degaanadeena aana u heli lahayn xuquuqda aan ku leenahay Qaranka Soomaaliyeed.

HOGAAMIYAYAASHA URURKA USC/PA

1- C/QAADIR XAAJI MAXAMED(LUGA-DHEERE)_____________

2- MAXAMUUD MAXAMED XUSEEN (SHIIL)_________________

3- SHAAFICI AXMED CALI_______________________________

4- MAXAMED SHEIKH CUSMAAN__________________________

5- BASHIIR MAXAMED AADAN (DHUURA-CASO)_____________

6- XUSEEN BUULLE CALI________________________________

GUDDOOMIYAHA URURKA USC/PA

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA SIYAASADDA EE BEESHA SHIIKHAAL

Md, C/QAADIR XAAJI MAXAMED ( LUGA-DHEERE )

______________________________

<><><>

Waxa uu qoraalkani soo gaarey: abdikarim hussein abdikarimhussein@hotmail.com oo jooga Nairbi

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2004

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi
Toddoba qodob ayaa sabab u ah carqalada shirka Soomaalida uga socda Kenya, sidaas waxaa qoray... Guji...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]