SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 7, 2004

 Al-Islaax iyo dhacdooyin dhacay

Abdisaid Musse Ali-Koor 
aabdisaid@hotmail.com

Qaybtii 1aad... Guji halkan

AL- Islaax waa indhaha Soomaaliya
Mohamed Haji .

Waxaa magaalada Ethiopia lagu xiray 1996 kii Guddoomiyaha dhaqdhaqaaqa Al-Islaax Dr. Maxamad Cali Ibraahim, intuu xirnaa waxaa dhacday doorasho lagu qabtay Xamar 1997, halkaasna waxaa lagu doortay maamul cusub....Waxaana la wareegay maamulkii Islaax Garab ay badankoodu u janjeeraan dhinaca qabiilka, marka laga reebo Dr.Cali sheekh oo aan wax cad lagu hayn, amase si kale hadii loo fiiriyo ay dhibkiisa iyo dheeftiisu, tan dambe badantahay, amaase ragga kale waxaa badan dhibkooda

  • 1. Dr. Cali Sheekh Axmad (cali dheere)
  • 2. Dr. Ibraahim Dasuuqi
  • 3. Cabdiraxmaan Baadiyow
  • 4. Dr. Cali Baashi (dhakhtarka indhaha)

Waxaa la hubaa inuusan marna dacwoonayn amase tuhmayn waxa loo xiray iyo cidda xiritaankiisa ka dambaysay Dr. Maxamad Cali Ibraahim sababtoo ah ma aha qof noocaan u samaysan....Haddii uu asagu dacwo qabin anaguna cidna ma eedaynayno......

Laakiinse, dhacdadaan kadib waxaa bilaabatay in raggii dhihi jiray qabyaaladu waa ceeb, culimadda Xamar ku shirtay 1991 ee Sh.Maxamad Macallin uu isu keenay 'Waa hal qabiil culimadu soomaalidu ma hawiye uunbaa?'yaa xasuusta qofkaas? Cidkale ma ahane waa Dr.Ibraahim Dasuuqi oo ahaa afhayeen Al-Islaax 1991 ugana qayb galay shirkaas Al-Islaax. Maantana wuxuu leeyahay' Fiqi tolkiis kama janno tago'..."Afhayeenka Beesha Hawiye" 1998-2000.Yaa yaqaan ninkaas? Dr.Ibraahim Dasuuqi....Sidoo kale yaa yaqaan qofkii yiri, 'anigu koley ma guursadeen gabadh 9 jir ah'...Asagoo duraya guurka Caaisha iyo Rasuulka SCW....

Shirkii Eldoret ninka yiri: 'anigu meeshaan waxaan ku joogaa magaca qabiilkayga'....2002dii

Al-Islaax Xamar waa labo garab, koox waxaa badan ficiltanka qabiilka sida Dasuuqi, Cali-baashi, Baadiyow iyo dhowr kale waxayna aaminsanyihiin in la iska ilaaliyo Haber-Gedir iyo qabiilkasta oo weyn.

Kooxna waxay u badanyihiin dhinaca naska diinta fahamkooda sida; Sheekh Axmad Qudubi, Sheekh Cusmaan Ibraahim, Dr.Maxamad Cali Ibraahim iyo dhowr kale....

Kooxna waxaa la dhihi karaa owrkaa lagu kacsadaa sida Sheekh Nuur Baaruud, iyo dhowr kale...Waana dad iska caadifiyiin ah kuwaasna intaas ayaan uga haraynaa...

Labadan kooxood waxaa la dhihi karaa kooxda dhinaca naska fahamsan waa laga xoogaystay, waxaana la wareegay koox xishoodka islaamka iyo kan soomaalinimada ka tagtay oo usoo jeensatay calooshood u shaqaystanimo iyo danno gaar ah....Waxaase la yaab leh, ma waysan u jeedin dadka wax fahamsan dadkaan waxay walaaqayaan?

Nasiib darro Garabka Dasuuqi ee Al-Islaax waxaa ka mid ah qof waxqabadkiisu badanyahay hase ahaatee ay ka tanbadiyeen raggan, sababtoo ah aaway xisaabtankii? Dr.Cali Sheekh Axmad, waxaa laga yaabaa inuu ku mashquulsanyahay jaamacadda oo uusan laba socon waxa raggan ay walaaqayaan....Haddaan u cudur daarno, laakiinse soo ceeb ma aha, waxa uu Dr.Cali Dheere ku duwaanayo raggan....

Dhacdooyinkan iyo kuwo kale oo badan oo aan uruurinay tan iyo intii Al-Islaax kusoo noqotay magaalada Xamar 1991, sida dhalintii loo diray Suudaan iyo Malaysia 90% hal reer ahaa, lacagtii lagu takri falay sida warshaddii laga gaday Thailand oo $1 Million laga bixiyey, shirkaddii lagu dhacay dad badan ee Sundus ahayd, lacagta sannad walba laga helo sanduuqa guud, iyo arimo kale oo badan dib ayaan uga hadli doonaa...

Sidoo kale waxaan ka hadli doonaa, waxqabadka Al-Islaax, iskuulada, jaamacadda, iyo hay'adaha qayriga ah ee ay ka fuliyaan badankooda magaalada Xamar....Waxaan sidoo kale sheegi doonaa lacagta looga qaaday Mercy International in ceelal iyo isbitaalo meesha ay martay, anagoo hayna caddaymihii hay'adda Mercy ee USA...

Waxaan ka hadli doonaa sidoo kale mukhaabaraatka Masar, macalimiinta masaarida ah, Cabdiqaasim, Al-Barakaat, Dawaladda Jabuuti ragga  xirirka ah, Kenya ragga muhiimka ah iyo xiriirka Al-Islaax..........

Ma aha inaan cambaaraynayno ururka Al-Islaax, sidoo kalena iskama amaanayno si indho la'aan ah, laakiinse maadaama ay no1deen koox kamid ah kooxaha isku haya arimaha soomaaliya, ayna ku xiranyihiin kooxo meelo kale laga xukumo, ogaanshahooda iyo ogaansho la'aanteedba miyaanaan xaq u lahayn inaan falanqayno?

Qaybtii 1aad... Guji halkan

Abdisaid Musse Ali-Koor 
aabdisaid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Wararkii hore ee MUQDISHO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD