Waxaa ay
dadyowga dunidu ka siman yihiin edbinta iyo wax u sheegida ubadkooda. Wixii
uu waalidku baro ayay hadhow markay weynaadaan la soo shir tagaan oo ay
khayrkood kaga hoos maraan ama kaga sareeyaan. Waxaa beryahaa soo badanaya
soo maaxidda wixii ubadkayaga lagusoo tarbiyeeyey ee maskaxdooda lagu xardhay.
Waxaanu ognahay in aanu carruurta ku ababinano quudhsi, aabo iyo hooyo caay,
habaar iyo guhaad, iska celi, ku dhufo, ka aargudo, adigoon ka soo goosan ha
igu soo noqon iwm. Maslaxad iyo iska daa ma jirto, iska sabirna hadalkeeda
daa, waan ka xumahay ku dheh iyo raali gelina haba sheegin.
Dayowga dunidu carruurta way u sheekeeyaan, buug u
akhriyaan ama kula dadaalaan sidii uu ilmaha yari u baran lahaa cadaalada iyo
is xaq dhowrka. Soomaaliduna dadkaa waxay kala mid tahay in ay carruurta u
sheekeyso oo keliya, sheekooyinkaas oon aqoon iyo niyad wanaag ku saabsaneyn
ee ku saabsan quraafaad, takoor iyo sad bursi. Haddaba akhristow ilmaha ku
soo kora dhegeysiga sheekooyinka khiyaaliga ah iyo wax iska caabi joogta ah
waxay hadhow dib ugu soo noqotaa garaadkiisa marka uu weynaado oo uu wixii ka
horyimaada u isticmaalo si uu u samata baxo ama isu difaaco.
Waxaanu ka garan garnaa sida ay tahay maanta Soomaaliya iyo
sida markii ay Dagaal Oogayaashu ay isku fikrad wada noqdeen loogu baahday in
dadyow kale oo naga tarbiyad duwan ay na dhex-dhexaadiyaan oo arrimahayaga
nagala taliyaan. Waayo qof waliba wuxuu aaminsan yahay oo lagu soo koriyey
wax iska caabin, iska celin, isla weyni, cay, dacaayadayn iwm. mana jirto isu
tanaasul, isxaqdhowr, u mahad celin, xaq darro iska ilaalin iyo iskaraameyn.
Waxaa kaloo ka sii daran markii aanu fikradihii maskaxdayada ka buuxay aanu
la tagnay dunida shisheeye oo aanu la yaabnay sida ay carruurtoodu uga duwan
tahay kuwaanu wadanay ama aanu halkaas ku dhalnay iyo sida dadkii waaweynaa
ee halkaas tegay ay u dooneen inay adeegsadaan wixii lagu soo barbaariyey oo
aan ka soconayn wadamada qurbaha. Tusaale ahaan Waxaa ka mid ah in qaar
Soomaalida ka mid ahi ay tarbiyadii ku saleysnayd dagaalka, cayda iyo iska
caabinta u adeegsadeen walaalahood si ay maqaam sare ugu gaadhaan, loo arko
inay ilbax yihiin, inay aqoonyahano yihiin ama inay ku soo caan baxaan!
Fears over US hawala crackdown
BBC News, UK - Feb 6, 2004
... of the 11 September 2001 attacks, US authorities had closed
down al-Barakat - the
Somali hawala group they claimed was funding al-Qaeda. However, as
Somalia ... |
Somalis call man's death a hate
crime
[25/10/01]
Friends describe Ali Ali as a gentle man who enjoyed helping other
Somalis with their English.
He was 66 and lived with his wife and grown children in Minneapolis.
He was proud of becoming a new American citizen just last month.
He was waiting for a bus on a Sunday afternoon when he was attacked and
beaten unconscious 11 days ago.
...His friends, family and many in the Twin Cities Somali community say
Ali was attacked because he was a Somali [Pioneerpress 01-10-25]
Halkan eeg..... |
Waxaa sanadkii 2001 bishii Oktoobar 14-keedii ay maqaal aad
u xun oo ku sheegaya inay gabdhaha Soomaaliyeed dahabkooda u iibiyaan
Argagaxisada ku soo qortay joornaalka Start Tribune ee ka soo baxa magaalada
Minneapolis Gabadha isu bixisay Gudoomiyaha Gabdhaha Soomaaliyeed ee Gobolka
Minnesota ee la yiraahdo Amaal Yusuf(Amaal Goday). Sitimaan ka dib waxaa isla
magaaladaas lagu dilay Allaha u naxariistee Saaxiibkey aabihiis Ali Warsame.
Ka akhri maqaalkaas
Waxaan rumeysnahay in ilmaha yari wixii loo sheego oo lagu
ababiyo uu ku koro, barbaaro, hana qaado hadhowna uu dib ugula soo noqdo
bulshadiisa ama tuu la degaan noqdo. Waxaan halkan ku soo bandhigayaa sida uu
Ajigu uu ugu sheekeeyo carruurtiisa yar-yar iyagoo moodaya inay barayaan
tacliin, ama wax akhris iyo wax qorid. Sheekooyinkaas xambaarsan sarreynta,
takoorida iyo islaweynida oo lagu bahdilayo dad walaalaheen ah oo aanu ugu
sheekeynay carruurteenii ayaa inta ay carruurtii oo caga waaweyn nagula soo
noqdeen maanta meel walba na hortaagan oo noo diiday jiif iyo joogba!
SHEEKOOY... SHEEKO
....SHEEKO XARIIR
Beri baa waxaa safray nin Midgaan ah iyo naag uu qabay oo
wadatay ilmo yar. Waxay socdaanba, waxay socdaanba, markay daaleen ayaa
ninkii Midgaanka ahaa wuxuu naagtiisii ku yidhi: “Naa ilmaha yar ma wadwadi
karnee halkan noo dhig waa u soo noqonanaaye”.
Naagtii baa Ninkeedii ugu jawaabtay:”Aanu u soo noqono ma
xumee, sidee baanu hadhow u soo garananaa meeshan” markaasuu yidhi;”Alla ku
dulee, Naa bal eeg dayaxa! Dayaxu wuxuu ku aadan yahay meeshan aanu ilmaha
kaga tagano oo waa Cidh Badh, Dhul Badh!” Naagtiisii intay qososhay bay tidhi
waa runtaaye dayaxaa kala badhkii ah oo hadhow markaanu muraadkayaga soo
dhameysano dayaxa uun baan kor u eeganaa si aanu u ogaano meesha aanu uga
tagany ilmahayagii! Alla Caqli badanidaa!
Markay soo laabteen bay cirka eegeen mise meel walba dayaxu
wuxuu ku yahay CIDH BADH, DHUL BADH! Cajaaib, waar waa maxay mashaakil kani!
Ogow marka sheekadan iyo kuwa la midka ah laga sheekeynayo
Ajigu afka dhinac buu u leexiyaa, hadal aad daciif u ah oo caloosha ka soo
baxaya, ilmaha Ajigana tusaya hooseynta iyo dadnima xumada Midgaanka ayaa
lagu sheegaa.Ilmaha yari ee maskaxdiisu furan tahay si aad ah buu u xiiseeyaa
isagoo afka la qaloocinaya, madaxa la dhaqaajinaya waalidkii, sameynayana
waxa waalidku marba sameeyo. Waxa uu ka kororsaday casharkaa xiisaha leh ee
waalidku u akhriyey kama go’o oo wuxuu aaminayaa in Midgaanku yahay wax aan
naf lahayn oo laga fiican yahay!
SHEEKOOY.... SHEEKO.... SHEEKO XARIIR
Beri baa nin Midgaan ah iyo naagtiisu wada sheekeysteen.
Ninkiibaa wuxuu ku yidhi naagtiisii: “Naa heedhe Gubadkaan gubi doono,
Gorayga cuni doona, Gamuunkaan ku ganayaaye, heedhe Gorayga badhidiisa cab”.
Markaasay tidhi islaantiisii: “Waar adigaa Ganayee Cab. Markaasuu yidhi: “Naa
adigaa dhalayee Cab” markaasay tidhi; “ Waar adigaa Ganayee cab”. Markaasuu
inta xanaaqay bahal gamuun ah ku sii daayey oo yidhi : “ Hadal iyo Ilaaq
badanaa, may iska cabto subaga iyadaaba dhalasee oo dhibaateysane!”
La soco xaalada afka iyo hadalku waa sidii aanu kor ku soo
sheegnay, ilmaha yar ee Ajiga ahi waxay u noqdaan sheekooyinkani kuwa aan ka
go’in maskaxdiisa, markuu weynaadana ku dhalisa isla weyni, takoorid iyo inuu
sidii loogu sheekeyn jirey afka u qaloociyo oo uu isna ilmihiisa ugu
sheekeeyo kadibna jiilba jiil ay u sii akhriyaan!
SHEEKOOY.... SHEEKOY .... SHEEKO XARIIR
Odaygii laga soo wada farcamay ayaa la dardaarmay
labadiisii wiil. Wuxuuna ku yidhi: “Aabe haddii uu safarku idinku dheeraado
ood nafta u yaabtaan cuna bakhtiga oo nafta ku celiya diintaa idiin fasaxdaye,
laakiin markii meel muslim joogo aad timaadaan iska matajiya”
Madhibaan iyo Ajji
C/waaxid
AJIGU WAA GOB SABTUNA WAA GUN !!!!!
Eelay...
Aji: Wiilkeygow ma ciil sokeeyaa ku
haya mise ciddida hoosteedaa lagaa hayaa!!!!
Eelay... |
Labadii wiil bakhtigii baa la ruugay markii reer loo
yimidna mid baa is xalaaleeyey, kii kalena xaaraantiisii buu qarsaday! Markii
la soo noqday baa odaygii loo baratamay loona sheegay in mid iyaga ka mid ahi
uu aad uga dhergay bakhtigii isna matajin! Odaygii baa ku dhaartay inuusan
awlaadiisa ahayn oo uu meel gooniya ka dego si nijaasadiisa uusan reerka
ugula soo galgalan. Waa la gooyey isaga iyo dhashiisa, ilaa maantana sidaasaa
loo takooray oo aysan u soo dhexgeli karin, ka guursan karin, la loolami
karin oo ay uga hooseeyaan walaalahood la dhashay oo bakhtiga ay wada cuneen!
Khuraafaadka Ajigu ugu sheekeeyo ilmaha yar ama uu sida aan
gabashada lahayn uga qayliyo jidadka waxaa ka mid ah in uu dadka jareerta ah
ku yiraahdo: “ilmahoodu waa ooyaan marka ay timuhu u soo baxayaan” iyagoo
abuurka Eebe wax ka sheegaya: “ Waaryee labada maqsin mid iga kiree”, waxay
ku leeyihiin Reer Xamarku(Gibil Cadku) waa kudaafad ku nool oo iyaga iyo
qashinka iyo wasakhdu way isu xiisaan!
Marka la arko dabeeyl ama duufaan soo socota waxaa ay qaar
ka mid ah carruurta Ajigu ku qayliyaan: “Faryara bidix, Futa Hawiye”. Waxay
qoowmiyadaha carruurtani ka dhalatay aaminsan yihiin in dabeyshu leexanayso
amaba baaba’ayso haddii sidaa la yiraahdo, carruurtoodana sidaasay u baraan.
Waxaan filayaa in meelo badan oo dunida ka mid ah oo ay duufaanadu dhibeen ay
la’yihiin wax ka joojiya dabeylahaa! Waxaad maqlasaa Ajiga oo isku caayaya
kaasi Waa futa madoobe oo sayn (dabo, dub) dheer buu leeyahay, ama wuu cas
yahay oo wuu qurux badan yahay sidaa daraadeed qabiilkaas ma noqon karo --markuu
noqdayna lagu andacoodo anagaa dhalnay oo halkaasuu quruxda ka keenay!
Waxaad maqlasaa waa Afar Qooble oo habeenkii buu waraabe
noqdaa! Waa San ka dhuudhi Garam-garam ah oo tuugsada! Waa Daba Rogoto! Waa
Walaweyn! Waa Cagdheer! Waa Khaldaan Wiiq/Wiif! Waa…….! Waa…..!
Akhristow khuraafaadkaas iyo sheeko xariiradaas lagu
abuurayo maskaxda ilmaha yar waxay ku reebeysaa raad weyn qalbigiisa,
dareenkiisa iyo dad la dhaqankiisa oo aan hadhow laga tirtiri karin. Waxayna
sheekadii afka laga sheegay la kortaa maskaxda ilmaha yar waxayna hadhow
bulshada dib ugu soo noqota sheekadiiyoo wadata midi, budh, qori,
baasuuke,qalin, dacaayad iyo cadaawad oo aan layska celin Karin!