Waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho aakhirkii usbuucaan
14-16/01/04 Muxaadarooyin kala duwan oo ka dhacay 27 xarumood oo ku kala yaal
degmooyinka: Xamar wayne, Shangaani, Shibbis, Kaaraan, Yaaqshiid, Wardhiigley,
Hawlwadaag, Hodon, Waabari, wadajir & Huruwaada cusub.
Duruusta goobahaas laga jeediyay waxaa ka mid ahaa:
Walaalnimada Islaamka, Isu kaashiga khayrka, Iswaafajinta waajibaadka guud &
kuwa gaar ahaaneed ee haweenka, Tawbadda, Xaaraanimada dhiigga muslimka,
maalkiisa & sharaftiisa, Ku han waynaanta khayrka, Barashada Cilmiga, Dacwada,
& Sarraynta Islaamka. Waxaa intaa dheeraa Muxaadarooyinkii usbuucii hore oo
culimadu ka soo jeediyeen goobo kale.
Waxaa ka qayb qaatay jeedinta Muxaadarooyinkaan culimo &
ducaad ay ka mid yihiin: Sh. C/laahi Maxamuud Ciise, Sh. Xasan Daahir, Sh.
Maxamed Yaasiin, Sh. Axmed Bile Xasan, Sh. Maxamuud Macallin Nuur, Sh. C/laahi
Hiiraan, Sh. Sahal cali Axmed, Sh. C/raxmaan Xaashi, Sh. Muxyadiin Maxamuud,
Sh. C/casiis cali Axmed, Sh. Axmed Cabdi iyo culimo kale. Muxaadarooyinkaan
oo qayb ka ah olole dacwadeed oo socon doona seddex bilood ayaa dadwaynaha
reer Muqdisho si wayn ugu riyaaqeen ugana qayb qaateen, waxaana muuqata in
dadwaynuhu aad u tabayeen cid daboosha baahidaan, iyadoo ololahaani si
habaysan ugu baahayo magaalada ayaa waxaa isa soo taraya dalabaadka ka
imaanaya degmooyinka & xaafadaha aan ololahaani wali gaarin.
Waxaa xusid mudan in dadwaynuhu si xilkasnimo leh uga
qayb qaadanayaan barashada diinta & fidinteeda, waxaa kale oo soo if baxaya
kalsoonida dadwaynuhu ku qabaan in islaamku yahay kan kaliya ee xallin kara
mashaakilka haysta, taasoo culimada culays ku saaraysa inay labanlaabaan
dadaalkooda ku aaddan badbaadinta ummadda & samatabixinteeda.
Xafiiska Dacwada & Tarbiyada ee Soomaaliya oo soo qaban
qaabiayay ololahaan dacwadeed ayaa qorshaynaya sidii ololaha noocaan ah loogu
baahin lahaa dalka oo dhan, wuxuuna ugu baaqayaa dadwaynaha Soomaaliyeed
culimo & caamaba inay isu kaashadaan khayrka & ka hortagga xumaanta.
Xafiiska Dacwada iyo
Tarbiyada ee Soomaaliya:
dacwah@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 17, 2004
Olole Dacwadeed
oo ka Bilowday Muqdisho
Ujeeddooyinka Ololahaan waxaa ka mid ah: In la
Dardargaliyo dacwada magaaladaan Muqdisho & agagaarkeeda, in
Guji 10/1
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....