Ciraaq oo waagii hore loo yaqaanay Mesobotamiya, waa
hoygii xadaaradda quruumha koonka ku nool ,magaalada Baqdaad waxay ahaan
jirtay caasimadda islaamka siiba qarnigii 9aad, sidaasoo tahayna waxaad wali
ku arkaysaa calamadihii jaahiliyadda ee kala qoqobidda baniidamka oo ayadoo
laga joogo in kabadan 15qarni soo ifbixitaankii diinta islaamka eemuqadiska
ah ayaa wali waxaa dalka ciraaq aad ku arkaysaa kalmadaha ku dhisan
cusuriyadda iyo haybsooca dadka lakala haybsooco.
Waxaan ka hadlaynaa taariikhda dadka lagu magacaabo ZINJ, ciraaqiyiintuna ku
haybsoocaan kelmadda Cabiid(adoon),waxaan umalaynayaa in maskaxdaadu ku soo
dhacayso halkay iska shabahaan kelmaddahaas ay isticmaalaan ciraaqiyiintu
amase guud ahaan mandiqadda bariga dhexe iyo kelmadaha ay soomaalidu ku
isticmaalaan dadka qaarkii oo ay ku jirto islawayni iyo cunsirayad.
Taariikhda dadka ZINJ
Qarnigii 9aad magaalada basra oo ku taal koofurt dalka Ciraaq waxay ahayd
haddana wali tahayba waddo muhiim u ah ganacsiga lagana galo gacanka loo
yaqaan persion Gulf, waagaas halkaas waxaa looga baahday shaqaale lagu falo
beeraha soo saara waxyaabaha halkaas laga dhoofinjiray, markaas
hogaamiyaashii carabtu waxay usafreen wadamada bariga Afrika sida Moombasa oo
ah xeebta Kenya, Sudaan, Tansaaniya, Malawi iyo jasiiradda Sanisibaar oo
caribiga lagu yiraahdo Zinjibar,waa halkaas meesha dadka lagu magacabo Zinj
ay kelmadu kasoo jeedo. carabtu waxay dadkii halkaas kasoo wateen sidii waxay
leeyihiin oo waxay unoqden adoomo ama Slaves, waxaana lagu guri jaray dhirtii
laga ganacsan jiray.Isla qarnigaa 9aad markii ay baqdaad ahayd caasimadda
aduunka muslimka waxaa jirtay in dad badan laga keenay bariga afrika oo ay
noqden Ciidan,waxaa taarikhyahanadu sheegaan in xitaa dadka loo yaqaan
Turks,la cabiidsan jiray,dadka tariikhyahanada ah waxay sheegaan in
muslimiintii Baqdaad ay dadka fari jirtay inayan diintu ogolayn is adoonsi oo
xagga ilaahay ummaddu isku mid tahay taasoo usuura galisay caruurtii ku
dhalatay halkaas inaan la adoonsan sidii ka dhici jirtay dalka maraykanka .
Inkastoo culimada diintu ay bari jireen dadka in xaaraan tahay qof muslina
inuu qof muslina iska sareysiiyo, haddana ilaa qarnigii 19aad waa 1000 sano
kadib is adoonsigu waa ka jiray dalka Ciraaq,oo kunkaa sano ciraaqiyiinta
xoogaa kayara khafiifsan xagga dubka kuwa ka yimid bariga afrika way iska
sarayn jireen waxay u ahaayeen khaadimiin ushaqeeya. inkastoo qarnigii 19aad
uu ka istaagay ka ganacsiga dadka laga keeno bariga Afrika haddana waxaa ilaa
iyo maanta ka jira hayb sooc iyo cunsuriyad lagu hayo dadka madowga ee ka soo
jeeda Afrika, waxaana ay sheegaan dadka loo yaqaan Zinji in 35kii sano ee uu
xukunka Bacath ka jiray dalka ciraaq garwadeenna ka ahaa Saddam Xuseen ay ka
nasteen dibindaabyo iyo qoqobid badan waxay sheegeen inuu Saddaam layn jiray
kuwii uu khatar u arko xukunkiisa maadaama ay Zinj,xagga siyaasadda ka
aradnaayeen iyaga iyo Sadaam isma arki jirin,oo xitaa hadalada cunsiriyadda
wuu ka dagaalami jiray.
Tarwa Yusuf oo 43 sano jira diyaarinaysa hadda darajada cilmiga Ph.D,ayaa
tiri ilaa iyo markaan bilaabay iskuulka kalaaska kowaad,markasto oo aan kasoo
baxo dugsiga waxaa dhegtayda kusoo dhacaysay Cabiid(Addoonyahay),waxaan
marwalba oran jiray anoo xanaaqsan *Maxaad iigu yeeraysaan adoon,ilaahay
adoontiis baan ahay ee idinka adoon iniima ihin* laakiin markii dambe waa
iska qabatimay oo waxayba ii noqoty waxaan ku maadsado waayo qarinigii 21aad
ayaa dadka qaarkii ku jirta inay dad ka sareeyan.waxaa kaliya oo la ii
leeyahay Cabiid waa muuqaalkayga oo u eg dadka kasoo jeeda Afrika aad iyo aad
baana ugu qabweynahay inaan ahaado madow ,waxaa dhiganaa xafalado aan ku
xusno dhaqankii Afrikaanka ,waxaan samaynaa cayaaro iyo heeso aanu ku qaadno
luqadda Swahiliga iyo Carabi,waa dariiqadda aanu ku tusi karno ilmahayga inay
ku qabweynaadaan midabkooda qaaliga ah ee aan doorsoomin.
Cawaytif Sabty,oo 47 sano jira ahna dadka Zinj waxay ka sheekaysay sidii ay
dhibka uga soo martay goor wiil ay isjeclaadeen,wiilkaas oo ah dadka dubka
yara khafiifsan,waxay tiri hooyaday markaan usheegay arrintaas waxay tiri
maandhay qolodaan dhibkeeda naga daa oo orodoo waayi maysid wiil dub madow
howl iyo shido hanoo keenin ,waxay tiri Cawaytif,wiilkii waanu kala hari
waynay waxanuna goosanay inaan isguursano laakiin dagaal waxaa igala
horyimmid waalidkii oo ka caraysan falka wiilkooda oo ah micnuhu waxuu
guursaday Cabiidad(adoonad),waxayna iigu hanjabeen inay idilayaan hadayan ka
harin wiilkooda, laakiin calaf waa meeshiisee maanta waxanu isku leenahay
labo ilmood,wixii horay udhacayna waan ka bogsaday oo qoys dhisan oo maqsuud
laga yahay baanu nahay.reerkii wiilkana maanta anay dad iigu jecelyihiin
qaladkoogiina way iga raali galiyeen.
Hashim Faihan Jimca waa 78 sano jir waa dadka Zinjga wax soo gala ma jiro
waligii shaqooyinka liita ayuu ka shaqayn jiray waxuuna haddana la rafanayaa
xaaskiisa oo jiran laguna magacaabo Dawla shamyaan oo 68sano jirta waxaana
laga qalay kaadi haysta waxuuna yiri dawooyinkii waan awoodi waayay lacag aan
kugato,waagii hore waxaan ku kulmi jirnay xafladaha aanu ku xusno dhaqanka
Afrikaanka halkaasoo kii liita wax loogu qaaraami jiray laakiin sidii ay u
yimaadeen xulufada maraykanku xafladihii waa istaageen oo kulan warkii daa,
qofwaliba baqdin ayuu buulkiisa hoosta kagalay, aniga wax soo saar malihi oo
waan duqoobay ayuu ku calaacalay Hashimi.
Afrika meelay ku taal ma aqaan laakiin waxaan ogahay dadkayaga loo yaqan
cabiid aanu ka soo jeedno halkaas, maanta dadku waa isku milmay oo waxaad
arkaysaa dadka isku yaqan xoriyiin iyo kuwayga abdiidiinta ahoo isguursday
deedna midab dhexdhexaad ah soo baxay,caruurtayda qaar badan ayaa kala
guursay cabiid iyo xoriyiin qof midab ku xiran ma jiro laakiin kaayaga ayaa
fiican ayuu yiri Hashimi.
Xaafadda Hakaka oo ka tirsan magaalada basra waxaa dowladda maraykanku ka
samaysay gole deegaan oo markii u horeysay lagu daray xubin dadka madow (ZINJ).bishii
ogosto 8da xubin ee ka jirtay xaafaddaas kulli waxay ahaayeen dadka dubka
khafiifsan(Xoriyiin).
Thawra Yusuf marka kasta waxay booqataa xaafadii ay ku dhalatay ee
hakaka,waxayna xirataa dharka ay caanka ku yihiin reer sansibaar,amase
baajunta Kismaayo waxayna ka qayb qaadataa xafladaha lagu bandhigo dhaqanka
reer bariga Afrika.waxay maanta qaadaysaa heesta loo yaqaan Dawa dawa oo
kelmad isugu jirta carabi iyo swahili.oo aanu qaadno markaan dadka la
dawaynayo(Ogow somalina waa dawo) waxaan saas u yeelnaa inaan ku xusuusano
meeshii ay ka yimaadeen awoowayaashay iyo ayeeyinkayo, waxaana leh xafaladaas
reer shatanga, waxay kaloo leeyihiin xafaladda loo yaqan Nouba taasoo ka soo
jeeda gobalka nubi ee dalka sudan, waxaan kaloo leenahay xaflad lagu qabto
markii murugo ama farxadi jirto sida aroosyada.
Thawra waxay tiri asalkaygu waxuu ka soo jeeda xeebta Mombasa ee dalka Kenya
awoowayaashay waxaa dalkan lagu keenay iyagoo gacmaha ka xiran oo la
adoonsado, qiyaastii qarnigii 19aad, hooyaday waxay khadimad u ahayd nin kuwa
dubka khafiifsan waana yaxyaxaa markaan xasuusto waxay arintaasi ku dhacdo
anagoo ku nool wadan qaniya haddana xadaarad wayn leh,waxaa dhici jirtay
ninka hooyaday ushaqayso wiilkiisa haduu isku kay soo tuuro ama wax igu
dhufto war iga joog ma oran karin oo xitaa awood uma lahayn inaan iska
riixo.waa ooyaa markaan dhacdooyinka xasuusto.
waxaana igu qalqaaliyay inaan waxbarto eedaday oo i tiri horta hadaanu nahay
dadka dubka madow maxaan u heesnaa u ciyaarnaa kaliya, taga oo wax
barta,waana taas midda ii horseeday inaan waxbarashada ka gaadho dhawaan PhD.
waxaana wadaa baaritaan ku saabsan dadka lahaybsooco ee dalkan ciraaq.
Waxaad moodaa hadalada cunsiriyadda ku jira oo ay isticmaalaan dadka
soomaalidu inuu salka ku hayo Cunsuriyad kasoo gudubtay wadamada bariga dhexe
sida ciraaq oo kale.
Taariikhyahanadu way isku khilaafsan yihiin sababta Somaalidu uga badbaaday
ka ganacsiga dadka, qaar waxay leeyihiin soomaalida waa dad xayeeysi ah oo
aan xoog lahayn marka kuwa dadka ka ganacsan jiray waxay raadinayeen dad xoog
wayn oo xamaali kara alaabooyin culus amase fali kara beero waawayn.
Qaarna waxay leeyihii Soomaalidu waa dad dagaalyahaniina isla markaan dhaqan
adag leh oo aan sinaba loo khiyaamayn karin caaqiladooda, waayo kuwa ka
ganacsada dadka waxay samayn jireen intay u yimaadeen cheifka Caaqilka
degmada ayay u kenaan tubaako iyo waxoogaa laaluusha oo oran jiren noo soo
qaqabo dadka dhalinta yar ee xoogga leh, balse kuwa soomaalidu kaabo qabiilka
xitaa haduu yeelo waxaa dili jiray toliis.
Waxkastoo jiray waa arrin cajib Mombasa oo dadka
sidii xoolaha laga rarayo Kismaayo oo ku dhegana aan la imaan karin.
Waxaa soo diyaariyay
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 19, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....