SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA

Janaayo 19, 2004

Maxaa ka Jira Qorsha Shirkadda Dahabshiil Ka Hirgalinayso Wadankii Oo Ah Barnaamij Loo Isticmaalayo Gaas-ta Naqas-ka ah gawaadhida & warshadaha ? waraysi ..sacad Jama.

abdiaziz ahmed 
abdiaziz2@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka

»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]

Madaxweyne Bush oo si Taxadar leh u Bilaabay Xifdinta
qudbo sanadeedka laga rabo inuu congress-ka Maraykanka u jeediyo habeenka talaadada ee 20ka January
Guji...

Shirkadda Caanka ah Ee Dahabshiil Oo Aduunka Ku leh Wakiilo kala Duwan oo Shirkaadaasi U qaabilsan Arrimaheeda Ganacsi ayaan isku Dayay Inaan wax ka Ogaado Barnaamij Balaadhan oo Shirkaddaasi ay Ku Doonayso Qorshe lagaga Maarmayo Isticmaalka Batrool-ka Iyo Naafatadda Iyadoo Gawaadhida iyo Warshaddaha loo isticmaalayo  aalad Awood U leh in Gaadhiga Mashiinkiisa Ama Warshada Mashiinkeeda u Badalayo In uu Gaadhigu ku Shaqeeyo Gaas-ga Naqas-ka Ah Iyaddoo Mashiinka Aan waxba laga Badalahayn .

Hadaba Barnaamjkan oo laga Hirgaliyay Dalka Hindiya Sanadihii la Soo Dhaafay Ayaa Saynis-yahanadda Dajiyay Barnaamijkani ay ku tilmaameen Mid wax ku Oola Maadama Lagaga Maarmayo Baatrool-kii iyo Naafatadda ay Hindiya Ku Bixin Jirtay Balaayiin Dollar, Iyadoo Hindiya lacagtii Dibadda kaga Bixi Jirtay ay u Baaqatay 80%.

Barnaamijkan oo laga Hirgaliyay Labada gobol ee Ugu Dadka Badan Hindiaya, Sida Utra Pradesh, Delhi iyo Maharshtra Oo Caasimadd u ah Magaaladda Ganacsi Ee Mumbai.. ayaad ku Arki kartaa in Gaadhiga Taxi-ga ahi uu 15kii Cisho uu ku Shaqaynayo Gaas-taas oo ah 10 kg oo qiimaheedu Dhan yahay Afar Dollar..

Hadaba Barnaamijkan oo Faa,iido u leh Dalka ..ayaa lagaga Maarmayaa Baatroolka Iyo Naafatadda oo lacag badan ay kaga Bixi Jirtay Dadweynaha …hadaba iyaddoo Aanu maqalnay warar Sheegaya in Shirkaddaas wakiilkeeda Maharshtra Ee Dalka Hindiya in uu ku hawlan yahay Barnaamijkaa in laga Hirgaliyo Dalkii.

Hadaba Waraysi Aan Maanta Ugu Tagay Wakiilka Ganacsi ee Shirkaddaas ee maharshtra Sacad Jama Ahna Arday wax ka barta Machad-ka Caanka ah ee Institute of Hardware Networking and research of New Technology Pune.india

Ayaan wax ka waydiiyay waxa ka Jira Baraamij-kan oo ah mid Aad u balaadhan oo Malaayin Dollar ku Baxayaan Sida ay uga hirgalinayaan Dalkii Haddii ay jirto Arrintani.

Waxa uu ku jawaabay Sidan:-

Bismilaah. horta arrinkan muddo ayaanu ka shaqeynaynay waxaanuna cilmi baaris ku samaynay faaiidada ay leedahay isticmaalka gaastu iyo khasaaraheeda, waxa aanu la kulanay Shirkaddaha soo saara aaladan gaadhiga lagu xidhayo ee suura galinaya in uu gaadhigu si fiican ugu shaqeeyo gaasta iyadoo waliba markii la doonana uu ku shaqaynayo batroolkii. waxay noo sheegeen in aanu wax dhibaata ah amaba qarax ah aanay keenayn isticmaalka gaaska loo isticmaalayo gawaadhida iyo warshadaha xitaa hadii ay gaadhiga gaadhi kale isduqeeyaan ,waayo bay yidhaahdeen waxa qaraxa joo jinaya aalada (ama device kan) gaadhiga lagu xidhayo. waayo hidnida ayaa ah wadanka aduunka ugu shilka kabadan hadana wax qarax ma keento gaastu oo Adiguba waa Ogtahay..

Ok hadaba markaanu ogaanay faiidada dhaqaale ay keeni karto arrinkan oo laga hirgeliyo wadankii ayaanu u bandhignay Ninka mid ah Maamulka Sare Ee shirkadda mr xirsi cali x.xasan, laakiin ilaa hadda Shirkaddu go,aan kama Gaadhin Arrinkan…waxaanay ku jiraan taladeeda.

Arintan ayaan wax khasaare ah ku keeneyn dadkii batroolka soo dejinjiray waayo waxay ka qaybqaadan doonaan soo dejinta gaaska ,hadii tijaabada hore hirgasho oo ay shirkadu ku dhiirato arinkan waxaana lagaadhsiin doonaa wadamo badan oo Bariga Africa Ku yaal. taasi oo Faa,iido u leh Dhaqaalaha Dalka iyo wadamadaasba.

Su,aal:- sacad Shirkadda Dahabshiil waa Shirkadd Aad u balaadhan Adiguna waxaad ka Mid tahay wakiiladeeda Hindiya ay ku leedahay ama Aduunka Kalaba Kolkaa Maadma Aad ka Mid tahay Ragga Hawshan Fikradeeda leh ee imikana ku mashquulsan ..Miyaanadd ka fikirin in Hawsha Baaxadaa leh ee aynu ogayn in saynisyahano badan oo hindiyi Muddo ku hawlanaayeen in aad si fudud ku hirgalin doontaan?

Jawaab;- Horta arinkan waa wax la ikhtiraacay hirggalinteeduna maaha wax adag waayo waxaanu iibsanaynaa shay samaysan oo rakibid uun u baahan gaaskana waxa laga soo iibinayaa meelkasta oo laga helikaro sida Dubai, Saudi Arabia, Ethiopia, Yemen, Qatar, kolkaa shayga dhibta ugu weyn waxa lakulmay ragii ikhtiraacay aaladan, balse dadka iibsanaya dhib kuma hayso oo way isticmaalayaan uun…qofkuna gaadhigiisa baatroolna waa ka dhigi karaa Gaasna wuu ka dhigi karaa walaw ay hindiya gobolada Qaar ay dawladu khasab kaga dhigtay in uu gaadhigu gaas ku shaqeeyo waayo waxay yidhaahdeen booliishanka ayaanu yaraynaynaa.

Waxaa waraysigan qaaday:

abdiaziz

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

India 


SomaliTalk.com | Jan 19, 2004

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....
 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD