Janaayo 19, 2004
RIYAALE....IYO RIYADIISA
asad asad
addiin@hotmail.com
Asalaamu alaikum,
salaan ka dib, waxaan aad iyo aad uga murugeysnahay xaalada aan deganayn
ee ka soo koradhay Sool taas oo dabkeedu rabbi ha inaga hayee haddii uu
shidmo uu noqon doono mid dabkiisu meel walba taabto inta ugu horeynaysa ee
uu gubi doonaana Insha-Allaahu waa kuwa soo huriyey dabkaas ee u malabsanaya
dhiig dad muslim ah oo nabad ku degan, kuwaas oo diidan dadkaas in
ikhtiyaarkooda iyo iraadadooda ay ku sameeyaan waxii ay maslaxadooda moodaan.
Aniga oo ah nin rumaysan ku dhaqanka diinteena Islaamka, saas darteedna aan
rabin in dulmi iyo gardaro loo geysanayo in uu dulmi iyo denbi kale ku celiyo
iyo in ka badan wax dulmigaas ka celin kara. Waxaan leeyahay Dulmi oo dhan
anoo ka soo horjeeda mid muslim iyo bani'aadam lagu sameeyo daaye xataa in
xayawaanka iyo xasharaadka la dulmiyo anoo ka soo horjeeda sida diinteenu in
farayso, qabyaalad iyo isugu faankeedna aniga oo ka kufriyay, jecelna oo raba
in cadaaladu iyo xaqa qof walba Allah siiyey in uu helo, garabna taagan midka
madluumka meel walba oo uu joogo iyo cid walba oo uu yahay. Waxaa ii cuntami
wayday oo aanan u dulqaadan karin Hadallada qarriban iyo urka qudhmuun ee ay
sido dabaysha ka soo horeysa gulufka colaadeed ee Hargeysa laga soo
abaabulayo . Waxaan aad ula yaabanahay caqliga iyo fikirka liita ay
xambaarsan yihiin cidda Hargeysa ka arrimisaa . Sool oo reer Sool deganyahay
meeshii rabbigood ku uumay oo ay ku tarmeena ay tahay.
1. Sidee Su'aal looga keeni kara haddii sida jirta ay aqlabiyada dadka
reer sool ku qanacsanyihiin in maamulka puntland -ee ay xorriyadooda kaga
midyihiin dad qaraabo, ehelnimo iyo dhiig uu ka dhexeeyona ay wadaagaan
maamulkaas-uu nidaam iyo kala danbayn ku sameeyo dhulkooda siyaasadii uu
doonoba ha ka watee? midaasi waa mid aan la yaabanahay
2. Sidee caada qaatee, calooshii la cayaar, dhuuni raac, saqajaan, sacsac
ú shaxaad tagay Hargeysa oo hunguri qaaday uu u afduubi kara oo in uu kufsado
isagu dayi kara iraadada iyo rabitaanka shacabka reer Sool iyo Sanaag?Sidee
sheegashada qolo dulmi doon ahi ay uga dhigi karaan mid xaq ah oo ay ugu
gargaarayaan shacab lagu soo duulay!!!!!!!!? taasina waa mid i gali la' oo
maskaxdayda ka daadegi la'
3. Sidee maanta ummad xor ah dib loogu celin karaa oo
loogu sunti kara Summad iyo kala qoqob iyo kala qaybin- taas oo ku salaysan
fikrad Ibliisi ah oo kii ay ka timi uu uga gol lahaa guumeysinimo daa'inta
haseyeeshee aan muuqan- waa hore guumeysta Gaal nijaas ahi uu ku samaystay
ummad la guumeysanayey? Sidee arrinkaas uu u noqon karaa shay muqadas ah oo
dhiig muslim dartii loo daadiyo?
Waxa uu oo Mr. Ri'yaale-( Magac fantastic ah buuba
leeyahay oo malaha marka dhawr siyood loo dhigaba sawir kaa siinaya waxa uu
yahay xayawaanka lihi. Bal aan siyaabahaa qaar ka mid ah u dhigne a)haddii
aan u qoro oo u niraahno sidan Ri'yaale macnuhu waxuu noqonaya neef xoolo ah
oo meel uu ka yimi aan la garanayn baadi ah. b) Marna hadaan sidaan u
dhigno RIYAALE waxuu macnuhu noqonayaa oo loo fasiri karaa Shakhsi Riyoonaya
oo riyo badan kuna nool nolol khiyaali ah oo riyo riyo ah waaqaca jirana ay
is moog yihiin. C) markaan saan u dhigno oo u fasirnona RIYAALEH macnihiisu
waxuu noqonaya shakhsi lacag caabud ah oo lacag madaxmartay oo bahashaasi
diin u tahay iyada darteedna wax walba u samayn waayo RIYAAL waxaa la
yiraahdaa magaca lacag lagu isticmaalo wadamo badan oo carab ah wadamadaas oo
soomaalidu la leedahay xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh.) Haddaba
intaas aan ku dhaafee fahanka Magaca noolahaas oo aad oran karto dhinaca aad
u rogtoba Allaylahe waa ISMUN CALAL MUSAMAA. Haddaba Waxa RI'YAALE iyo inta
la riyoonaysaa wadaan waa sharaf ka qaad iyo gumeyn dad muslim ah oo xor ah
oo aan weligood la gumeyn gunnimina aan raali weligood ka noqon. Waxaa uu
wada waa gumeysi cusub dadka uu ku wadaana waa dad gumeysi diid ku caan baxay
guulna ka soo hooyey ilaahay mahadii markay geeska is dareen guumeystayaashii
ugu xooga iyo magaca weynaa ee taariikhda aduunka soo maray. Iskaba dhaaf in
ay aqbalaan mid noole baadi ah ahi uu ku riyoonayo'e.
Haddaba gebegabadii gardaro rabbi ma guuleeyo'e waxaan khiyaaliga iyo
riyada ah ee dadku nafahooda ugu sheekaynayaan ha iska dhaafaanoo rabbigood
ha u noqdaan.........shaydaanka riyadaas xun tusayana hayska naareen sadex
jeerna ha candhuufeeyeen candhuuf garabkooda bidix ay ku tufayaan sidii uu
yiri Suubanaheena rasuullku S.C.W.
Cidii la soo gardaraystana waxaan leeyahay ku shahiid naftaada iyo
hantidaada Hororka waalan ee miyirka aan qabani maydkiisa wadha.
wasalaamu calaykum.
asad asad
addiin@hotmail.com
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
SomaliTalk.com | Jan 19, 2004
Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaar ah qoraag aku saxiixan
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|