SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOMALILAND LA XAAJOON MAYSO CIDNA ILAA INTA AY SHUFTADU KA BAXAYSO LAAS CANOOD

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

 


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

QORAALKII SHAAFICI:
Qoraalka uu Ilyaas idiin soo diray ma aha midkii uu hore ugu jawaabey oo inta Internetka lagu baahiyey haddana laga saaray ee waa mid uu qoray markii uu akhriyey "Farxad iyo Faa'iido" ka dib! Sidaas awgeed waxaad tihiin dad aad si xayi ah u noolayn ee nolol qunjuraaf ah ku jira. Dadka kartida lihi sidaas liidnimada ah dadka ulama ay dagaalaan ee si xayi ah bay cadkooda u goostaan.

Maxaa idiin diidey in aad qoraalkii hore ee Ilyaas ku qortaan meesha aad dhigteen midkii uu xalay qoray? Midda kale yaa idiin oggolaaday in aad tuurtaan qaar ammaanadii aan idiin soo diray ka mid ah gaalo yahay! Waxba la igagama qaadi karo in sida dawacadii la iila dhaqmo, waayo waxaan ahay aar oo cidina daciifnimo wax igagama qaadi karto. Laba xaniiyood baa inoo dhex ah!

Shaafici
mi99mosh@chl.chalmers.se

Jawaabtii SomaliTalk:

Ugu horayn qoraalkaaga hore waxaan u daabaci weyney wuxuu ahaa qoraal aan waafaqsanayn anshaxa qoraalada, waxaaan xaq u leenahay in aanaan daabicin wixii aan waafaqsanayn xeerka qoraalada iyo shuruuradaha aan horay u faafinay, sida aad adiguba qirtay websiteyadii kuu daabacay waa masaxeen markay ogaadeen in qoraalkaasi uusan u cuntamayn anshaxa qoraalka.

Tankale waxaan xaq u leenahay qoraalka aan daabacayno in aan faafreeb ku samayno, wixii aan dadka u cuntamayna ma siideyno.

Qoraalka Ilyaas ee aad xustay asaga toos u weydii.

Xornimada saxaafadu ma ahan in wixii la doono la iska daabaco.

Tankale haddii aad tahay qof gari gasho, waxaan kaa rabnaa sababta aad ku tiri hadalkan: "gaalo yahay!". Haddii hadalkaaga anshaxa aan waafaqsanayn la diidey ma dadkaad diinta ka saaraysaa, maka saari karide.

(SomaliTalk | Amsterdam | Jan 17, 04)

We welcome all opinions but reserve the right to edit them.

Sida laga warqabo waxaa muddo afar todobaad ah ku sugan magaalada Laas canood ee xarunta Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland shufto ka amar qaadata hogaamiye Kooxeedka Cabdilaahi yuusuf yey, Shuftadaasi oo dhicitaan, boob, hitigaad iyo cagajuglayn badan ku haysa umadda dihin ee Reer Laas Canood ee dahabka ah waxay isku dayeen inay khaldaan karaamada shacabka Reer Sool, Hadaba qoraalo ku soo baxay bogaga isku magac dhaba Puntland oo la ii sheegay inuu leeyahay nin uu dhallay Keligii Taliya Cabdilaahi Yuusuf Yey ayaan jecelahay inaan tafaasiil dheeraad ah kaga bixiyo, sida lagu daabacay bogga internetka ee allpuntland.com dhawaan waxaa wasiir ku sheega warfaafinta ee keligii taliye Cabdilaahi Yuusuf baaq u jeediyeen Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah in meel dhexe la iskugu yimaado oo ah in la wada fadhiisto iyada oo shuftadaasi tacadi ku haysa shacabka Masaakiinta ah ee reer Sool hadaba waxaan jecelahay inaan qoraalkaasi jawaab ka bixiyo.

Laga soo bilaabo sannadkii 1960-kii ilaa maanta oo aynu ku jiro sannadkan 2004, waxaa shacabka iyo umadda reer Somaliland ogsoonyahiin xuduudaha caalamiga ah ee dalkooga, oo aan marnaba gorgortan la gelin karin, taasi macnaheedu waxay tahay in shacabka Reer Somaliland ay iskugu mid yahiin Hargeisa, Laas Canood, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Boorama, mid kastaana ay shacabka Somaliland ugu fadhido karaamadeeda iyo ixtiraamkeeda, cadawga ku soo xadgudbana loola macaamilayo si isku mid ah, iyada oo ay sidaa tahay ayaa beesha caalamku waxay garwaaqsatay Baaqii ka soo baxay golaha midnimada Afrika shirki ay ku yeesheen magaalada Addis ababa ee loogu gogol xaadhaayey yagleelida golaha cusub ee (OA), baaqaasi wuxuu u dhigna "Ka dib markii ay beesha afrika garwaaqsatay xuduudaha caalamiga ah ee qaramada Afrika waxaa ururka midnimada AFrika isla waafaqay in xuduudaha dawladaha afrika loo daayo sidii uu gumaysigu kaga tegay" taa macnaheedu waxay ka dhigantahay in qaranimada Somaliland ay salka ku hayso bartilmaameedyadii uu kaga tegay Protectorate kii Great Britain, taasi oo ku cad qaraarkii ay kala saxeexdeen golahii wasaaradda ee Somaliland iyo badhasaabkii boqortooyada ingiriiska sannadkii 1960-kii.

Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxaa aanu jecelahay in aanu usoo jeedino Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Maleeshiyadiisu inay ka baxdo magaalada Laas Canood si nabad ah dabadeedna Somaliland waxa keliya oo ay la hadli karta waxa weeyan dawlad Soomaaliyeed oo beelaha Soomaliya u wada dhanyahiin oo aanu la gorgortami doono hadday noqoto siyaasad, dhaqaale iyo mustaqbaleed, sida noogu cad qaraarka noo yaalla waxaanan la hadli doonin meelna la fadhiisan doonin hogaamiye kooxeed, danayste, iyo keligii taliye shacabka Soomaliya ee masaakiinta ah danbi ka gellay.

Dawladda Somaliland waxay mar walba soo dhawaynaysa helitaanka Dawlad Soomaliya leedahay oo u gaar ah oo Dawladda Somaliland la xaajooto, dawladaasi oo ka nadiif ah kooxaysi, qabiilaysi, iyo weliba danbiilayaashii dagaal ee dunuubta ka gallay shacabka Somaliland.

ma jiri doonto waxa wada hadal ah oo dawladda Somaliland la gelayso hogaamiye kooxeed iyo qabqable dagaal ha noqdo cabdilaahi yuusuf iyo koox kale intaba, Somaliland ma aqoonsana jiritaanka maamulada iyo hogaamiyayaasha iskood isku dhabbay ee ka jira Soomaliya taa macnaheeduna waxay tahay Somaliland lama gorgortami doonto cid aan ka ahayn waxay umadda Soomaliya u dhantahay.

Dawladda Somaliland waxay u aqoonsantahay falalka ka socda magaalada Laas Canood mid ay mooryaani ka danbayso, dawladda Somaliland na waxay keliya ku xallin karta laba arrimood oo ah in

1) Shuftadaasi soo geshay magaalada Laas Canood iyo xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland ay si bilaa shuruud ah uga baxaan dhamaan dhulkaasi

2) waxaa Shacabka iyo dawladda Somaliland xaq u leeyahiin inay isticmaalan awoodooda militery ee ilaahay siiyey kagana sifeeyan shuftadaasi.

Waxaanu jecelahay hadaanu nahay shacabka Somaliland daris wadaaga iyo horumarka mandaqadda Afrika, waxaanu jecelahay hanaanka dimuqradiyadda iyo furfurnaanta ganacsiga inuu ka hirgelo dhamaan mandaqadda beriga iyo geeska Afrika, waxaanu jecelahay in shuftada iyo argagixisada badda iyo barriga laga tirtiro dhamaan dhulka beriga iyo badhtamaha afrika waxaanu jecelahay iskaashi xoogleh oo aanu la samayno cid walba oo jecel wada noolaansha iyo daris wanaaga, waxaanu jecelahay in dhammaan beriga afrika laga dhigo goob nabadeed oo iskaashi ka dhexeeyo.

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO

Qore:  MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

     KARACHI, PAKISTAN
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 17, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD