SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Janaayo 24, 2004   , Nairobi.

Kulankii Shirweynaha ee Dhici lahaa Isniinta oo Hal maalin Dib u Dhacay iyo Hogaamiyayashii Laga Sugayey Xamar oo aan Weli Soo Gaarin Nairobi

  • Yuweri Musaveni :-Maalinta Isniinta waa maalinta.....
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Xirida Wajiga 2-aad ee shirweynaha Wadahadalada Soomaalida oo dib loo dhigay.

Kulanka Guud ee shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaalida ee Maalinta Isniinta ka dhici lahaa Safari Park hotel ee magaalada Nairobi ayaa dib u dhac ku yimid.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb gali lahaa Madxweynayaasha Dawlada ku bahoobey Urur Goboleedka IGAD ,Wakiilda Beesha Caalamka ee hay`adaha kala duwan ,Safiirada dawladaha yurub iyo kuwa Carab iyo Afrikaba iyadoo lagu xiri lahaa wajiga Labaad ee wadahadalada soomaalida uga socda dalka kenya 14-bilood ee la soo dhaafey.

Wajigan 2-aad ayaa ah wajiga ugu dhib badnaa ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo soo marey marxalado kala duwan.

Dib u dhaca kulanka ayaa waxaa sababey Madaxweynaha Yuwero Musaveni oo sheegay in maalinta Isniinta ku aadan tahay sanad guurada Maalinta uu xilka Madaxweyne ka qabtey dalka UGANDA, waxa uu Madaxweynaha Sheegay in uu kulankaasi uu dhici doono maalinta taalada oo ku beegan 27-bisha Janaayo,2004.

Madaxweyne Musaveni ayaa ah Giddoomiyaha Sanadkana ee Urur Goboleedka IGAD waxa uu ka codsadey dhamaan Hogaamiyayaasha Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed,dawlada IGAD iyo Dhamaan Beesha Caalamka in maalintaasi darteed looga ogolaado baaqashada Kulanka shirweynaha Wadahadalada Soomaalida uu dhici lahaa maalinta Isniinta.

Dhanka kale hogaamiyayaasha Soomaaliya ku maqan ayaa wali soo gaaarin magaalada Nairobi oo la filayey in yimadaan saakey ,lama ogo baaqashada hogaamiyayaashaasi oo lagu balansanaa in ay maalinta Isniinta ka qayb galaanka kulanka Guud ee shirweynaha oo looga gudbi rabo wajiga labaad ee wadahadalada Soomaalida ee ka socda dalka Kenya.


dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya. 

abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004
<><><>

WARAKII HORE EE SHIRKA

Heshiis Buuxa oo Lagu Gaaray Shirkii Soomaalidda
Waxaa lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo Guji... 23/1

Golaha Badbaadada Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Iyo Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta... Guji... 22/1/04

SOMALIA: Maadooyinka iyo Manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta: Waa dastuurka la isku raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Guji...

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

NAIROBI: Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey Somaliland iyo Puntland.. Guji 19/1

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD