|
Maxamed Dheere oo soo Kormeeray Dhammaan
Degmooyinka Gobolka Sh/Dhexe, Balcad mooye
Cabdi xasan Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Guddoomiyaha guddiga siyaasadda ee Gobalka
shabeelaha dhexe, Maxamedd Cumar Xabeeb(maxamed dheere)iyo wafdigii kala
yimmid shirka Nayroobi ayaa kormeer ku soo maray degmooyinka ay ka mid yihiin
Aden-yabaal, Cadale, Warshiikh iyo Mahaday, taasoo sida la sheegay si weyn
loogu soo dhaweeyay dhamaan meelihii ay booqdeen, waxaa kaloo warku inta ku
darayaa in ujeedada laga lahaa safarkaas uu ahaa in la tuso caalamka in
Maxamed dheere uu gacanta kuwada hayo dhammaan gobalka shabeelaha dhexe,
islamarkaana suurto gal noqon karto in shir lagu qabto magaalada jowhar
haddii uu burburo shirka hadda ka socda Magaalada nayroobi, waxaase wafdiga
maxamed dheere oo ay ka mid yihiin Dr.Cabdicasiis Sh.Yuusuf Iyo Maxamuud
Sayid Aden ayan soo kormeerin Degmada Balcad oo ay ku badanyihiin
taageerayaasha Muuse Suudi yalaxaow.
Sida laga warqabo Kooxda SRCC oo la sheego inay gacansaar la leeyihiin
dowladda itoobiya ayaa ku hanjabay inay ka baxayaan shirka Mbagaathi hadii
tirada laga badiyo 25 hogaamiye,oo markaa kadib dalka gudihiisa ku dhisi
donaan dowlad qaran, taasoo dad badani hadal hayaan inay noqota magaalada
Jowhar, oo ay ku suganyihiin waftigaas iyadoo horena uu ucadeeyay
Col.Saatigaduud inuu kusoo biirayo kooxda joogta magaalada Jowhar.
Cabdi xasan Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 3, 2004 |
BAYAAN: Kasoo Baxay
Beelaha La Hayb Sooco
oo ku socda Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada,
Garaadyada,.
Guji
Shirkii Minneapolis
iyo Wacdarihii ka Dhacay!
Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire ayaa
sheegay in...
Guji 31/12
Kulankii 3aad ee
Culimada Woqooyiga America:
Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon:
Warbixintii
Ceynte 30/12
Baaq Kasoo Baxay
Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A
ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka
kooban 9 qodob kaas oo...
Guji
[Dec 29]
Kulan diineedkii
3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday...
Guji
[Dec 29]
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|