SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DHALIIL KU AADAN MAQAALKA “MASEYRKA MAANGAABYADA” EE UU QORAY WALAALKEEN SHAAFICI

CABDULLAAHI AADAN
wasahlanahlan@hotmail.com

Jan 5, 2004

Maqaalka cinwaankiisu yahay Masayrka Maangaabyada ee uu qoray walaalkeen Shaafici Xasan Maxamed oo lagu soo qoray dhinaca ra’yiga dadweynaha ee bogga sharafta leh ee (Eeg Halkan) ayaan jeclaan lahaa inaan si cilmiyeysan u dhaliilo qeybtiisa hore uu ku soo qaatay garaad dheerka Yuhuudda. Run ahaantii qof walba wuxuu xor u yahay inuu muujiyo afkaartiisa, aqriste walba oo aan ku qanacsaneynna wuxuu sidoo kale xaq u leeyahay innuu dhaliil cilmiyeysan oo ay ku dheehan tahay xushmad iyo ixtiraam u soo jeediyo. Yuhuudiyaddu waa diin, Bani Israiil waa qowmiyad, Sahyuuniyaduna waa dhul boob. Waxaa mar walba haboon in la kala saaro saddexdaa qeexid oo ay ku sifoowayaan dadka si xaq darrada ahi ku degay dhulka barakeysan ee asalkiisu lahaayeen reer Falastiin. Dad badan oo Muslimiin ah dhibaato waxay ku qabaan fahmidda sida Quraanku u sifeeyey cunsurkan Banii Israiil, sidaa darteed ay u qafaalan yihiin afkaarta sumeysan ee ay dacaayada Sahyuuniyaddu ku afuufto caalamka. Haduu midka Hindustaaniga ama shiinaha buudiga ah, ama midka u dhashay Brasil iyo cadaanka kiristanka ahi ku wareersadaan xaqiiqada Yuhuuda taasi ma ahan wax lala yaabo laakin waxaa amakaag leh qoraa sida Shaafici oo ina leh: “Xilliyadaan waxaa la sameeyey baaritaanno ku saabsan heerka garashada dadka, waxaan ugu horreeya qowmiyadda Yuhuudda”. Intaanan ku bilaabin burinta oraahda aan kor ku sheegay waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar ka iraahdo naceybka Yuhuudda loo qabo. Waa mid iska cad in Hitler uusan u naceyn Yuhuudda ka fogaanshahooda Rabbi. Laakin waxaad arkeysaa in Rabbi uu ku ibtilleyey Fircoon, Banukhadnisar (Nebuchadnezar),iyo Adolf Hitler (Der Fuhrer) ka dib markii ay ku kaceen waxyaabo caro geliyey Rabbiga ka doortay ummadaha kale ee waqtigooda jiray.

Xusuusta markuu Rabbi ogeysiiyey inuu u soo bixiyaa Yuhuudda tan iyo Qiyaamaha cid dhadhansiisa cadaab xun, Rabbi ciqaabtiisu way deg degtaa, waana dembi dhaafe naxariista. Suurada Al Acraaf-167

Waa lagu lacanaday kuwii gaaloobay oo Banii isra’iil ah carrabka Daawuud iyo Ciise ibnu Maryam arrintaasna waxaa ugu wacan caasinimadooda ahaayeenna kuwo xadgudba. Suurada Al Maa’ida –78

Waxay tidhi Yuhuuddu gacanta Rabbi waa laaban tahay (waa bakheyl) ha lalaabo gacmahooda hana la lacanado hadalkay dhaheen dartiis; saas ma ahan ee waxay ku fidan yihiin kheyrka (waa deeq badane) wuxuuna u nafaqeeyaa siduu doono wuxuuna u kordhin wax badan oo iyaga ka mid ah waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbi xad gudub iyo gaalnimo waxaana ku dhex tuurray col iyo cadho tan iyo qiyaame, markastooy huriyaan dab dagaalna waxaa bakhtiiya Rabbi, waxayna la socdaan dhulka fasaad, Allaahna ma jecla kuwa wax fasaadiya. Suurad Al-Maaidah-64

»Masayrka Maangaabyada  [Shaafici]

Quraanku wuxuu si cad u sheegayaa in Yuhuudda laga doortay ummadaha waqtiyadii hore, oo ay ku caasiyeen, xumaanna ku bedeleen nicmada, ka dibna la lacanaday, wax garaad dheer kuma sifoowaan kuwa la lacanaday oo raxmada Rabbi laga fogeeyey!.

Si walba arrintu ha ahaatee naceybka ay dadyowga kale u qabeen Yuhuudda waxaa abuuray oo asal u ah dembiyada foosha xun iyo caasinta Rabbi, iyagoo nicmada Allah siiyay ku bedelay ku kicid falal kuwa ugu xun ee uu Rabbi ka caroodo oo ka dib ciqaab ugu dhigay inay ku noolaadaan cadaab kaga timaada xagga Rabbi ama xagga Dadka kale.

Waxaana lagu qadaray korkooda Dulli meel kastooy joogaanba, xadhig Allah iyo xadhig Dad mooyee, waxayna la noqdaan cadho Rabbi, waxaanna lagu qadaray Miskiinnimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan Aayaadka Rabbi dilaayanna Nabiyada xaq daro, waxaana ugu wacan caasinimadooda iyo xadgudubkooda. Suurada Al Cimraan-112

Sida foosha xun ee ay kula dhaqmaan ummadaha kale iyagoo aminsan inay yihiin shacbiga uu Allah doortay, in ay cilmi iyo caqliba dheer yihiin ummadaha kale, khiyaameyn iyo dhagar keliya inay ku dhiig miirtaan ummadaha kale oo ay u yaqaanaan GENTILES (English) ama GOYIM (Cibriyadda) UMMIYIIN (Carabiga). Ummadaha kale ee ay ku dhex noolaadaan ma dhex galaan, waxna kama guursadaan lagamana guursado, Yuhuudiyadduna dadka kale uguma yeeraan, oo waxay isku koobaan meelo gaar ah (GHETOES) sida ay u illaaliyaan cirqigooda reer Banii Israaiil.

Ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah ruux haddaad ku aaminto xoolo badan ku siin (Nasaarada qaarkeed) waxanna ka mid ah mid haddaad ku aaminto diinaar aan ku siinneyn inaad kor taagnaato mooyee ( waa Yuhuudda iyo wixii la mid ah) waxaanna ugu wacan arrintaas inay dhaheen naguma laha ummiyiinta jid, waxayna ku dhihi Rabbi been iyagoo og. Suurada Aala Cimraan-75

Sidaan sheegay dad badani waxay khalad u fahmaan doorashada Yuhuudda oo ku sinneyd ka hor intaan Carabta laga soo saarin Nebiga ugu sharafta badan waxa Rabbi uumay oo idil Muxammad sallallahu caleyhi wasallam. Maanta Yuhuudu waxay ka faaideystaan dadyowga Muslimiinta sida xad dhaafka ah oo ay u qadariyaan awoodda iyo caqliga Yuhuudda. Banii isra’iilow xusa nicmadeydii aan idinku nicmeeyey iyo inaan idinka fadilay caalamkii (markaas) Suurada AlBaqara-47 Banii israa’iilow xusa nicmadeydii aan idinka nicmeeyey iyo inaan idinka fadilay adduunka (waqtigiina) Suurada AlBaqara-122 Mar walba oo arrimo loo adeegsaday sir culus ama qorshe ku salleysan caqliyad heer sare ay dhacaan waxaa lala soo degdegaa waxaa ka dambeeyey Yuhuudda !. Amaba waxay maamulaan caalamka ee waa dadyow ka caqli badan ummadaha kale oo dhan !. Runtii taasi waxay abuureysaa in cabsida nafsaaniyadda Muslimiinta iimaankoodu yar yahay ka qabaan Yuhuudda ay sii weynaato. Jaamacedydu waxaa Profesoor iyo Doktoro ka ahaa labo nin oo u asal sheegta Yuhuudda, in kastoo aysan qaadan jirin koofiyadda yar ee madow, waxay ku dadaali jireen mar walba inay gidaarada dhejiyaan sawirada niman Yuhuud oo culuunta ku xeel dheeraa. Sidoo kalena waxay muddo ku dheeraan jireen sharax cilmiyeedka marka ay ka hadlayaan nimankaasi waxay u qabteen cilmiga Sayniska. Haddii aynu dib ugu soo noqono qodobka ku saabsanaa garashada reer Banii Israaiil haddii loo kala saari karaa labo qeybood: Diin iyo Adduun. Haddii ay Diini tahay waxaa ka dambeeyey Diinta Islaamka iyo Nebigeen Muxammad sallallahu caleyhi wasallam oo cilmi oo dhan lagu maneystay. Rabbi wuxuu amaanay ummadan Nebi Muxammad sallallahu caleyhi wasallam:

Waxaad tihiin ummadda u kheyroon ee la soo bixiyey dadka, waxaad fartaan wanaagga, waxaadna ka reebtaan xumaanta waxaadna rumeysaan Rabbi, hadday rumeeyaan ehlul kitaabku (xaqqa) saasaa u kheyroonaan laheyd, waxaa ka mid ah mu’miniin, badankood waa faasiqiin. Suuradda Ala Cimraan -110

Cilmiga Diinta Islaamka wuxuu soo koobayaa culuunta Yuhuudda iyo Nasraaniyadda iyo dheeraad waxaysan marna ogeyn oo aan cilmigoodu gaarin oo uu Rabbi u nicmeeyey ummadan Muslimiinta ah. Culumauddiinta Yuhuudda sida Cabdullaahi ibn Salaam iyo kuwa Nasaarada sida boqorkii Xabashida ee la oran jiray Najaashi ayaa ka marakacay oo ku islaamay. Haddayse Cilmu-dunyowgu tahay waxaan oran karaa waa inaan dib ugu noqonaa nimaankii Giriika iyo Muslimiinta ee faylasuufta iyo dhakhaatiirta ahaa sida Abuqraad iyo Suqraad; Ibn Siinaa, Ibn Rushd iyo Alqawarazmi, bad mareenkii caanka ahaa ee Ibn Batuuta iyo Cabaas Ibn Farnaas oo tijaabin duulitaan dayaarad kaga hormaray Wright brothers. Runtii waxaa wanaagsan inaan la ilaawin taarikhda hore oo dib loo eego, shaki kuma jiraan in maanta dacaayadda ay Sahyuuniyaddu gacanta ku dhigtay ay ina tusineyso taariikhda wejigeeda lagu been abuurtay oo keliya. Laakin yaanan noqon kuwa rumeeya oo howsha u qabta ama u fududeeya. Walaalkeen Shaafici waxaan weydiin lahaa inuu ka hadlaayo Yuhuudda ku nool Jarmalka iyo Sweden keliya inay la soo baxeen garaad dheerida ama inuu aminsan yahay midka la dariska ah ee Xabashiga Falaashaha ah ee uu asal sheegta Yuhuudda inuu garaad ku dheer yahay?!!. Kumanaan Yuhuudi oo reer Yemen, Morookan, Iraani, ah ayaan kala aqoon inta xuduud ay leedahay Falastiin oo ah dhul ay ku riyoonayaan inay lahaadaan, iskaba daayee inay wax ku soo kordhiyaan Cilmiga Sayniska. Haddii aynu qaadano qaacidada naloo dejiyey ee oraneysa cilmiga iyo caqliga Yuhuudda ayaa dhisay dhismaha daruuraha taabta ee New York, iyagaana kala maamula dayax gacmeedyada hawada sare kala dhex goosha, taasi waxay ku rumoowi laheyd waddamada kale ee ay ku nool yihiin oo aan kor ku soo sheegnay. Itoobiya waa waddanka kugu dhow ee Falaashuhu ku nool yihiin wax horumar cilmiyeed ay leeyihiinna laguma arko!. Tani waxay i xusuusineysaa dood cilmiyeed aan maalin idaacad ka dhegesytay oo nin khabiir ahi ku doodayo Albert Einstein wuxuu fursad u helay inuu ka faaideysto horumarka cilimiga bey’adda uu ku noolaa (Jarmalka) ee ma aheyn waa Yuhuudi oo wuxuu u leeyahay dhaxal bayoolji ah oo dadka Yuhuudda oo dhammi ay wadaagaan. Haddaba aan kuu sheego waxa ay Yuhuuddu ku xeel dheer yihiin oo ay caalamkuna ku gumeysteen waxaa ka mid ah awoodda ay ku leeyihiin Sharikadda soo saarta Aflaamta ee Caaalmka ugu weyn oo loo yaqaan Hollywood. Jilayaal badan oo aan Yuhuudi aheyn ayaa markay cadaadin kala kulmeen maamulayaasha iyo madaxda Yuhuudiga Hollywood arrintaas qiray oo iskaga tagay. Yuhuudda waxay qabteen ganacsiga ugu foosha xun dunida sida Aflaamta, Kanaalada, iyo Buugaagta faafiya dacaarada iyo jinsiga (Pornography), waxay kaloo ku sareeyaan badi ahaan warbaahinta galbeedka guud ahaan. Waxay leeyihiin ama maamulaan warshadaha Khamriga iyo Sigaarka. Diintooduna waxay u bedeleen khiyaameynta ummadaha kale waa la ogol yahay. Waa taasi sababta ay ugu amartaagleeyaan Mareykanka iyo Yurubta. Yuhuuddu waa kuwa u taxriifiyey Roomaanka reer galbeedka diintooda oo diin ugu dhigay Nasraaniyadda ay maanta heystaan, ka dib markii uu ninkii Yuhuuddiga ahaa ee la oran jiray Paul (Shaawuul) uu u dejiyey Nasraaniyadda ku salleysan ku been abuurka Nebiga barakeysan ee Ciise ibnu Maryam.

Halka uu Rabbi u sheegay HA KHIYAAMEYN waxay u bedeleen oo ay ku dareen JAARKAAGA YUHUUDIGA AH. WAX SAAR AH (RIBADA) HA KA QAADAN DADKA waxay ku bedeleen HA KA QAADAN WALAALKAAGA YUHUUDIGA AH.

Dulmi kuwii Yuhuudoobay dartiis yaan uga reebnay korkooda wanaaga loo xalaaleeyey iyo ka celintooda jidka Rabbi wax badan, iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay xaggeeda iyo ku cunnida xoolaha dadka si baadil ah waxaanna u darbanay gaalada ka mid ah cadaab daran. Suurada Annisaa – 160-161

Runtii waa arrin aad looga tiiraanyoodo in nalaga dhex helo qof aan ka warqabin arrimaha aan kor ku xusay oo dhan oo isla markaana dhibaatada jahli ee dadyowga Muslimka ahi ka heysato inay fahmaan sifada Yuhuuda sii kordhinayo. Ma ahan maseyr ama naceyb waalan oo aan sabab laheyn, weliba waxaan ku sii dari lahaa in Rabbi markuu ka hadlayo Yuhuudda sheegayo inta aad u tirada yar ee wanaagsan ee laga dhex heli karo sida: Laakiin kuwa ku xeeldheer cilmiga oo ka mid ah (culima’uddiinta Yuhuudda ee xaqqa raacay oo ku taagan) iyo Mu’miniintu waxay rumeyn waxa lagugu dejiyey, iyo wixii la dejiyey hortaa iyo kuwo ooggo salaada ee bixiya Zakada ee rumeeya Rabbi iyo maalintii dambe kuwaas waxaan siinneynaa ajar weyn. Suurada Annisaa-162 Sidaa darteed marna lagama yaabo in si aan ka fiirsasho laheyn u dhaawaco kuwooda daacada ah ama ku dadaalay kuna hormaray cilmiga, laakinse uma jiraan sida loo buunbuuniyey. Yuhuudda waxaa ku dhex jira qaar ka soo horjeeda Sahyuuniyadda si xaq darrada u boobay dhulka barakeysan ee Falastiin. Waxaan ka xumahay inay caalamka ka dhaadhiciyeen in Hitler xasuuqay lix milyan oo Yuhuuddi ah!. Culimada taariikhda ku xeel dheer ee calaaamad su’aal arrintaa saarayna la aamusiyey. Roger Garudi oo ah Caalim Faransiis ah wuxuu leeyahay Hitler dagaalka koowaad iyo midka labaadba ma wuxuu la dagaalamayey Yuhuuda keliya inta uu ka gumaado lix milyan oo Yuhuuddi ah?!. Lix milyan oo Yuhuuddi ma ku nooleyd Jarmalka waagaa?!. Sababta ay u sheegteen tirada intaa la eg waxay aheyd in Caalamku u turo oo la yiraahdo waa dad la dulmay oo ay hiil u helaan boobida dhulka Falastiinta. Yuhuudda waa dad tiro yar laakin waxay adeegsadeen dacaayado ay u ballaarisay warbaahinada galbeedka oo ay leeyihiin ama maamulaan. Waxay ugaarsadaan nimanka jagooyinka sare ka haya dalalka dunida sida madaxweynayaasha, wasiirada warfaafinta iyo gaashaandhigga, fanaaniinta, ciyaartooyda, jillaayaasha aflaamta, si ay uga dhaadhiciyaan fikaradaha Sahyuuniyadda. Waxaad maqleysaa ashqaas aan Yuhuuddi aheyn oo lagu tilmaamo inay u ololeyn jireen dejinta Yuhuudda ee dhulka Falastiin. Balfour iyo General Allenby oo ahaa madaxda maamulka Ingiriiska oo heystay dhulka Falastiin waxaa lagu sumeeyey fikradaha Sahyuuniyadda ka dibna dhulka Falastiinta gacanta u geliyey Yuhuudda. Madaxweyne dhowr ah iyo ku xigeenadooda oo aan Yuhuudi aheyn ayaa la shaqeeya Maasuuniyada caalamiga (Freemason) iyo Sahyuuniyadooda; oo difaaca xaqqa Yuhuudda u leedahay inay heysato hub Nukliyaar ah, xasuuqdo shacbiga Falastiin ee aan hubeysneyn, iyagoo taasi sabab ugu dhigaya waa is difaacid. Israel has the right for self defense!

Golda Meir iyo Ben Gurion waxay ku qasbeen kongareeska Mareykanka innuu cod qayaxan saaro go’aano badan oo ka soo baxay Qaramada Midoobay. Dokumentari ka hadlaya dagaalkii Carabta iyo Yuhuudda oo aan mar daawaday ayaa Golda Meir intay qosol la dhacdo waxay ku leedahay Ben Gurion sow miyaanan ku saxsaneyn markaan kugu iri aan aadno Mareykanka, waad aragtay inta taageero aan soo helnay!.

Mar ayaa Ben Gurion wuxuu u sheegay Kaniisadaha reer galbeedka, haddii aad heysataan kitaabka Injiilka, dhulkii (Falastiin) kitaabka lagu sheegayna heysataan, dadkii Banii israa’iilna joogaan, wax kale maahee waa inaad dadkaasi dhulkaasi dejisaan, sida wacdiga loo fuliyo!. Nooc walba oo saykolooji, cilmi diineed, cilmi duniyawi, madadaalin, khiyaameyn iyo fisqiga wax ay ka tegayaan ma jiraan si ay ugu guuleeystaan dhulka ay ku riyoonayaan oo jiitama inta u dhexeysa Furaatka Ciraaq ilaa iyo Niilka Masar!. Waa taa Ciraaq lagu bilaabay, Suuriyana ku xig, Masarna loo imaan.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa waxay maleeyeen in qadiyada Bariga dhexe tahay mid Israaiil iyo Carabta ka dhexeysa oo keliya!. Bal iskaba daayee arrintaasi, dad badan ayaan waxba ka ogeyn sababta laysku heysto!. Waxaa intaasoo dhan ka sii daran in Beytul Maqdiska barakeysan oo ay Yuhuuddu maamulaan, dad badani ka warqabin innuu la xirriiro goobaha muqadaska ah ee Makka iyo Madiina.

Iyadoo ay arrintu heerkaa qariban tahay ayaa wax laga murgoodo ah inay Muslimiintu aqristaan maqaalo ku salleysan dacaayadaha beenta ah ee ay sameysteen Sahaayinada oo sheegaya inay yihiin kuwa ugu garaadka dheer dunida, sida uu walaalkeen Shaafici leeyahay: “Ama fir ha ahaato ama yay ahaan ee waxaa la isku raacay in ay Yuhuuddu dadka kale ka fiiro dheer yihiin”. iyo “Sidaas awgeed firka dhiigga iyo dhaxalka garashada labaduba waxay xuli garaan facac waayo badan isdhala”. War dadkaan Muslimminta ahi iyaagaba ku bahdilan dacaayadaha sumeysane intaan wacyigelin laheyn yaan walaalyaalow ugu darin baqdin ay ka qabaan tabarta Yuhuudda.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa cinwaanka bogga laga heli karo qoraalada Roger Gaurudi oo ku saabsan sirta Sahyuuniyadda:

www.codoh.com/zionweb/zionmythgar.html

Aqrin wanaagsan iyo feejignaan wacan

Wassalaamu Calaykum

CABDULLAAHI AADAN
wasahlanahlan@hotmail.com

»DHAQAMADA XUN XUN [C/Lahi]

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD