SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DHAQAN

December 30, 2003 

DHAQANADA XUN XUN

Qeybta koowaad (1):

Diinteena Islaamka waa mid Rabbi inooga raalli noqday. Waa Diinta keliya ee ka ansaxsan xagga Rabbi, waxaana loogu talo galay Dastuur lagu dhaqmo inay noo ahaato. Rasuulkeena Muxammad (sallallahu caleyhi wasallam) ayaa inooga digay wax walba oo dhibaato inoo keeni karo, waanna noo sheegay wax walba oo nifci inoo leh.

Ka dib dagaalada ayaa Soomaalida waxaa ku soo kordhay isnaceyb ay saldhig u tahay qabyaaladda iyo ka leexashada tacaalliinta Diinta Islaamka.

Waxaa faafay Jahliga, Xasadka, Damaca badan, Xanta, Beenta, Munaafaqnimada, iyo isnaceybka. Intaasoo dhan waxaa sabab u ah Sheydhaanka iyo raacidda waxay nafsadu jeceshahay oo xaraam ah.

Qabyaalladu waa cudur ay ku dhib badan tahay Soomaalida meel walba ay joogaan inay ka xuroowaan illaa qofkii Allah u naxriisto mooyee. Haddaba waxaan jeclaan lahaa in wallaaheyga ila fiiriyaan nolosha Islaamka ugu talo galay in aan ku dhaqano iyo sida an maanta ku dhaqano sida ay u kala duwan yihiin:

Nebiga (sallallahu caleyhi wasalllam) ayaa dhex joogay asxaabta maalin ka dib markii ay sheegteen qolada uu qof walba ka tirsan yahay. Salmaan Al Faarisi oo saxaabi weyn ah oo ka yimid dhinaca Iiraan(Faaris) ayaa joogay meesha oo qolo uu u tirsado meesha joogin. Nebigu wuxuu yiri: SALMAAN ANAGUU NAGA MID YAHAY ALHLAL BEYTKA.

Bilaal wuxuu ahaa asxaabi aad u sharaf weyn oo ka yimid dhinaca Itoobiya, Islaamka ka hor waa la adoomeysan jiray Bilaal, waxaa xoreeyey Abuubakar Assidiiq oo ku madax furtay lacag. Bilaal markuu islaamay wuxuu ka sharaf badnaa Nebiga (sallallahu caleyhi wasallam) adeeradiisa oo gaalnimada ku dhintay sida Abuu Lahab iyo Abuu Dhaalib!.

Nebiga ayaa maalin yiri: Bilaalow waxaan jannada ku soo maqlay saandhawgaada ee maxaad sameysaa oo aad heerkaas ku gaartay?!.Tani waxay ina tusineysaa in haddii nasabku ahaan lahaa mid qofka ufgu dhawaanaayo Rabbi ama loogu eexanaayo in Nebiga adeeradiisa ay darajooyin sare ku gaari lahaayeen iyagoo gaallo ah.
Laakin xaddiis ayaa Nebigu wuxuu ku shaagay: qofkaan camalkiisa wax u tarin nasabkiisa waxba uma taro. Allah (Subxaannahu watacaalaa) quraankiisa wuxuu ku sheegay:

"MA HELEYSID DAD ALLAH RUMEYSAN IYO MAALINTA AAKHIRO ISLA MARKAANNA KALGACEYL U QABO KUWA ALLAH IYO RASUULKIISA KA SOO HORJEEDO OO KHILAAFA HABA NOQDAANO AABBAYOOWGOOD, CARUURTOODA, WALAALAHOODA AMA QARAABADOODA, (KUWAAS AAN KALGACEYL U QABIN) WAA KUWO QALBIGOODA IIMAANKA LAGU DHIGAY ALLAHNA KU XOOJIYEY GARGAARKIISA WUXUUNA GELI DOONAA JANNOOYIN WEBIYAAL DHEX SOCDAAN OO AY KU WAARI DOONAAN, KUWAASI ALLAH AYAA KA RAALI NOQDAY IYAGUNA WAY KA RAALI NOQDEEN WAANA XIZBIGA ALLAH, XIZBIGA ALLAHNA WAA KUWO LIIBAANAY". Suurada Al Mujaadila 58-22.

Aayadaha aan kor ku soo sheegnay waxay inoo caddeynayaan in sida ay Soomaalidu u fahmeen diinta aysan aheyn oo walaalkaagu ama wiilkaagu hadduu hub qaato, tuug noqdo, wax boobo, dad dilo, aadan difaaci karin, ku jeclaan karin falalka foolka xun ee uu sameynaayo, oo aadan sabab ka dhigan karin waa halyeey difaacaya sharafta iyo xaqqa qabiilkeenu leeyahay.

"WADAAD TOLKIISA KAMA JANNO TAGO" waa halqabad ku dhisan aayadda aan kor ku soo sheegay oo laga horyimaado. Waa run in wadaad isku sheeg, iyo munaafiq walba oo diinta ku been abuurto uu qabiilkiisa u horseeday xumaanta, maliishiyada hubeysan u barakeeyey dilka iyo dhaca, hoggamiye dagaalka qabiilkiisa ahna u duceeyey habeen iyo maalin!.

Waxaa kaasi ka sii yaab badan in uu daliil been cad ah oo si xun loo fasirayo aayad ama xadiis loogu been abuurtay Nebigeenna suuban sallallahu caleyhi wasalllam uu kuu soo qaadanaayo. Wallee maxaa leys cadaabi doonaa Aakhiro haddii laga toobad keeni waayo!.

Maanta haddii si fiican loogu dhaqmi lahaa sida ay Diinteenu sheegeyso oo qof walba oo sheeganaayo innuu u hoggaansan yahay amarka Allah uu gacanta qaban lahaa daalimka walaalkiisa ah intaan ma dhici laheyn.

Nebigeena suuban sallallahu caleyhi wasallam wuxuu sheegay u gargaar walaalkaga hadduu daalim yahay (wax dulmaayo) ama madluum yahay (la dulmaayo). Asxaabtu waxay yiraahdeen yaa Rasuulllallah: hadduu madluum yahay(la dumay) waan kasnay ee sideen ugu gargaareynaa hadduu daalim yahay (wax dulmaayo)?!.

Rasuulka sallallahu caleyhi wasallam wuxuu yiri: "U GARGAARIDIISU WAA INNAAD GACANTA KA QABATO OO AAD DULMIGA KA REEBTO".

Ma aha inay qabyaalad ku qaado oo aad u hiiliso mid daalim ah oo boob, dhac, bililiqeysi, iyo afduubid hub u qatay.

Anigu waxaan qabaa Soomaali waxay diinta si dhab ah u qadatay markii laga helo inay ku dhaqanto aayadda aan soo sheegnay iyo ayyadda uu Rabbi ku leeyahay:

"DADOW WAXAAN IDINKA ABUURRAY LAB IYO DHIDIG,WAXAANA IDINKA YEELNAY SHUCUUB IYO QABIILOOYIN SI AAD ISU AQOONSATAAN, RUUXASE UGU SHARAF BADAN ALLAH AGTIISA WAA MIDKA IDINKUGU DHAWRSASHO BADAN, ALLAHNA WAX WALBA WAA OGYAHAY" Al-xujuraat 49:13

Dagaalada maanta ka dhacaya Soomaaliya waxaa sii huriyey qabyaalad mana joogsanaayo illaa ay Soomaalidu u soo noqdaan diinta Islaamka sida ay sheegesyo oo ay qaataan. Qabyaaladdu waxay burburisay shaqsiyadda qofka Soomaaliga ah, dulmiga ayay xoojisay maadaama midka daalimka ah aan la ciqaabi karin, sababtoo ah wuxuu ka tirsan yahay qabiil xoog leh oo hubeysan oo uu ku gambanaayo wax walba uu sameeyo oo xumaan ah!.

 

La soco qeybta labaad inshaa Allaah

CABDULLAAHI AADAN
wasahlanahlan@hotmail.com

GOBOLADA SOOMAALIYA....

»Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga  [Abdimahdi]
»Gabaygii Wuu Dhintay! [Daraasadii Ibrahim Y.]
»Ganacsiga iyo Islaamka/Somalia [Dr. Taqi]
»Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay? [C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY? [Boqor]
»Qaabka aad maal gallinta u samayn karto [Luqmaan]
CAAFIMAADKA: JABTADA | AIDS | CHOLERA | SOKOROW

Faafin: SomaliTalk.com Dec 30, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]