SOOMAALIDDA
XEER XEERIYA MA LAHA.pilot
Cali
diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com
Dagaalladda dalka soomaaliya waxaay uu socdaan
si aan kala go,lahayn muddo 14 sanadood ah mudadaasi ay uu gaysteen dadka iyo
dalkii soomaaliya la odhan jiray dhamaan noocyadda kala duwan ee falalka lidka
ku ah aadamigga ama insaaniyadda, Falalkaasi oo aanay wali ka suulin ku
xadgudubkooda oo ay ku noqdeen kooxahaasi (cadaystayaal) Xalaalaystay ku
meerashadda xamaamyadda dhiigga,Waxaana marqaati buuxa ka ah dowladaha dunidda
iyo hay,adaha calamka.
Kooxahaasi oo ku tartama si joogta ah xaquuqda
aadamigga ee dalka soomaaliya ku xadgudubkoda
Si ula kac ah, Hadaba kooxahaasi qabqablayaasha
dagaalka ee soomaaliya,Ayaa hadane waxaay si joogt ah socdaala ku kale bixiyaan
dacaladda dunidda siiba waxaay kulamo joogto ah ay la yeeshaan
dalal ay ka mid yahiin liibiya,itoobiya,
keenya,masar iyo kuwa kale oo badan, Iyagga oo waliba loo soo dhaweeyo qaab la
moodoo in ay ku amaanan yahiin falalkoodaas lidka ku ah xaquuqda aadamiga oo la
mooda in lagu sii dhiiri galinayo ama loo sii sacabo tumaaya maalin iyo habeenba.
Sawirka maanta ee soomaaliya ay badeeen waxaaa
uu ka dhigan yahay masraxa lagu dhigo musaaricada xorta ee masraxaasi ay tahay
dalka soomaaliya dowladaha caalamkana ay yahiin dawadayaasha, Kooxaha
qabqablayaashuna ay yahiin musaariciinta isaga soo hor jeeda masraxa.
Hase yeesheee musaaricadaha masraxyadda waxaaay
leeyahiin bilow iyo dhamaado oo muda leh,
Laakiinse musaaricadani ma laha muddo iyo
dhamaad midna. Wadamadda caalamka ma ahan inay ka quustaan umadda soomaaliyeed,
Caalamka ma ahan inay naxariista ka idlaato, Caalamka ama ahan in uu dhabarka uu
jeediyo dal iyo dad ku abtirsadaa aadami oo ku qoran juqraafiga aduunyadda,
Caalamka ma ahan in uu isku qanciyo erayadda ah soomaalidu (Waa in iyaggu
dhexdooda heshiiyaan) Eraygaasi waa mid raqiis ah oo aannu marnaba ka
turjumaynin aayaha soomaaliya. Sababtoo ah meesha waxaa ka jiraaa kooxo
hardamaya oo ku tartamaya dilka iyo xukunka dalka oo ah qabqablayaasha dagaalka
iyo kooxo la haystayaal ah oo ah mujtamaca ka kooban dadweynee.
Hadaba sooomaalidda heshiinaysa dhexdooda waa
kuweee? Ma xera doofaar shirka ka socdaa wax laga sugayaaa? Aqriste xalka kaliya
ee lagu dhisi karro dhismo dowlad ee soomaaliya waxa ay tahay iyadoo gacan bir
ah lagu qabto oo gacanta lugu dhigo kooxaha qabqablayaasha ah ee ku amar
taagleeya soomaaliya ka dibna la soo joojiyo maxkamadaha caalamiga ee dagaaladda,
Si loo mariya ciqaabta ay mudan yahiin, Iyadoo la raacaya sidii tii Ruwanda iyo
Burundi,Iwm, Taas oo ah tan kaliya ee lagu badbaadin karro soomaaliya, Waa
haddii danbiyadda xaquuqda aadamiga laga galo ay uu siman yahiiiiiiiin dunidda.
Aqristooow dedaaladii kala duwanaa ee duniddu ay hore ugu soo gurmatay dhamaaan
waxaay noqdeen sidda la ogyahay kuwa lagu guul daraystay, Hadana lagu sii guul
daraysanayo, Talaaabooyinka noocaasi ah haddii kooxahaasi la qabqaban oo
maxkamad la soo taagin inta ay goori goor tahay. Taas oo noqonaysa talaabadda
kaliya ee lagu guulaysan karro qaadisteeda dhismo qaran soomaaliya dib loogu
dhiso. Haddii kale arinku musalsalkaas uun buu ku soconayaa sanado kala oo fara
badan. Waxaana la sadaalinayaa in ay ku dhiman doonaan geyigaasi dad abriyaa-ah,
Kuwa aan hubaysnayn oo ah dadka laga tiro badan yahay (Minority Community)iyo
Maatadda, Waxaana wanaagsan in umadda iska
qabtaan qabqablayaasha kooxaha si loo badbaadiyo xaquuqda aadamiga oo hadh iyo
habeen gabbal dhac iyo waa guduutaba lagu xad-gudbayo lana xalaalaystay daadinta
dhiiga umada, Waa hadii xaquuqda adaamiga ilaalintiisa iyo ka damqashadiisa ay
dunidda uu siman tahay isla markaasna aan iska qabanaa madaxda kooxaha hogaamiya.
Suxufiyiinta soomaliyeed ayaa uu doortay cali
pilot inuu yahay xidiga qoraalada sanadkii 2003
Aqristoow qoraalka oo gabo gabo ku sii socda
ayaa waxaan xasuustaa in wargays ka soo bixi jiray magaaldda london oo magaciisa
la oran jiray (Sahan-press) uu ahaa wargays aan inta badan wax ku qori jiray
sanadihii 97,98,99, Waxaana lahaa labadda wariya oo kala ahaa maxamed xuseen
loolow iyo cabdulqaadir xooshoow oo iayagana ka mid ahaa wariyaashii idaacadii
raadiyo muqdisho,Hadaba pilot ahaan xiligaasi ayaan qoraalo ciidaas ka badan ku
dabacay wargayskaas waliba anoo haaya haatan waxii aan qoray anoo dadweynahana
uu soo bandhigi doona haduu alla idmo, Habada hadal badan haan ma buuxiyee
waxaan wargayskaasi sahan-press ka qadanayaa tix gabay ah uu tiriyay abwaanka
caanka ah ee cabdi gaani, Gabayga waxaa magaciisa la yiraahdaa murugo waxuuna ku
soo baxay wargayskaasi sanadkii 15 juun 1999, waana kanaa gabaygii ee ka bogosho
wacan....
- Soomaali magaceed ba,yoo maaro laga waaye
- Madaxweyne iyo dowladnimo wayska maanacaye
- Nin masuul ah lagama helin muumin khayr
badane
- Murugooday goortii xaq iyo diin la maanacaye
- Masaafaha dhulkeeniyo xornimo kama
macaasheene
- Maamul shacabku u wada dhan yahay maanta
curan waaye
- Mudaniyo marwaba labadu way marin habaabeene
- Murugooday goortay qabiil maanka geliyeene
- Macdanta iyo beeraha dhulkii miidu wada
taalay
- Mahiigaanka roobk ah dhulkuu meel walbaba
doojay
- Maaxdiyo barwaaqada dhulkii mooska laga
keenay
- Murugooday goortay jirigu milif ka dhowreene
- Maangaabku goortuu qabsaday madaxii soomaali
- Shacabkaa mataal lehe markuu hoog u
malabeeyay
- Goortuu mataanaha ka qalay oo mir ku
abaadshay
- Murugooday goortay bulshada marin
habawsheene
- Muqdisho iyo kismaayiyo dalkii laysu mari
waaye
- Marka iyo afgooyaba ninbaa maalin soo
dhaxaye
- Dariiqyadda makaab bay dhigeen moodhar soo
galine
- Murugooday goortay anfoco naga maquunsheene
- Qabiil laysku maagiyo dhibiyo muranku waa
ceebe
- Masaakiinta mood laga dhacoon mirana loo
reebin
- Maatada la cayrteeyay oo meel walbaba taala
- Murugooday goortay jirigu baaska mariyeene
- Ninkii maal lahaan jiray haddii goor uun
laga meershay
- Maqaawiirta wada liidatoo muuqu gorofoobay
- Macaluul ayay ugu dhintaan maalin iyo layle
- Murugooday goortay dadnimo meel xun
geliyeene
- Marwo dumar mashaqo lama gashee waa martabad
wayne
- Mida kuu dhaxdiyo hooyadaa laga mataalaaye
- Waa mayran kula dhalatay iyo muxubo
qoordheere
- Murugooday goortay gabdhaha marada fiiqeene
- Malyuumaadka qaxay oo qurbaha meel walba
jooga
- Maanyadu kuwii ay cuntoo mowdka ka adeegay
- Milga xumada iyo sharaf li,ida maanta naga
muuqda
- Murugooday goortay wax badan magan ahaadeene
- Maslixiyo wanaag kii dalboo maanka diriteeya
- Ee aan muquunine bulshada meeriska uu
yeersha
- Kuwii macalin noo noqon lahaa moolka lagu
aasye
- Murugooday goortay nin rag ah madaxa
gooyeene
- Masiibooyinkii nagu dhacaan maanta qirayaaye
- Muslinimo markaan diidnay baa moolka noo
go,aye
- Majaruhu wuxuu noola jabay waa maqruunimo e
- Murugooday goortay sharciga daba maryeeyeene
- Mas,uuliyad ninkii lagu raroo meel uun lagu
aadshay
- Oo maamulkii laga rabiyo maalba laga waayay
- Oo eexo miisaan la iyo xumo ku meeraystay
- Murugooday goortay kursiga madax ahaadeene
- Badda moolka waynoo biyaha mowjadu hinraagto
- Malaay iyo kalluun shabakadaha lagu
majaafeeyo
- Maraakiibta iyo doonyihiyo huuri lagu maaxo
- Murugooday goortay baxriga midigta gooyeene
- Midnimada dalkiyo qaranimadu waa
macaanyahaye
- Isku duubni kama marantee waa mid uun quraha
e
- Muraad wada jirkaa lagu helaa meel fog kaa
jiraye
- Murugooday goortay dalkii qayb uun loo
milaye
- Intaasoo mashaakilaa dhibaan maanta soo
maraye
- Minankaan lahayn iyo dhulkii maare ka
adeegye
- Masiibooyinkii iyo wixii la is majiiraayey
- Ilaahii isoo mootiyoow mahadi waa taaye....
Aqriste waxaan ka soo xigtay gabaygaan
wargayska sahan-press iyadoo gabaygaasina uu curiyay abwaankii cabdi gaani isla
markaasna waxaa lagu dabacay sanadkii 15 juun 1999, Runtiina waxaan uu soo
qaatay gabaygaan anoo og in muddo badan shir ugu socda dalka keenya soomalida
iyadoo dalalka caalamka ay indhaha ku hayaan in shirkaas lagu dhiso dowlad
soomaliyeed ayay ila noqotay inaan faaladaan ku soo afjaro gabaygii cabdi gaani,
Qof kastaana waxaa fiican hadii uu gabay soo qaata inuu ku xuso gabaygaasi
qofkii lahaa Aqristoow qoraalkii intaas ha inoo jooga maanta bye..
QORE
Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 9, 2003
Afeef:
Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
FOGAANTA
U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|