SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Baaqa Sanadka Cusub: Muhimadda ay leedahay Shir Nabadeed Somaliya lagu qabto
Qore: Dahabo Dowlo |
Dahaboisse1@hotmail.com

Waxaa jirta in Shirar badan ee ka turjumaya nabadada soomaaliyeed lagu qabtay dalka dibadiisa, iyadooy qaban qaabiyeen wadamo badan ee Soomaaliya Daneeya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Masar, Ethiopiya, Djabout, Libaya, Kenya, iwm.

Dhamaan Shirar Nabadeedkaas wax natiija ah laguma gaariin, sababta oo ah (i) Hogaamiye ku sheegayada Soomaalida ah oon nabad u bisleyn, dadkooda dhibaateysan iyo dalka burburayana aan dan ka laheyn iyagoo amaan mooda dalxiiska iyo Hotelada shisheeye ee ay jiifan; (ii) wadamada Shirarka lagu qabanayey oo dano kala gaar ah ka lahaa Soomaaliya.

Danahaas gaarka ah ayaa dad badan oo siyaasadda indha indheeya ku tilmaameen iney ka mid yihiin:

a) mid lagu bisleeysanayo dhulkii Somaliya hore looga qaatay waqtigii ay Afrika qeybisay Yurub ee Shirkii Barlin, Sanadkii 1884, oo la isleeyahay haddii Somaliya midoowdo, amey soo haweysataa dhulkaas ka maqan, taas waxaa marqaati u ah khudbadii uu Madaxweynihii hore ee Kenya Mr Daniel Arab Moi uu ka jeedijey Washington DC, iyo Middii Amb. Kiplikat uu isna uu jeediyey Sweden August-September 2003.

b) mid Diineed, waxaa jirta Qubaro iyo Suufiyaal badan oo Reer Galbeed ah oo uu ka mid ahaa Suufiga Samuel Huntington, ayaa cabsi ka muujiyey in isku dhac ka imanayo Xadaaraddaha jira (clash of civilisations) sida Xadaaradda Reer Galbeedka iyo Diinta Islaamka; bal aqri buugiisa:- eeg boggan:http://www.willcrumbley.com/archives/000076.html   http://www.amazon.com/exec/obidos/search .

Haddaba Soomaalida oo lagu tilmaamo Qoomiyadda keliya ee dadkeedu yahay boqolkiiba boqol 100% Muslim, ayaa deriskoodu ku eedeeyaan iney u dhuun daloolaan wadaaddada mayalka adag, iyadoo weliba laga cabsi qabo in Dab diineed ka holci doono Geeska Afrika. Sidaas darted ayaa marka hore laga door bidi karaa in dalku sii burbursanaado inta laga heli doono dad badan oo Soomaali ah qaas ahaan dhalinyarada, oo diimo kala duwan qaato siiba masiixiga -; bal ila fiiri site-kan: (Waxaad u baahan tahay Acrobat Reader tsi aad u furtid file-ka).

http://www.greatcom.org/laws/downloads/someng4s.pdf

http://www.d.umn.edu/lib/bible/bibliog/fsgm.pdf

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa dad badan oo isugu jira aqoonyahan, siyaasiin, culumaa’udiin iyo wax garadba, saadaaliyeen inaan natiijo cadaalad ku dhisan iyo dowlad Soomaaliyeedba aysan ka soo baxi doonin Shir Soomaaliyeed oo wadanka dibadiisa lagu qabto maadaama faragelin shisheeye iyo kala qeybin badan soo kala dhex gasho hogaamiyaasha siyaasadda isku hayo.

Haddaba baaqeyga Siyaasadeed ee Sanadkan Cusub 2004, wuxuu yahay iney haboon tahay:

1. in Soomaalidu isku tashato, iskuna filaato, iskuna kalsoonaato, lacagaha banaanka laga soo ururiyo ee dabka qabiilka lagu holciyana ay nabad ku raadiyaan, ayna ku cibra qaataan dhibka soo jireenka ah ee sii badanaya iyo waaya aragnimada laga kororsaday shir lagu qabto dal shisheeye oo aan wax kale soo kordhin hogaamiye kooxeed cusub mooyee;

2. in Shir Nabeedka Soomaaliya lagu qabto wadanka gudihiisa, laguna xaliyo dhibka la kala tirsanayo si Walaalnimo, Soomaalinimo iyo Islaanimo ah, dabeedna lagu dhiso Dowlad Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay, cadaaladna iyo sinaan xukun qeybsina ku dhisan;

3. in Dowladda la dhisi doono aan qabiil lagu soo xulin, ee aqoonta qofka iyo shaqsi fiicnaantiisa lagu soo doorto, si nidaam Dowladeed oo macquul ah oo caalamka waafaqsan loo helo;

4. in la abuuro Quwad Seddexaad oo aqoonyahan u badan, khaas ahaan dadka qurbuhu duleeystay oo fahmay macaanka wadankooda si ay u kala dhexgalaan Hogaamiye yaasha laba safeedka ah, looguna yeero iney Shir nabadeedka wax ka qaban qaabiyaan, loona ogolaado iney door fiican ka qaataan dhismaha Dowladda cusub ee Dalkooda.

Shir nabadeed Soomaaliyeed ee Dalka Gudihiisa lagu qabto waxaa hore u sheegay muhimadiisa, Madaxweynaha DKMG, Golaha Samata Bixinta, iyo Maxamad Dhere iyo Wafdigiisa oo dhowaan shirkii ay Jowhar ku qabteen shaaca ka qaaday iney haboon tahay in shirka Soomalida lagu dhameystiro Wadanka Gudihiisa- fiiri: http://qaranimo.com/news-dec-27-03.html . Runtii waa arrin ninkii wax garad ahi u riyaaqi karo, gancan siin iyo dhiiri gelina mudan.

Haddab Faa’ida ku jirta Shir Nabadeed Soomaliya lagu qabta waxaa ka mid ah:

a) Lacagaha Qalaad ee inta badan ay bixiyaan wadamada hore u maray, midowga Yurub, Qaramada midoobay, wadamo Carabeed, ee magaca Soomaliya banaanka loogu burbursanayo, oo wadanka Soomaaliya ku soo noqon lahaa;

b) Kharashyada shirka ku baxaya oo Maatada Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen, laga soo bilaabo islaanta canooleyda ah, midda yaanyooleyda, kan maqaayada leh, baabuureyda ilaa kuwa hotelada la seexanayo iska leh, oo kharashkaas hadda shisheeyuhu ka faa’iideysanyaan soo geli lahaa gacantooda;

c) Kharashyadaas lagu bixinaya Shirka Nabadda Soomaaliyeed ee lagu raadinayo Dowlad loo dhan yahay, oo haddii Soomaailiya Gudaheeda lagu isticmaalo, uu sicir bararka wadanka ka jira hoos u dhici lahaa, Qiimaha Shillinka Soomaaligana soo celin lahaa;

d) Dhaqaalaha wadanka Soomaalida oo burburayey ilaa 14kii sanno ee dagaalada sokeeye, oo kor u soo kaci lahaa;

e) Faragelin Shisheeye oo laga maarmi lahaa, ama aysan suurta gal u noqon laheyn wadamada caadeystay iney ka fa’iideystaan kala qeybsanaanta Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliyeed, oo aan fursad u heli laheyn arrintaas wadanka gudihiisa, maadaama ay ka baqayaan in shacabka dhibaateysani ee Dowlad u ooman ku kacaan;

f) Hoogaamiye kooxeedyada Soomaaliyeed oo isku haleynaya taageero wadamo shisheeye, oo kuwaas la’aantood isku tashan lahaa, runtana gaari lahaa, kadib markii ay ogaadaan ineysan madax qasab ah laga dhigi Karin haddeysan dadkoodu rabin;

g) Masaakiin badan ayaa duulduulka kharshyadaas ku noolaan laheyd, naftuna ku soo noqon laheyd;

h) Soomaali badan oo shaqo la’aan ah, qaasatan dhalinyarada oo wadanka gudihiisa ku dayacan ayaa ka faa’iideysan lahaa howlahaa shirkaas;

i) Dad badan oo ka mid ah Danyarta bulshada (grassroots), haweenkuba ha badnaadeene oo dhibka Dowlad la’antu taabatay, nabad li’idana dhibsaday, sida dilka, dhaca, kufsiga, iwm, oo aan cidinna yac ka oraneynin, ayaa si niyad ah uga qeyb qaadan lahaa shirka wadanka gudihiisa ah, Hogaamiyeyaashasna ku dhiiri gelin lahaa in Nabad Waarta la gaaro;

j) Dad is cafiyey oo calool xumadda iska saaray iyo Dowlad Somaliyeed oo nadiif ah ayaa halkaas ka soo bixi laheyd;

k) Dadkayaga Qurbaha ku wareeray, ilmahoodiina ku dayacmeen wadan shisheeye oo aysan wax ka qaban Karin maadama aysan awood ku la heyn, oo soo noqon lahaa haddii Dowlad loo dhan yahay la dhisi lahaa, doonayana iney ka qeyb qaataan dhismaha wadankeena hooyo iyo hormarkiisa.

Gebagabadii Baaqan, waxaan Soomaalida nabadda jecel ugu baaqayaa Sanadkan Cusub iney isku tashadaan, una ola oleeyaan sidii wadanka Gudihiisa Shirka Soomaliyeed ee Nabadda loogu qaban lahaa, looguna dhameystiri lahaa wixii qilaaf ah ee jira; Soomaaliyey Caana Daataba waa la daba qabtaa, ee haddii Shirka Kenya Burburo yaan dagaal cusub ummaddaan dhibtootay lagu soo celin, ee adinku is xilqaama oo dad jira isu arka; waana in la tixgeliyaa Socdaalkii Geedi Nabadeedka ee uu isku xilsaaray Abwaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Mudane Hadraawi, waa arrin soo dhoweyn, tixgelin iyo ku dayasho mudan.

Waxaan Ilaahey Ummadda Soomaaliyeed uga baryeynaa inuu Sanadkan Cusub uga dhigo mid Nabad iyo Dowlad Soomaaliyeed Xambaarsan, Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliyeedna Allaha soo hanuuniyo, xaqana Allaha tusso. Dadkuna Bash Bash, Barwaaqo, Caafimaad iyo Cibaada Suubanna ay ku gaaraan sanadka sanadkiisa kale (Amin).

Sanada Wanaagsan

Dahabo Dowlo

MA Diplomacy

Dahaboisse1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 9, 2003 

 Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD