SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
25 sano iyo bar ayaa Lagu Xakumay Ninkii Diley Ahmed Hussein Axmed.

Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Minneapolis; USA: Nin 21-jir ah oo reer Minnesota ah ayaa Arbacadii (July 30, 2004) lagu xakumay 25 sano iyo bar dilkii uu bishii July ee sannadkii hore u geystey Axmed Xuseen Axmed oo ahaa Taxi-wade Soomaaliyeed oo uu ku dhex toogtey taxi uu ku wadey.

Ninka dilka geystey oo lagu magcaabo Sylvester Leondo Scott waxa uu dembigaas qirtay bishii April; asaga oo sheegay in uu toogtey Ahmed Xuseen Axmed oo markaas asaga ku wadey taxi.

Qareen ka socda maxkamada degmada Hennepin oo lagu magacaabo Judge Regina Chu ayaa ninkii debmiga geystey ku xakumay 25 sano iyo bar (1/2) ama 306 months, sida ay werisey jariidada PioneerPress ee kasoo baxda Minneapolis/St.Paul.


Sylvester Leondo Scott; ninkii diley Taxi-wadaha soomaaliyeed.
Sawirka: Waxaan ka qaadnay WCCO TV Guji halkan

Waxa ay jariidadu sheegtay in Scott oo ah ninka dilka geystey uu sheegay sababta uu marxuumka u diley in ay ka dhalatay muran dhex maray (asaga iyo marxuumka); kaddibna uu laba xabadood ku dhuftay marxuumka.

Scott waxa uu sheegay in uu Aalkolo iyo daroogo cabsanaa markii uu dilkay geysanayey; waa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska qareenka maxkamada Hennepin oo ay jariidadu soo xigatey.

Taxi-wadayaasha Soomaaliyeed ee lagu diley Maraykanka:

Bishii Febraayo 1, 2004 ayey ahayd markii Magaalada Seattle lagu diley taxi-wade Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Xasan Muuse Faarax. Sidoo kale Ahmed Hussein Axmed waxaa magaalada Minneapolis lagu toogtey July 10, 03, sidoo kale waxaa Mohamed Ahmed Salah Minneapolis lagu toogtey August 8, 03; dhammaan toodna waxay ahaayeen taxi-wadayaal.

Waxaa taas ka horeeyey in Bishii Maarso 8, 1998 Minneapolis laga helay meydkii Siciid Cigaal oo Soomaali Taxi-wade ahaa oo la toogtey. Marxuum Siciid waxaa lagu dhex toogtey taxi uu wadey.

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2004  

ISHA: PioneerPress.

UK: Gabar Soomaaliyeed oo Meydkeeda la helay


Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Mohamed Ahmed Salah
Latoogtey: August 8, 03

Nin Soomaali ah oo lugu dilay Sweden
Marxuumka oo lagu magcaabi jirey Abuukar Sh Cabdi waxaa lagu diley...Guji 11/4/04

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.  GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD