SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 2, 2004

Si Haraaga u Badbaado .

Khaalid  Maxamed
khaalid_44@hotmail.com
India – hyderbad


Alle ayaa mahad leh nabadgalyo iyo naxariis nabi Muxamed  kor kiisa ha ahaato .

Waxaan akhriyay maqaal uu soo qoray nin layiraahdo C/waaxid Khaliif oo uu nuxurkiisu ahaa in cida xukunka qabanayso laga fiirsado inta ay goori goortahay iyo waliba in aan raga qaarkiis waxba loo dhiiban sida C/qaasim , C/laahi Yuusuf iyo Maxamed dheere. [
eeg halkan]

Marka hore C/waaxidow waad mahadsantahay hadii aad nala jaceshahay hogaan wanaagsan oo ay kaa tahay Alle dartii oo aysan kaa ahayn colaad  aad u qabto raga aad magacawday balse waxaan ku oran lahaa ma aha baahida na haysaahi  xaalada aanu maanta  ku suganahay in aan xulano hogaamiye wanaagsan .

Baahida noogu daran waa amaniga  iyo cadaalada qayb ka mid ah . marka aan leeyahay cadaalada qayb ka mid ah waxaan ula jeedaa tusaale in lagu cadaalad falo shaqada iyo shaqaalaha hada wax aanu u baahanahay ma aha balse cadaalada aanu wakhti xaadir kan  u baahanahay waa in lagaa xaq siiyo qok kaa haysta xuquuqdaada sida hanti ama naftaada oo uu dhibaato u  gaysta lakiin  hadii  taasi la waayo maamul majiri karo .

Waxaa laga yaabaa dadka qaarkiis in ay ku doodaan anagu waanu haysanaa amaan ee waxa aanu u baahanahay waa cadaalad iyo maamul dhamaystiran taasi waxaan ka leeyahay amaan ku kooban gobolo qarkood ma aha amaan waayo xor uma tihid in aad si amaan ah isaga gooshto wadankaada oo idil .

Anigu waxaan qabaa cidii doonto xukunka ha qabto hadiiba laga helayo ugu yaraan in ay wadanka amaankiisa dib u soo celiyaan kadibne waa loogudbayaa wixii kale ee muhim u ah dowladnimada balse in hada la sii abuuro mucaaradnimo iyo dumista maamul aan walin curan waa wax laga fiicanyahay .

Mida kale Mr. C/waaxid waxaan kuu malaynayaa in aad tahay nin ku dhax muquuray daawashada dimuquraadiyada reer galbeedka iyo sida ay dadku xaq ugu leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan cida hogaanaka ay u dhiibanayaan .
marka walaalow anagu ma fahmi karno heer kaas lamana jaan qaadi karno.
in lagaaro heerkaasne  waxa ay u baahantahay wakhti badan .

Anagu waxaan ku fill nahay in kuwa isbaarada shaatiyada nagag siibto nalaga qabto oo aan si xor ah shaatigaan doono iya macawistaan doono u xirin karo balse adiga wax aanaan gaarin ayaad ka hadlaysaa waxaan maraynaa dugsi hoose mafahmi karno xisaabaadka dugsiga dhaxe iyo saraba  tusaalo ahaan adiga ayaaba waayahan waday in aad tusaale xisaabeed iyo saynisba ku soo bandhigto qoraaladaada .

Mafahmi karo ardayga galaaska sadaxaad dhigta in ay khaldantahay xisaabta ah  ( -1) * ( 1) = 1 balse waxa uu fahmi karaa in ay khaldantahay xisaabta ah 1-1 = 5 sidaa darteed hanagu anqarinin in aan xiligan sii bilaawno mucaaradad dowlad aanba wali la aqoon khalad iyo sax wax ay samayn doonto .

Qof kaste oo soomaali ah waxa agtiisa ugu qiimaha badan waa  amni , malaha hadii ay jiri lahayd meel lagu iibiyo amniga dadka ugu badan ay wax ka iibsada waxa ay noqon lahaayeen soomaalida .
Waxaan ku soo gunaanudayaa qoraalkan shacabka  waa labaray sida dowlad ama maamul jiro loo dumiyo marka hada aanu u soo jeesano in labaro wax dhisida .  rajda shirka laga qabo hadii ay wax ka soo baxaan  ha loo sacabo tumo cidii ku soo baxdaba .
Midakale  xitaa hadii uu nagu xumaado ragii lagu soo aaminay xilka qaranka aanu sii wadno sacaba tunka ilaa ay tii Rabi uga timaado waayo   waxaa nooga daran 60 sano oo moomul xuma ah hal maalin oo maamul la’aan ah waana waxa la soo tijaabiyay .


Khaalid  Maxamed
khaalid_44@hotmail.com
India – hyderbad

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga kus axiixan

»"Waayo-aragnimo la'aaney ba'" [C/Waxid]
»Maxay ka oran hal-abuuradu dowladda cusub [C/Waxid]


Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD