SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 28, 2004

“Waayo-aragnimo la’aaney ba’”

C/Waaxid C/hi Khaliif


MPLS/St.Paul, USA

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Ma dhabbaa inuu Xuseen Caydiid xiranyahay? Ma baasaboor Maraykan ah buu haystaa? Isagoo ehlu-diin, argagixiso ku sheegaya baan xasuustaa oo rabay in la xiro laakiin isagii baa xirmay.

Abwaan baa tirshay: Walwaal ka cab baan is iri wadaamihii bay la go’ayoo weydaartay karkaaradii. Sidoo kale haddaad dagaal-ooge tahay ood u oommantahay inaad dhiigga shacabka daadiso dabadeedna jaqdo waa inaad haysataa karkaarro aad ku istaagto waa shacabka iyo wadaan aad ridato oo ah kuwa dagaal-oogaha u shaqeeya haddaad rabto sheego “sheekh, Professor, Dr, siyaasi, boqor, garaad, ugaas ama nabaddoon” ama haddaad ka jeceshay qurbo-joog.

Dagaal-oogayaashii Soomaaliyeed waa isqaybiyeen. Waxay ku heshiiyeen inay qolo diinta iyo dadkeeda weerarto qaarna culumada u doodaan. Labo dagaal-ooge oo reer Mudug ahi waxay doorteen inay diinta iyo dadkeeda weeraraan waa Kornayl C/hi iyo Xuseen Caydiid halka C/Qaasim iyo kuwo kale iska dhigeen inay diinta difaacayaan.

Labada reer Mudugga ahi waxay ku kala duwanaayeen midi wadaan weyn iyo karkaarro adag buu samaystay (kornaylka) halka midkood ul booc-booc makaan (tiirka marka barkadaha ama ceelasha la shubayo lagu istaago) ka dhigtay sidoo kalana bac iyo dun buu wadaan iyo dowlis ka dhigtay.

Qudbo-sireeddii C/hi & C/Qaasim qarsoomi weyday oo shan bilood dhaaftay waxayna dadka aan waayo-aragga ahayn u degeen shax. Waxaa beri jiray labo miskiin oo labaduba indho la’aa kana tuugsan jiray buundo ku taal Baqdaad waagii dowladda Ummuwiyiintu jirtay. Labada miskiin midi wuxuu ku tawasuli jiray (ku qaraaban jiray) Ehlu-Beydka iyo Cali Binu Abii Daalib (RC) markaasaa qolyaha Ummawiyiinta kasoo horjeedaa caawin jireen, kan kalana wuxuu ku tawasuli jiray Mucaawiye (RC) iyo Ummawiyiinta markaasaa qolyaha markaas xukunka haystay iyo waxa taageeraa kaalmayn jireen. Qorrax dhaca ayaa labada miskiin inta isku yimaadaan waxay isku darsan jireen waxay soo heleen dabadeedna si is le’eg u qaybsn jireen. Hadda masaakiin badan oo Carta nacayb wax ku bixin jiray iyo kuwo Itoobiyaan nacayb wax looga qaadi jiray baa xoolahoodii C/hi iyo C/Qaasim isku darsadeen oo Nairobi lagu qaybsanayaa.

Shacabka masaakiinta ah maahee waxaa kaloo la dagay/siray qolooyin kala ah SRRC iyo Golaha Samato-bixinta. Waa’ aan dugsiyada dhexe wax ka baran jiray baan sayniska ku soo arkay tusihii kalgalka curiyayaasha. Waxaan arki jiray curiyayaasha qaarkood oo loo soo gaabiyo labo xaraf halka qaar badan ay ahaayeen hal xaraf. Tusaale ahaan, soodiyamka/naateeriyam waxaa loo soo gaabiyaa “Na” sidoo kale koloriinta waxaa loo asteeyaa “ Cl”. Kuwa hal hal xaraf loo soo gaabiyo waxaa ka mid ah oksijiinta, O₂ iyo haydarojiin, H₂. Sida aynu xasuusanno habkey iskula falgali jireen aashitada (acid) iyo beyska waxaan soo qaadanaynaa tusaalahan:

NaOH + HCl → NaCl + H₂O.

Qolyaha labada xaraf wata ka dhig C/hi iyo C/Qaasim kuwa halka watana waa Xuseen Caydiid, Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi. Maalmihii ugu dambeeyey SRRC (NaOH) waxaa iskula jiray Kornayl C/hi (Na) Xuseen Caydiid (O₂) iyo Maxamed Dheere (H₂). Sidoo kale qolyaha ka soo horjeeda SRRC oo lagu sheegi karo Golaha Samatabixinta ama Carta ama waxaad rabtid waxaad siisaa HCl. C/Qaasim wuxuu qaatay “Cl” halka Muuse Suudi uu qaatay (H₂). Hadda markii Carab iyo Carta la isla aaday oo wax la isku shaandheeyey oo la yiri haloo gudbo wajigii seddexaad waxaa la arkay maxsuulka kor ku qoran:

NaOH + HCl → NaCl + H₂O.

Sidaad masxuulka ku aragtaan labadii jilib-culus waxay is haystaan gacmaha (NaCl) halka kuwii kale biyo noqdeen oo “daadku qaaday”.

Labada jilib-culus markay qarsoodiga isku arkayeen waxay dhaheen sideen ka yeelnaa biyo. Waxay dhaheen soowtay akhbaartu nagu soo gaartay: biyo meel dheer baa la saaraa iyagaa tog u arooriye dabadeedna sidii bey yeeleen ilaa Xuseen Caydiid god loo qoday (xabsi). Waxay dhaheen waxaa naga maqan curiye labo xaraf loo soo gaabiyo oo la yiraahdo kaalshiyam loona asteeyo “Ca”, Soomaaliduna u taqaan Caato oo ah lafdhabarta dagaal-oogayaasha koonfurta. Arrinta Caato waxaa loo kuurgalayaa maalmaha ina kusoo aaddan haddii Ilaah ogolaado.

“ Adoo hargeli waayey (gaajo darted) malaguu soo hargalay” (lagu soo martiyey). Haddee qab-qable kaliyaa qaran dumin kara ee bal suurayso C/Qaasim iyo C/hi oo is helay. “waa mugdi midba mid dul fuulay”.

Xuseen Caydiid taageero kama helin shacabkii muslimiinta ahaa ee Soomaaliyeed sidoo kale baasaboorkuu watayna wax u tariwaa. Kaaga darane wuxuu gacantiisa ku watay “saxiifaddii Mutalamis”. Soomaali ahaan dheh wadkiisii buu gacantiisa ku sitay. Waxaa dhici karta in C/Qaasim warqaddii ugu horraysay ee ku socotay C/hi uu u dhiibay Xuseen isagoo qoraya sidan oo kale:

Ku: C/hi.

Ninkaan warqaddan kuugu soo dhiibay waa nin aad u dhiirran, uguna dhallin yar hogaamiye-kooxeedyada, waxaa intaas u dheer waa nin dhoofi kara (haysta sharci Maraykan) marka arrintiisa u dhammee.

Waxaa dhici karta in Xuseen markii warqadda lagu dul akhriyey uu farxay oo is yiri wax walba waa lagaa taageerayaa ilayn waa isagii maalintii isku keenay labadoodee laakiin u dhammeedu waa khaarajin toos ah ama mid siyaasadeed. Haddii maanta Xuseen la soo daayo maxaa u harsan? Hadda waxaa u furan inay labadoodu dhahaan wasiir baan ku siinaynaaye afkaaga hayso waana ku khasbanyahay. Haddaad i rumaysan weydaan bal arka Xuseen Caydiid oo leh madaxweyne ama ra’iisul wasaare ayaan isu taagayaa haddii uusan waalnayn. Hadduu waasho waxaa ku filan in la yiraahdo tuug baad tahay.

Qadaafi, Ismaaciil Cumar Geele iyo Zenawi waxay isku raaceen in labada jilib-culus ay Soomaali isu keeni karaan. C/Qaasim wuxuu keeni karaa Xamar, Kismaayo, Baydhabo iyo Marka halka C/hi keeni karo Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag qayb ka mid ah iyo Jowhar.

Kollay anigu waan ka faa’iidey wejiga seddexaad ee shirka maxaa yeelay waxaan ka reystay dacaayaddii ahayd Carta iyo C/Qaasim baad la jirtaa ilayn “rag Carta wada noqoye” laakiin waxaa dhici karta in berri la yiraahdo Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi baad la jirtaa.

Waxaan arkay dad sheegtay inay golayaal Soomaaliyeed hogaamiyaan oo Xuseen Caydiid difaacaya oo leh hala soo daayo! Runtii anigu waxaan jeclaan lahaa in xabsiga loo sii kordhiyo. Sabab? Soow ma aha ninkii shalay isagoo Itoobiya, Kenya iyo reer Galbeed istusaya lahaa waddanka Soomaaliya waxaa jooga belaayo iyo aragagixiso? Wuu yahay. Maxay yihiin golayaasha Soomaaliya matalaya oo leh Xuseen waa nin nabaddoon ahe hala soo daayo? Taasi waxay caddaynaysaa inaynaan aqoon waxa noo fiican iyo waxa noo daran. Arrintaas yaabka leh dooddeeda waxaa laga sugayaa shacabka Soomaaliyeed.


C/Waaxid C/hi Khaliif
Minneapolis + St paul, MN, USA

cabdulwaxid@hotmail.com 


Faafin: SomaliTalk May 28, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]