SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 29, 2004

Maxay ka oran hal-abuuradu dowladda cusub

C/Waaxid C/hi Khaliif


MPLS/St.Paul, USA

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 


Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.


Haddii Madaxweyne loo doorto kornayl C/hi, ra’iisul wasaarana C/Qaasim, wasiirka difaacana Maxamed Dheere, kan arrimaha gudahana Muuse Suudi, waliba kan dibaddana Xuseen Caydiid marka maxay curin hal-abuuradu?

“nooloow ma daaloow” miyaa la qaadin mise “nabee nooma talin maskax nooga roon magacaa ha jiro”? Haddii kale “xooggii baa dadaaloo xukanka dalka haystee, dadkiina waa ku raacee, hambalyo diirran hooya”.

smallpox
Ali Maow Maalin
Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Eeg halkan

Waagii Furuqu ka jiray Soomaaliya baan arki jiray wasaaradda caafimaadka oo soo qorta waraaqo ay ku leedahay: soo sheeg qof furuq qaba dabadeedna qaado labo boqol. Anigu waxaan leeyahay qofkii keena hal wax oo lagu ammaano nimankaas, ha qaato $2000. Qofkii keena wax macquul ah ooy ku fiicanyihiin waxaa loo saarin guddi, haddii lacagtaas loo xukumo waa la bixin. Tusaale ahaan haddii taageere dagaal-ooge uu dhaho hebel waa geesi waxaa la oran yuu gooyey? Hadduu cadow gooyey oo halkaas garaado ama bilad ku qaatay waxaa loo xukumin lacagtaas laakiin hadduu dhaho gacal baan dilay haddee taas geesi laguma noqdo.

Hal-abuurada waxaa u furan inay dhahaan:

“Dadkii aad disheen baa gudaha iyo dibaddaba hambalyo kuugu deeqee nooloow ma-daaloow”. Ama “nabee nooma talin, nacab nooga daran, nabsigeen ha helo”.

“Dowladda cusub” waxaa la filayaa dhamaadka Luuliyo ama bilowga Ogoosto marka maxaan dhahnaa”

“Ogoosto waa dareen hulaaban oo Soomaali la darsee Ogoosto. Derisyadaa (Itoobiya & Jibuuti) dadaaloo, xukunka dalka haystee,dadkiina waa ku raacee hambalyo diirran hooya. Dulli beynu yeelnay Ogoosto, dayday baa riyaaqay Ogoosto, ergadaa diyoowday Ogoosto, xaqii baa la duugay Ogoosto, daalin baa la doortay Ogoosto, dabin baa la qoolay Ogoosto. Derisyadaa dadaaloo, xukunka dalka haystee, dadkiina waa ku raacee hambalyo diiran hooya.

Kollay anigu “madaxweyne C/hi” Waxaan ku soo dhowayn doonaa gabaygii Allaha u naxariistee C/hi Suldaan Timocadde ee ahaa:

Sarreeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee (kursiga) kanna siib (kabaha yar yar) kaana saar (kabaha waaweyn gasho).

Waxaa sheeko ahaan buugta Af-Soomaaliga loogu qoray in mar nin reer Qansax ah uu reer Qurac wax ka dilay dabadeedna uu u tagay reer Qansax. Markii waxgaradkii reer Qansax shiray ayaa go’aan lagu gaaray inaan fadhi jirin ee meesha laga guuro maaddaama ay qolo kale wax ka dileen. Sidii baa go’aan lagu gaaray oo beesha caynka hoosta looga geliyey. Geeddigii baa dheeraaday oo waxaa la dhaafay meesha uu reer caadi ahi u guuri karo. Oday il-dab la oran jiray ayaa yiri reer-furid ma jirto oo dabadeedna horay usii socday. Goor habayn barkii ah ayaa waxyar la nastay isla subixii horana waa laga booday. Maalintii dambe duhurkii oo qoraxdu aad u kulushahay ayaa waxaa is hayn waayey kii wax dilay oo odaygii ka dalbay in reeraha la furo. Il-dab wuxuu yiri adkeyso arrintu waatii aad bilowdaye.

Hadda haddii guurtidii ka socotay “culumo”, hogaamiye-dhaqameedyo, “aqoon-yahan”, siyaasiyiin, ganacsato iyo waliba dumar ay noo dooreen in nimankaas aan kor kusoo xusay qaataan jagooyinka u sarreeya waddanka, shacabkuna ka aammusay oo ka gilgilan waayey. Marka aan adkeysi yeelanno. Qofkii hadhoow cataaba Soomaali kama dhalan.

C/Waaxid C/hi Khaliif

Minneapolis/St. Paul, MN, USA

cabdulwaxid@hotmail.com 

»"Waayo-aragnimo la'aaney ba'" [C/Waxid]


Faafin: SomaliTalk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD