SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 8, 2004  
U-Hanbalyeeya C/waaxid

Axmed Cige Cabdi.
Garoowe, Somaliya

manusqaame@yahoo.co.uk

Horta Asalaamu Calaykum, anniga oo dareensan in aad tahay nin ay Harti nacaybku buun buuniyaan, dhawaana shabakadi kuugu dooratay si caddaalad daro ah iyo musuq maasuqnnimo ku dheehan tahay,qoraaga maqaalada ee shabakadaas , isla markaa aad moodid in ay Itixaadku Tarbiyada kuu soo qabteen oo aad ka soo tarbiyad qaadatay, maahmaahyada carabta iyo axaadiisna meel aanay lahayn dhiga ayaan horta, ku soo dirayaa maqaalkan,

waxaana arkay in aad si gaar ah xumaan ugu raadisid C/laahi Yuusuf Axmed (Adaallaahu Cumrahoo, wa katharallaahu amthaalahuu) iyo Qaabaa,ilka kale ee harti Sida Dhulbahante, oo aad moodid in ay Isaaqu si gooniya kuu mustafeeyeen in aad , raadisid xumaantooda iyada oo geed walba in gubtaa Hoostaalo.

waxaana jirtay maalin Laascaanood lagu qabtay Xaflad Riyaale laga saaray Laascaanood Xooga , oo aad tidhi marti waa la sooryeyn jiray, anniga oo jeclaa in aan arrintaas jawaab kooban kaaga soo qoro ayaan horta hawlo kale galay,

yaala sooryeeyaa ma ninka ku soo galay Laascaanood xoogga, iyo dhafoortaabashada, warmooge xaajo indhuhuu ka ridaa, haddaad Laascaanood Maalintii joogi lahayd Riyaale yimi, oo Aad dhiig leedahay in yar oo damiir ahina kugu jiro, mujaahidiintii Riyaale ka saartay Laaska ayaad ka mid noqon lahayd, oo sharaf iyo wanaag maanta aanu ugu rajeynayno Jannada.

Horta Riyaale Wuxuu Marti Noqon lahaa marka uu albaabka meeshii loogu talo galay ka soo galo, oo uu si sharafleh u yidhaahdo halay casuumo, anniga oo Riyaale ah oo Gidibiirsay ah, waayo Gidabiirsay iyo Hartiga waqooyi waxaa ka dhaxayn jiray Xidhiidh wanaagsan xilliyadii gumaysigu ka Jiray dalka.

Saaxiib C/waaxidood, waxaad u eegtahay nin ay ka muuqato Colaad C/laahi Yuusuf, Iyo Isaaq jacayl, dadku maanta waa labo, Nin Tolkii Danahooda Ilaaliya jahannamana Hala Gashee iyo mid Cadow u noqda Tolkii, Horta Hadaad Daarood Tahay , Oo Aad Hargeysa Tagto Waxaad Tahay Faqash, Hadii aad Harti tahayna laba faqash, Hadii aad Majeerteen tahayna Sadex faqash, waayo Moorgan, Cadceed, Kabtan Faalso OO Isaaqu U qabaan in ay dhibaatooyin u gaysteen, in kastooy ahaayeen rag dalkooda caddowga soo weeraray ka dhicinaayey, oo ay kaala mid dhigayaan oo Naxriisba kuu geli maayaan.

Markaa waxaan ku odhan lahaa Horta Soo hoyo , yaan dhex dhexe dhurwaa kugu cunine.

oo waxaad ku gawracan tahay C/laahi Yuusuf Ilaahay caafimaadka ha u siyaadiyee, waxaana jeclahay ta alle waa halkeedee, in uu xukunka qabto inta aanu dhiman oo uu kaga Nixiyo ku waxma garatada ah ee adiga oo kale ah ee sida aan tooska ahayn loo adeegsado, cimrigase ilaahay ayaa haya, maanta waxaa loo baahan yahay C/laahi oo kale,waan ku arkay in aad qoraaladaada haddii aadan ku soo darin xumaanta C/laahi Sida Isaaqa in aanay kuuba ahaan, Tolow imisa jeer ayaad masaxdaa qoraalkaaga adiga oo marba meel ka soo galinaya C/laahi Yuusuf Axmed ilaahay Cadowgiisa ha jabiyee.

Waxaan aamin sanahay sida Jaamac Jilicow Jaamac, Ama Jaamac Carta Jaamac, waa odaygan yara ee aad leedahay 400 oo ergay ayaa doortee in aad tahay nin jilicsan oo aan Dadka iska dhicin karin , isla markaana aad ku qarinaysid dhaliilahaaga, qoraaladan, annigu horta waxaan joogaa dalka , maalin dhaweyd waxaa lay tusayey meeshii jaamac cali jaamac ka booday, iyo gurigiisii, waxaan idhi waar ninku shaw ilaahay uunbaa ceebta la doonee, waaba waxba yahay, muu dagaalamo, muddo, lix bilood ah ayuu dekada iyo dadkoo ogol haystay, waxba waa qaban waayey, askartii waa ku dulbakhtiday, karti uu wax ku maamulo ayuu yeelan waayey, tulkiina intay itixaad kaashadeen ayey qudaacu duruq isu badaleen. waar maanta Isaaq iyo Hawiyw waxaa iska dhicin kara nin Foostooyinka daloola ee ay dhaaminayaan , la dhaamiya oo ay marka danbe yidhaahdaan waar kanaaba innaga daran oo ay miyirsadaan.

Soo xiridda xudduudaha Somaliland ma xariggii Buurmadoow bay noqotay
Qore: C/Waaxid Khaliif Guji March 7

C/hi Riyaale ma iska Difaaci Karaa? C/waxid  Dec 24, 2003

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo maanta si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood  Caddaani Dec 7, 2003

Qoraalkana waxaan horta kuugu soo diray in aan kuugu hanbalyeeyo, maqaalkii ugu danbeeyey, oo aanba la yaabay oo aan idhi waar heedhe heshiiskii ka dhexeeyey C/waaxid iyo Isaaqa maxaa ku dhacay , ilayn waa kii waligiiba garabka siin jiray Isaaqa iyo Qorshahooda'e.

waar mise C/waaxid waa arrin aad taxriid ahaan, ama dhiiri galin aad Isaaqa ugu Qoraysid Inay Dhulbahante Weeraraan, sidani si kaleba ka darane, akhristayaal miyaan qaldanahayde.

Hadii ay kaa ahayd Figrada aan laga danbayna waad mahadsan tahay, Hadii aad ku guubaabinaysid Isaaqana walahaa kugu Rararan.

Axmed Cige Cabdi.
Garoowe, Somaliya

manusqaame@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD