SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May11, 2004

Waxgaradka Beesha Sacad Habargidir oo ka digay dhibaato ka dhalan karto haddii shan jufo oo Sacad ah ay Qaataan Xubnaha Baarlamanka ee Beesha...,Kuwaas oo kala ah.

Waxgaradka beesha Sacad ee Miyi iyo Magaalo ayaa Markii ugu horeeysay Shaaciyay Inay dhibaato ka dhalan karto hadii Xubnaha baarlamaanka beesha Sacad ka soo gaaro ay qaataan shan Juffo oo Sacad ka mid ah kuwaas oo kala ah=

Reer hilowle, Reer Jalaf, Reer Nimcaale, Reer Ayaanle iyo Cabdalle.

Waxgaradka ayaa sheegay inay Jiraan Arrimo Badan oo dhibaato ka dhalan karto hadii shantaas Juffo Qaarkood ay Qaataan Xubnaha baarlamaanka ka soo Gaaro beesha sacad.

Qodobka Ugu horeeyo ayaa ah In Siyaasiyiinta beeshaas aysan marna si khilaaf la.aan ah u qeeybsan doonin Xubnaha xitaa haddii iyagga loo daayo Maadamo ay Shirka ku sugan yihiin Siyaasiyiin Farabadan oo hadana aysan Macquul Noqon karin inay isku daayaan Qeeybta,waxaa ayna Waxgaradka sheegeen inaysan Munaasib la aheyn In Sanadkaan Jufooyinkaas shanta ah la siiyo Xubnaha baarlamaanka.

Waxgaradka Waxaa kale oo ay Tilmaameen In ,jufooyinkaas ay ka soo jeedaan,hogaamiyayasha ku jiro Liiska Saxiixayaasha iyo Kuwo Musharax doon ah.sidda Xuseen Ceydiid,C/llaahi Cadoow,Cusmaan Caato,Saciid Bulbul.

Waxgaradka waxaa kale oo ay soo qaateen Tusaalooyin farabadan oo Muujinayo inaysan Sanadkaan yeelan Xildhibaan Beelahaas Sacad Waxaana Ugu Weyn shantaas beelood oo mudooyin badan soo qaatay xubinimo Baarlmaan,Sidaas darteed waxaa ay waxgaradka ku talinayaan in sanadkaan Xubnaha baarlmaanka Loo daayo beelaha kale.

Sidda ,Oowbakar Culus, Indhayar, Lugayare,Sinoole, Farale,Reer Barkhadle, Reer Cabdi, Reer Max,ed,Reer Qurdhaale, kuwaas oo Xaq u leh inay Markoodda Fariistaan kuraasta baarlamaanka ee beesha hesho.

Waxgaradka Sacad waxaa kale oo uu Tilmaamay inaysan Macquul Noqon karin in Hogaamiyayaasha Wax soo xulayo dhaqanka iyo iyaasadaba ay soo xulaan Xubno ku Juffo ah,Maadaama dhamaan dhaqanka iyo siyaasadaba ay yihiin shantaas beelood oo qura.

Hogaamiyaasha dhaqanka Sacad ee Gullufka Ugu jiro inay wax ka soo xulaan baarlamaanka waxaa ka mid ah=

Salaad Ducaale Kaahiye,Xaaji Max,uud Cabdi,Xasan Max,ed Cabdi dheere, Cabdi Nuur Qeeyd dhooleey(AFWAAX) Axmed Ducaale Geele Xaaf, kuwaas oo iyagana khilaaf ka dhex muuqdo Qudhooda iskuna jufo ah.

DSi kastaba ha ahaatee Arrinkaan ka soo yeeray Waxgaradka beesha Sacad ayaa laga Warsugayaa sida uu ku hergalo iyo sidda eex La,aan hogaamiyaasha Sacad ugu garaabaan Beelaha aan Taariiqda Soo gelin Xubinimo Baarlamaan.
hadalkaanina Waxaa uu ku soo aaday Xilli uu jiray Guux farabadan oo ku aadan Cida Xubin baarlamaan u Matali doonto beesha.


Dahir Abdulle ALasow,Nairobi kenya
asoj@hotmail.com 


Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2004

Dawladda Imaaraadka oo Diidday in ay viso ku Dhufato Baasaboorka Soomaaliga
iyo Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Buulo xaawo... Guji May 10

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD