SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May11, 2004

 

Jimcaale Xaayow oo ku Geeriyooday Magaallada Muqdisho.

 

Jimcaale Xaayow oo sanadihii toddobaatameeyadii illaa sideetameeyadii ahaa ciyaaryahan si aad ah looga yaqaannay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ee dhinaca Kubadda Cagta ayaa shalay subax ku geeriyooday degmada Boondheere ee G/Banaadir.

 

Jimcaale waxaa geeridiisa ka naxay Bahda Isboortiga, wuxuuna waqtigan ka mid ahaa tababareyaasha sida aadka ah looga yaqaanno dalka, wuxuuna soo saaray kooxo fara badan oo Kubadda Cagta ah, waxaana halkan tacsi uga diraya Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka Kubadda Cagta, xiriirrada kala duwan, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir iyo Bahda Isboortiga, waxayna leeyihiin RABBI naxariistii Janno ha ka waraabiyo.

 

W/D Amiin yuusuf Khasaaro

<><><>

Tacsi geeridi ku timid Jimcale Maxamed Xayow(laacibki Fiat)

Magaca Eebe ayaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariisto
Ka / Dhamaan bahda Sportiga meel walba oo ay joogaan.
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Waxaana annaga oo aad ugu tiiraanyaysan geeridi ku timid mid ka mid ah laacibiinta kubbadda cagta Soomaaliyed soo maray waagi beri samaadka ee dalkeena Walaalkeen Jimcaale Maxamed Xaayow(Gaashaan-yare) tacsi u diraynaa xaaskaiisa iyo caruurtiisa iyo dhamaan ehelkiisa meel walba oo ay joogaan ,Jimcaale waxaana Ilaahey uga baryeynaa in uu ka waraabiyo jannatal firdows,amen.annagana ilaaheey samar iyo imaan naga siiyo.

Jimcaale ,taariikhdiisa xagga sportiga guud ahaan iyo kubbada cagta gaar ahaan ma’ahan mid lagu soo koobi karo qoraal gaaban ,Jimcaale wuxuu ahaa laacib firfircoon oo ka muuqdo garoonka kolku uu kubbadda dheelayo ,Jimcaale wuxuu ka mid noqday xulka qaranka Soomaaliyeed dhowr jeer,sidoo kale wuxuu ahaa laacib kubbadda kolayga dheelo kana mid noqday mid ka mid ah kooxihi koowaad ee kubbadda kolayga, Jimcaale waxaa kale oo uu dowr lama iloowaan ah ka qaatay kor u qaadida tayada ciyaaraha sportiga Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kubbadda cagta waagi beri samaadka iyo tan iyo inti uu dalkeena ahaa dowlad la’aan, kuna jiray amni xumo aan si sahalo loogu sifayn karin haddala kooban.

Jimcaale wuxuu ahaa raggi ugu firfircoonaa ee dowr ka qaatay in ay garoomada ciyaaraha iyo bahda sportiga ka madaxbanaanaadaan ku abtirsiga qabiilka iyo dana guracan oo aan ka tarjumayn waddaninimo ruuxi Soomaaliga ah.
Waxaa tacsidan ehelka Jimcaale u dirayo dhamaan bahda Spotiga meel walba oo ay joogaan,waxaa kale oo tacsidan ehelkiisa u dirayo ah Garsoorayaasha Soomaaliyeed ee ciyaaraha Sportiga guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa kubbadda cagta iyo kolayga.waxaa iyagana tacsidan ehelka Jimcaale iyo asxaab tiisa u dirayo dhamaan dadweynaha Soomaliyeed gaar ahaan kuwooda aad u xiiseeyo ciyaaraha.

Waxaan Jimcaale ,Ilaahey uga beryaynaa in uu qabrigiisa u qaboojiyo ,janada firdowsana gurigiisa daa’imka ka yeelo,amen

Dhamaan bahda Sportiga meel walba oo ay joogaan.
Cabdullahi Mocallim Maxamud
Garsoore hore ee Kubbada kolayga
moallim10@hotmail.com



Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2004

Dawladda Imaaraadka oo Diidday in ay viso ku Dhufato Baasaboorka Soomaaliga
iyo Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Buulo xaawo... Guji May 10

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]