DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May30, 2004

Xamar iyo Xagaa Dacwadeed 

Xarunta Ibnu Baaz ee dacwada iyo hanuuninta ayaa lagu qabtay maalmihii khamiista iyo jimcaha 27-28/05/04 muxaadarooyin looga hadlayay mashaakilka haysta dhallinyarada iyo sidii xal loogu heli lahaa, waxaana ka mid ahaa mashaakilka la soo bandhigay:

1-   Duullaanka gaalada iyo adeegayaashoodu ku hayaan da'yarta oo isugu jira mid diineed, dhaqan, akhlaaq iyo miskaxeed oo loo adeegsanayo qalab iyo habab kala duwan oo ay ka mid yihiin: shineemooyin, idaacado, wargaysyo, buugaag, Internet, satellite, meelo dumarka lagu qurxiyo & photooyin oo dhammaantood ku dhex faafinaya dhallinta gaalnimo, faaxisho (macsiyo), afxumo, dhaqan xumo, mukhaadaraad, kubbad, ururro dhallinyaro, heeso, sheekooyin fool xun iwm.

2-   Jahli iyo tarbiyo xumo haysata ubadkeenna oo u sahlaysa cadawga in uu ka shakisiiyo diintooda isla mar ahaantaasna uu ku diro dhaqanka islaamka iyo akhlaaqdiisa, ayna moodaan waxa gaaladu ugu yeerayso horumar iyo xaddaarad.

3-   Walwal iyo jaahwareer ka dhashay firaaqada oo ku habsaday dhallinta aakhirkana ku ridi kara dabinka cadawga ama ku kallifi kara inay ka qaxaan dalkooda oo ay ku go'aan badaha, saxaarayaasha ama baraf ku laayo darfaha adduunka, waxaa kale oo qaarkood ay ku biiraan kooxaha dooxatada ah, si ay uga fakadaan iska fadhiga iyo isla hadalka.

4-   Mashaakil xagga bulshada ka yimid oo ay ka mid yihiin: isku dhex jirka ragga iyo dumarka, hoosaynta xariirka waalidka iyo ubadkiisa oo sahlaya in cadawgu cidla ka qaato, xariirka waalidka iyo macallimiinta oo liita, hooyooyinka ka baxaya guryohooda iyo aabbayaasha oo joogistoodu ku yartahay guryaha, qaadka iwm.

Mashaakilka la soo bandhigay oo aan ku koobnayn intaan ayaa mid walba la daba dhigay xalkiisii, waxaana ka mid ahaa xaluusha la soo jeediyay:

1-   In loo qabto dhallinyarada jaamacadaha iyo dugsiyada sare Seminaarro diini ah oo lagu wacyigalinayo wiilal iyo gabdhaba xilliga xagaaga ee fasaxa ah.

2-   In dufcadii soo dhammaysata Seminaarka ay helaan kooras bil ah oo ay ku baranayaan tafsiir, xadiis, caqiidada islaamka iyo siirada nabiga, waxaana u raaci doona muxaadarooyin gaar ah.

3-   In dhallinyarada loo sameeyo goobo ay ku kulmaan iyo shaqooyin ay ugu adeegayaan diinta iyo bulshada, taas oo keenaysa in ay iska kaashadaan ka hortagga dabinnada loo qoolayo.

4-   In ay ugu baxaan gobollada ku dhaw dhaw Muqdisho socdaallo dacwadeed ka dib marka ay dhammaystaan koorasyada wacyigalinta ah.

5-   In la isku xiro dhallinyarada xaafad walba ka dibna ay ku xirmaan masjidka xaafaddooda ayna ka qayb qaataan hawlaha dacwadeed iyo bulsho ee xaafaddooda. 

Si hawlahaas loo hirgaliyo ayaa laga dalbay dadwaynihii ka soo qayb galay in ay ku tabarucaan lacag lagu hirgaliyo Seminaarradaas lagu badbaadinayo ubadka Soomaaliyeed ee cadawgu boobayo. Sh. Xasan maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa culimadii soo jeedisay muxaadarooyinka ayaa sheegay in ay caadada muslimiintu ahaan jirtay in ay hawlaha islaamka ku qabtaan maalkooda, naftooda iyo carrabkooda, mana jirin bangiyo nabiga iyo asxaabta xoolo u yaalleen iyo dawlado taageero la waydiisan jiray toonna ee nin walba waxa uu karo ayuu kaga qayb qaadan jiray maalgalinta hawlaha islaamka, wuxuuna sheekhu ugu yeeray in ay u istaagaan wax u qabadka dadkooda iyo diintooda, garna ma aha ayuu yiri: in ilmeheenna lagu gaalaysiiyo shilimaan gaalo ka soo aruurisay kaniisado iyadoo aynu xoolo iyo aqoonba haysanno. Ka dib waxaa la bilaabay naadadii lacagta waxaana lagu guulaystay in la uruuriyo lacag lagu qaban karo seddex kooras oo ay mid ka mid ah ku yaboohday gabar ka mid ah gabdhaha muxaadarada ka soo qaybgalay. halkii marba waxaa galaya kooraska 500 oo arday. Waxaana maamulka xarunta Ibnu Baaz isla markiiba sheegay in kooraska ugu horreeya loo qaban doono 500 oo gabdhood uuna soconayo 5-17/06/2004. waxaana ka qayb qaadanaya bixinta duruusta culumo iyo aqoon yahan kale oo ku tabarrucay aqoontooda. 

Waxaa kale oo toddobaadkaan la qaban doonaa kulamo kale oo hawshaan lagaga qayb qaadanayo, si ay u suurta gasho in wacyi galin loo helo tiro badan oo ka mid ah ardayda wax ku barata Muqdisho oo kor u dhaafaya boqol kun. Waxaa kale oo qorshaha ku jira in xagaagaan loo diro magaalooyinka iyo tuulooyinka ku xeeran Muqdisho kooxo culimo, ducaad & duqow isugu jira oo dadka ku soo baraarujiya diintooda una soo kuurgala nolosha iyo xaaladda walaalohooda ku nool deegaannadaas. 

Waxaa kale oo aad muhiim u ah in dhammaan gobollada dalka laga fuliyo Seminaarradaan oo kale, dhab ahaanna uma baahna wax wayn ee halkii seminaar ee loo qabto 500 oo arday waxaa ku baxaysa $500-650 waxaana bixin kara hal qof kaliya, lacagtaasna waxaa loo isticmaalayaa abaalmarinno dhiirri galin ah, duubista, warqadaha diiwaangalinta, kaararka, shahaadooyinka iyo cabbitaan, sidaa darteed waxaa loogu baaqayaa walaalaha inay kaga qayb qaataan hirgalinta Seminaarradaan iyo guud ahaan faafinta islaamka wixii awooddooda ah. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada Soomaaliyeed
dacwah@hotmail.com

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Faafin: SomaliTalk.com 

. Sirtii Quixtar oo La Fashiliyay
. Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka
. Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD