| w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- KENYA
|
WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
May 5, 2004
Ergada Somalida ee ku sugan xarunta
shirka ee Mbagathi oo cunto la'aan soo wajahday kadib markii.......
Ergada Somalida ee ku sugan xuranta wada hadalada soomaalida ee
Mbagathi,ayaa maanta (May 4) waxaa lagu soo rogay xaalad Cunto
la'aan,kadib markii ay uu Guddamiyaha Shirka Mbagathi Ambassador
Kiplagat uu amar ku bixiyay in ergada maanta cuntada laga joojiyo,
maadaamo la dhaafay xiligii loo qabtay ergada.
Qorshada IGAD ee ah in ergada lagu soo koobo 203,Si kastaba ha noqotee
arintan ayaa u muqaatada in qorshaha IGAD aheyn mid la fududeeysan
karo,maadaamo uu hadalkaas horey u soo jeediyay Wasiirka Arimada Dibada
Kenya Kolonzo Kusyoka, oo dhanka kalena ay taageero u muujiyeen Deeq
bixiyaasha Shirka, oo iyagu sheegay in shirka ay ku baxday dhaqaalo aad u
badan, loona baahanyahay in ergada la yareeyo.
Dhanka kale warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaankaro, ayaa iyagu
maanta waxa ay inoo sheegeen in ay IGAD ay gursheynayso, in ay Eragda u
diyaariso Dayuurada lagu daad gureeyo ergooyinka somalida.
Sidoo kale DKMG-ka Iyo Golaha Samato bixinta Qaranka somaliyeed, ayaa
iyagu waxa ay bilaabeen qorshe ay ku daad gureynayaan,Ergadoodii ka
dagneed hoteelada kala ah 680 , Madiriyan , KCCT iyo waliba Safari Parki
Hotel ,iyagagoo u uguuriyay hoteelo ku yaala Xaafada islii.
Si kastaba ha'aahaatee xaalada cunto joojinta iyo guri ka saarida
ergada ee maanta soo wajahday,ayaa waxa ay noqotay mid ay eragooyin badan
ay ka wawdaan,sidoo kale warar hoos hoose oo aynu sidoo kale ka helnay
golaha SRRC-da ayaa iyaguna waxa ay sheegaayaa in ay gabihaanba warqad
aysan gudbin doonin Guddmiyah Shirka,kana qeyb qaadandoonin wajiga
sadaxaad ee shirka, hadii uu wasiirka ka laabanin qoraalkiisii ahaa in
ergada laga dhigi 203.
Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi, Kenya
nasrudiin5@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|