SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 5, 2004

Aamus Ciraaqeey Soomaaliba kulamid bey aheyde!

Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com 

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2
Waxey ahaayeen sawirro laga naxo sida ay ula dhaqmeen ciidamo ku sheegii la geeyey dalka Ciraaq ee u hub iyo saanad arruursaday iney xukunka ka ridaan madaxweyne dunida muctarif ka ahaa.

Madaxweynahaasoo u muuqday mid la eeday xukunkiisii adkaa ee muddo dheer kala talisnimada ku dhaqmayey.

Sanadkii hore maanta oo kale dadka reer Ciraaq guud ahaantii in yar mooyee waxey u muuqdeen kuwo xiiso badan u qabay gumeystaha cad ee u sheegay iney Saddaam Xuseen iyo hubkiisii sida darran wax u gumaada hadafkooda yahay, kadibna ay tallada ku wareejin doonaan Ciraaqiinta marka ay timaado waqti ku haboon. Balse maanta oo ay sanad ka soo wareegtay duulaankii garrdarada ahaa, dadku waxey ka tooseen hurdo dheer oo ay ku jireen. Waxaase habooneyd ka hor inteysan aqbalin ciidamada awooda isticmaalayey iney dadka Soomaalida ah wax ka weydiiyaan nabada iyo dowlad la'aantu waxey tahay. Malaha waxey heli lahaayeen tallooyin wax ku ool ah.

"Nasiib xumase tallo iskuma kaa sheegto horaa Soomaali u tiri" Oo dadku waxey ku waaberiisteen 20 kii Maarso 2003-da, sawaxanka madaafiicda iyo gantaalaha laga soo riddo diyaaraha AC 16, kuwaasoo si naxariis darro ah u duqeynayey magaaladii Xadaarada Islaamka ee Bakhdaad.

Hadaba wargeyska Daily Mirror iyo telefeyshinka CBS, waxey ahaayeen warbaahin ku sheegta xorta ah ee daaha ka rogay xogg oo indhaha caalamka ka qarsooneyd kuna saabsan falalka waxashnimada leh ee ay kula dhaqmaan dadka ay dhulkooda qabsadeen.

Shaki kuma jirro in sawirada foosha xun ee la soo qaaday xabsiga Abuu Qureyb, iney yihiin kuwo aad looga xumaado lagana baxsho camaabreyn xoog leh xitaa madax ku sheega labada dal ee xooga ku qabsaday dalka Carbeed ayaa laftooda sheegay iney yihiin wax laga naxo damiirkana uu diido.

Balse su,aashu waxey tahay siddee loola dhaqmayaa dadka damiirkoodu liito ee xumaanta intaas la eg geystay ciqaabta ay mudan yihiine miyaa la siinayaa?

Hadaba arrintani sida ay u muuqato waa mid aan wax badan laga qaban doonin, balse waa mid dib u noo xasuusineyso hadaanu nahay Soomaali mid lamid ah tan iminka loo geystay maxaabiista reer Ciraaq. Horaantii sagaashameeyadii ayey ciidamo ku sheeg loo diray dalka Soomaaliya ay ku kaceen falal ka dhan ah bani,aadnimada. Waxaana laga xasuustaa sidey ciidamadii Belguim ee ka howl galay Kismaayo ula dhaqmeen dadkii maatada ahaa, sidoo kale Talyaaniga iyo Kanada ayaan iyaguna wax naxariis ah haba yaraatee aan u muujin dadkii rayidka ahaa ee goobahooda ka talinayeen.

Sanado kadib ayaa qiil loo sameeyey ciidamadaasi gumaadka darran u geystay bulshada Soomaaliyeed.

Xukuumadda Kanada ayaa iyadu bari ka yeeshay qaar kamid ah askarteedii waxaana ay ku sheegtay inuu ku dhacay cudurka duumada, qaarkoodna ayba waali ka soo qaateen. Halka Talyaaniga iyo Belguim la dhowrayo weli cadaalada ay u adeegsadeen kuwii kale cawaanimada ku dhaqmay.

Sidaas aawadeed dadka reer Ciraaq guud ahaantii waxaa maanta haboon iney dulqaad u yeeshaan xanuunka ay leedahay dowlad la,aanta iyo gumeystaha hadafka fog leh ee saaran.Dadka Soomaaliyeed waxey yihiinba maanta wey hayaan faa,iidada ay leedahay dagaalo sokeey, nabad galyo xumo, qab qable dagaal oo aan siyaasad waxba ka aqoon iyo dowlad la,aan intaba.

Ugu dambeyntii dadka reer Ciraaq waxaan nasteexo ahaan u leeyahay iney wadaan halganka ay kula jiraan Gumeystaha Qarniga ee xorriyad ku sheega ku gabanaya. Taasoo haddii ay sii wadaan ay dhici kareyso iney gumeystahaasi ka tanasulo hadafkiisa wax gumaadka ah.

Uumus Ciraaqeey Soomaaliba kulamid bey aheyde!

Aaamus Ciraaqeey saxariista Soomaali baa idiin kaga horeysaye!

Aaamus Ciraaqeey Soomaali baan maareyn sidey u wajday dhibkeeda e!

Aaamus Ciraaqeey waad sitaan taageeradii dadka wax garadka ahee!

Dulqaadkuna waa dahab duliga idiin saaran waad ka baxeyseene!

Ikraam Cali-kaar

ikraam@journalist.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD