| w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- KENYA
|
WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
May 5, 2004
Urur Cusub oo Loogga dhawaaqay Nairobi
iyo Wareeysi aanu la yeelanay Afhayeenka ururkaas.
Dahir Abdulle ALasow,Nairobi kenya
Urur Cusub oo la
Magacbaxay Xisbigga Nabadaynta &Horumarinta Somaliyeed ayaa Markii ugu
horeeysay loogga dhawaaqay Magaaladda Nairobi.
Ururkaan loogu Magac daray SOMALI PEACE &DEVELOPMENT PARTY oo Xaflad
balaaran ku qabtay Xarunta KICC da waxa ka soo qeeybgalay Mas,uuliyiin
sar sare oo uu ka mid yahay Musharaxa C/llaahi Axmed Cadoow,Ra,isul
wasaare Max,ed Cabdi yusuf,Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid,Dahir
dayax,Max,ed Cusmaan dhagax tuur,Wakiilka qanyare Mr Caraale iyo
Mas,uuliyiin aad u fara badan ayaa ahaa mid xamaasad badan oo halkaas
laga jeediyay khudbado kala duwan.
Xisbigaas cusub oo gudoomiye loogu doortay Dr C/llaahi Axmed Karaani
ayaanu Xafladaasi kadib Wareeysi la yeelanay Afhayeenka ururkaas,Cabdi
Xakiin Axmed Ciise oo aanu ugu horeeyntiiba weeydiinay Sababaha loo
Aas,Aasay Xisbigaan?afhayeenka oo su,aashaas ka jawaabaya ayaa sheegay
inuu xisbigga loo aas,aasay sidii shacabka loo tusin lahaa inuu dhamaaday
xilligii qori ku faanka lana doonayo in loo gudbo xasilooni iyo wada
hadal.
Afhayeenka waxaa kale oo aan weeydiinay waxa uu qaban doono xisbigga ?waxaa
uuna kaga jawaabay xisbigga waxaa uu qaban doonaa hoowlo ay ka mid
yihiin,Nabadeeynta iyo horumarinta Somalida,ka hortaga xaalufinta iyo
baabi,inta bii,adda ama degaanka oo laga dhigay qaar la sumeeyay iyo
qaar la xaalufiyay taas oo ay sheegeen inay wadaan Somali damiir beeshay
iyo Shisheeye iimaan beeleey waa sidda uu hadalka u dhigaye.waxaa kale oo
uu sheegay Mr Cabdi xakiin Axmed inay u duuban doonaan sidii nabad gelyo
ula noolaan lahaayeen dalalka deriska iyo dunidda Caalamka.
Afhayeenka Mar aan weeydiinay ma laga yaaba inuu xisbigiinu qaado wadadii
ay maren xisbiyadii idinka horeeyay? waxaa uu yiri ma dhihi karo maya
maxaa yeelay waxaan nahay aadane,laakiin waxaan jeclahay inaan u
hoowlgalno si wadani ah,.
Mar uu ka hadlayay waxa iska bedelay Somaliya ee Maanta Xisbigga u
muuqdo?wuxuu farta ku goday dhaqankii Somaliya ay caanka ku aheyd oo guud
ahaan la hilmaamay 14ka sano.
Si kastaba ha ahaatee ururkaan oo gudoomiyaha loo magacaabay uu hoowlo
shaqo ugu maqan yahay Carigga Mareykanka ayaanan la ogeeyn ilaa iyo
hadda cidda ka dambeeyso siyaasad ahaan in la aas ,aaso iyo hoowlaha
dhabta ah ee uu qaban doono maadama aan la gaarin xilligiisii hoowlaha u
qorsheeysan uu ku dhaqaaqi lahaa.
Dahir Abdulle ALasow,Nairobi kenya
dahiryarestntv@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|