SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 5, 2004

Ugaas

Shaafici Xassan Maxamed
mi99mosh@chl.chalmers.se

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

«Ugaas» macnihiisu waa qof xumaan oo dhan ka hufan, oo afka carabiga wuxuu malaha u dhigmaa kalmadda «muqaddas». Weliba ereygaas carabiga ah wuxuu kaga sarreeyaa in uu «ugaas» afka soomaaliga ku leeyahay dhadhan macaan oo keena in loo bogo oo loo hiloobo qofkii ku sifooba ugaasnimo.

Markii qof ugaasnimo loo aqoonsado wuxuu dadka maskaxdooda iyo dareenkooda ku reebaa raad ah in ay u qaataan in uu si kasta u fiican yahay, waxayna caqiidadaas iyo rumayntaasi ugu xoog badan yihiin markii qofka wax rumaynaya ugaas loo yahay, oo ay ugaasnimadu asaga dugsi u tahay.

Qofka ugaaska ah muuqaalkiisu had iyo jeer waa uu qurxoon yahay, oo dadka uu ugaaska u yahay indhohoodu waxay tusaan in uusan adduunka ku noolayn dad iyo duunyo wax ugaaska ka sifoon oo ka qurxaansani.

Haddii uu ugaasku dadka aan aqoon la foolxun yahay, oo ay indhohoodu sawir khaldan tusaan waa beentood ee ugaasku xagga midabka waa qof aan aad u madoobayn, waxayna soomaalidu jecel yihiin dadka cascas ama xoogaa dhiigga furan.

Sidaas awgeed ugaasku waa uu ka nasahan yahay madow iyo carfadyo, oo wajigiisu firiiric iyo findoob midna ma uu laha, wuxuuna leeyahay dub ama oogo mullaax ah oo subkan oo aan aysan malaha weligeed basaasi taaban. Xagxag iyo nabarro midna wajiga ugaaska laguma arko, waxaana ka taagan san dheer oo ay waardiyeeyaan indho gulucsan oo ay suuniyohoodu iska fiican yihiin.

Ilkaha ugaasku ma ay madooba, lagumana arko mici jaban iyo gaws laga bixiyey, afkiisa oo dhamina ma uu xuma oo waa af ugaas. Shaarubkiisa wuxuu habeen kasta murxiyaa inta uusan hurdoon, garkana kor iyo hoos buu ka xiiraa, oo waa timo dheer oo sida ay u xalleefsan yihiin la moodo badeel cub. Cirro iyo xinni labadaba garka ugaasku waa uu ku qurxoon yahay, oo waa garka ugu fiican gebi ahaan gararka adduunka, siiba qaaradda Afrika.

Timaha ugaasku aad uma ay adka oo waa ay iska jilicsan, waana la shanleeyaa, waxaana maalin kasta ugu duuban maryo iyo koofiyad, isla markaas dharkiisa oo dhami waa dharka ay carabtu ku xarragoodaan nooca ugu fiican, uguna ajar iyo xasanaad badan.

Waa ugaas aan aad u gaabnayn, oo jirkiisa aysan wax ku kordha mooyi ee wax ka dhinmin. Waayadii hore waxaa gaadiid u ahaa dameeraha iyo awrta rakuubka ah, wuxuuse marmar iska fuulfuuli jirey fardo ama baqalo.

Hadda wax naf leh oo aan dumar ahayn ma uu fuulo, oo waxaa lagu wadaa baabuurro uusan asagu gadan, wuxuuna saaxiib lillaahi ah la yahay madaxweynaha jamhuuriyadda dimoqoraaddiga Soomaaliya iyo dad kale oo badan.

Hadalka ugaaska wax gaf ah laguma arko, oo waa uu ka mayran yahay khalad iyo taloxumo. Haddii ay dadka qaarkood moodaan in ereyo afka ugaaska ka yeeray aysan fiicnayn waa beentood ee wax kasta oo afka ugaaska laga maqlaa waa iska khayr.

Qofkii hadal uu ugaasku yiri aan u bogin oo iska aamusaa wuxuu niyadda ku haystaa uskag iyo denbi, isla markaas ruuxii dhalliila hadal ugaas waxaa magaciisa la yiraahdaa «fidmowale», oo wuxuu qasay ummad rumaysan ugaas muqaddas ah oo iska fiican.

Hadalka ugaaska waa loo hoggaansamaa, waana la jeclaadaa ee lagama fakaro, oo dadka kale caqligoodu waa in uu waafaqaa caqliga ugaaska oo suubban. Qofkii ay maskaxdiisa ku jirto aragti midda ugaaska ka duwani waa in uu markiiba maskaxda ka saaraa oo uu iska dhaadhiciyaa in aragtidaas uu shaydaan ku duufsanayo, ee ay aragtida ugaasku xaq iska tahay.

Waa ugaas! Waa ugaas aan marna gafin, oo lagu khasban yahay in hadalkiisa iyo aragtidiisa loo wada hoggaansamo. Markii hadal ugaas la maqlo waa in la xiraa daaqadaha caqliga dhammaamtood, oo xataa albaabada maskaxda waa in la qufulaa. Caqli kasta oo kiisa diiddan waxaa keenay «fidmowale».

Fidmowale! Waa qof kasta oo fakara markii hadal ugaas la sheego, oo maskaxdiisa ka raadiya wanaag iyo talo. Run ahaantii maskax aan midda ugaaska oo ballaaran ahayn wanaag kuma uu jiro, oo maskaxaha kale waa weelal lagu dhiteeyo hadalka ugaaska oo iska fiican.

Qofkii mooda in hadallada ugaaska lagu khasaaray oo ay dadkii ugaaska jeclaa sabool ahaayeen weligood wuxuu ku dhacay halaag, waxaana u furan in uu ka noqdo xumaantaas uu ku fakarey, waayo shaydaan baa duufsaday ee ugaasku marna ma uu gafo oo waa ugaaskii dhammaa oo la wada jeclaa.

Caqliga ugaaska ayaa daliil ah ee waayo-aragnimada dadka iyo waxyaalaha muuqdaa waa iska been. Qof kasta oo ugaaska khilaafay oo ku liibaaney waa been ee waxa uu liibaanta u qabaa waa fidmo uu moodayo in ay wanaag u tahay, waxaana taas daliil u ah in uusan marna fiicnayn qof aan ugaaska u hoggaansamini.

Dhibaato kama ay timaaddo ra’yiga ugaaska, laakiin waxaa laga yaabaa in ay qofqof tolka ka mid ahi moodaan in ay gaajada, cudurrada iyo arradka tolka ku raagey dugsadaan talada ugaaska! Taasi waa iska been, waayo Rabbi baa qaddarey in fakhri iyo gaajo lagu raagey. Waxaa kale oo uu Rabbi qaddarey in ay dad badani feero iyo tiifow qabaan oo aan takhtar loo hayn. Waxaa kale oo maqaaddiir ah in aan dad badan suxudsaaxud lagu arag oo aysan haysan wax ay cawradooda ku daboolaan.

Ma dadka ayuu ugaasku cunto la kala gaaraa, mase roob buu asagu hayaa?! Sow raxmadda Rabbi ma uu keen? Arratirka gaalo ayaa samaysa oo cawino haddii la waayey ma aha in ugaaska suubban laga xiisodhaco!

Xaggee la aadayaa haddii ugaaskii dhammaa la khilaafo?! Wixii ay dadku ku jeclaadeen buu qabaa ugaasku. Maa la arko «fidmowale» la jecel yahay? Haddii ay dadku sabool iyo bukaan wada yihiin waxaa ilaahay mahaddiis ah in uu ugaasku ladan yahay.

Geeliisa waxaa sanad kasta lagu daraa tuldo hor leh oo ay dadkiisu geelashooda ka soo xuleen. Arigiisa lama xisaabi karo, waxaana ka sii daran lo’diisa. Lacag intii uu rabo ayuu tolka ama dawladda la helaa, waxaana jecel ummadda oo dhan. Abaar kasta oo dhacda asagu wuxuu ku jiraa barwaaqo iyo ilaahay xamdigiis. Ma nin xun baa sidaas ahaan lahaa?!

Xaaskiisu ma ay jecla ugaaska, waxayna kula collowdey in uu aad u miisaan culus yahay, oo uu calool weyn yahay. Waxay kale oo ku nacday in uusan gurigiisa ku sugnayn ee uu shirar baas aado markii looga baahnaa in uu reerkiisa daneeyo oo dhaqdo. Aad buu u buuran yahay, waana uu maqnaan badan yahay!

Ayadu caqligiisa ma ay jecla oo waxay u aragtaa in uu maskax ahaan iyo jir ahaanba «waxmatare» yahay. Lacagta ay ku farraqaan dadka jeli iyo hadiyadaha loo keeno ayey iska dabaalataa, oo waxay u qabtaa in uu qabo ninkii ragga ugu liitey, haddana ay dadku iska jecel yihiin.

Gurigeeda waxaa soo dhoobta boqollaal tolka ka mid ah oo maalin kasta agteeda hogta. Waxay gabadha u agdhooban yihiin in ay tahay qof uu Rabbi doortay oo haddii uusan Rabbi jeclayn aysan u dhaxdeen ugaaska ay ummaddu wada jecel yihiin. Haddii ayada iyo ugaaska ay u dhaxdaa aysan xagga Rabbi ka fiicnayn dadku sidaas uguma ay hoggaansanaadeen, oo Rabbi baa labadoodaba doortay.

Ragga badan ee guriga ku xoomaa waxay gutaan oo fuliyaan labo arrimood. Midda kowaad waa in ay joogaan gurigii ugaaska oo ay khayr iyo darajo ku heleen arrintaas. Midda labaad waa in aan guriga ugaaska laga waayin wax la cuno, oo risaaqadda ilaahay badankeeda laga helo xaafadda ugaaska.

Tolka kale guryohooda badanaa waxaa ka oogan jiilaal, diihaal iyo dandarro, waxaana jooga dumar arradan iyo carruur qufacaya, laakiin ugaaska xaaskiisa iyo eheladiisu waxay ku xarshaashaan wax kasta oo fiican.

Xaafadda ugaaska ragga hogta ayaa dhaama ugaaska ay u hoggaansan yihiin, oo ay aabbayaashood aabbihiis u hoggaansanaayeen. Sidaas waxaa aamminsan xaaska ugaaska.

Malaha waa qofka keli ah oo aan ugaaska jeclayn, laakiin waxay jeceshahay rag ka ragannimo badan, oo ay isku barteen gurigeeda. Awalba nin bay jeclaan lahayd, waxayna jeceshahay ragga qaarkood. Waa rag u bogey udgoonka ka soo haada xaafadda ugaaska oo markii uu maqan yahay la sheekaysta reerka ugaaska.

Sida badan ugaasku shirar buu ku maqan yahay, gurigiisuna malaha waa guriga keli ah oo laga helo caraf iyo cunto fiican. Dadka iyo aqalkuba waa ay ka udgoon yihiin, waana ay ka qurxoon yihiin dadyowga iyo aqallada kale badankooda. Waxaa sanad kasta caloolgala ilmo hor leh oo ina ugaas ah, waana caadada soomaalida in ay carruur badani caloolgalaan.

Haddii uu ugaasku kun sano xaafadda ka maqnaado lama tebo. Haddii la tebo xataa xaaskiisu ka mid ma ay aha dad teba. Waxay neceb tahay maqalkiisa iyo muuqaalkiisa, waxayna dhashaa carruur uu ka mid yahay ugaaskii mustaqbalku, sidii ay haweeney horeba u dhashay ugaaska maanta.

Shaafici Xassan Maxamed

2-5-2004 Borkines Norway

mi99mosh@chl.chalmers.se

 QORAALADII HORE EE SHAAFICI

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004

 AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]