SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 5, 2004

RAGII SIYAAD EE HARGEEYSA EE SIDUU MACALINKA RABAY LAGU YIRI

 Baydan Samatar  
baydan@mail.com

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

 

14kii sano ee la soo dhaafay, S/land si kasta wax waa ku raadisay si riyada ah dawlad baanu nahay ay u dhabawdo. Markii hore Cigaal waa tuu Yuhuud baanu nahay iyo magacayagu Sheekh Isahaaq maahee waa Isak uu wax ku doonay isagoo waraaq haddaba laga heli karo "Somaliaonline" u qoray Rabin.

In muddo ahna, waxay wadeen waxyaabo taas la mid ah oo aad la yaabeyso ayna ka mid yihiin in ay Somalinimadiiba ay iska fogeeyaan shaqsiyaadka dhalashoodu ay tahay  reer Sheekh  Isahaaq ee madaxda ka ah mamulka waqooyiga Somalaaliya ama ka mid ah mucaaradkoodaba.

Waxaana maqlay islaantii Cigaal ay fadeexadda ku kala tageen ee la yiraahdo Edna oo leh Somaalidu diiinta oo qura ayaa naga dhaxeeysa iyo waxyaabo kaloo xunba. Dhinaca mucaaradkana waxaa jira nin isaguna ka soo jeeda reer uu Cawil iyo kuwo kaloo la mid ahba ay ugu yeeraan beelihii laga adkaaday oo la yiraahdo Feysal Waraabe oo isaguna lahaaa ,'Wiilka Addis jooga ayaa kan Xamar iga xiga' iyo "Aqoonsi weeynaye , aanu aar gudanu".

Si kastaba ha ahaatee, maamulka hadda ka jira Somaaliland iyo kii ka horeeyeyba waxay wadaagaan iyagoo wada ahaa intooda badan dhabadhilifyadii Siyaad iyo kuwii gacn saarka la lahaaba , una fiirso jadwalka soo socda:-

1.Cigaal          -     Ninkii dawladdiisa Siyaad uu afgambiyey oo oggolaaday in uu safiir u noqdo, la xiro loona dhiibto gudoomiyaha rugta ganacsiga!.

2.Riyaale         -     Isagu gaalada xataa sheeegid uguma baaxna , Hargeeysana C/casiis cali Bare ayuu la baxsaday eeg Kulmiye.com iyo Tolwaaye!.

3.Qaybe          -     Waaba wasiirkii Arrimaha dibedda ee Siyaad , qormooyinkiisna uaalaan UNka ee midnimada ku difaacayey  dagaalka ka dib!.

4.Cawil            -     Isaguna fasiraadiisa buuxda waxaad ka heleeysaaa  qormada Jaamac M. Qaalib ee Hargeysa.org.

5.Ednaa             -     Islaantii Was. Caafimaadka Siyaad dartiis looga baqi jiray, isbitaalka tabaruca lagu dhisayna ka bayac mushtarta!.

6..Waraabe       -     Odayaashii uu Siyad ku shaqeeysan jiran.

7.Madar           -     Isaguna No. 5 ayuu la mid yahay.

8.Ismaciil          -     Ninkii SNMta Hargeysa uga cararay markii Siyaad la riday oo ku si quus ah ugu yiri islaamihii raggoodu  lagu dilay halganka,                                 "Looma baahna islaan goblanta!".

Waxyaabahaas oo dhanna waxay ku tusayaan halka uu ku tuuray Cigaal calancastii  oo maanta gaartay heer uu Cawil ku hanjabo in Siilaanyo oo ahaan Gud. SNM uu sheego in la xirahayo inkastoo taas keeni laheyd dagaal kale oo bilaabma walow taas ay uga gudbeen in ay yiraahdaan xad ayan tagi karin ayaan tageeyna.

Marka haddaan intaas oo qura aan cabirkeeyga ku soo koobo , soo maaha wax  lala yaabo laguna qoslo in maanta dadkaasu ay ku dacwiyaan in Siyaad Bare uu dhib weyn uu u geystay . Tacabkoodiina maanta  Illaahay wuxuu ka dhigay in Ingiriiska uu yiraahdo "Never,Ever"  iyagoo gaalo ku xusay Hargeeysa, hooyadoodna ku sheegay Elizabeth in ay tahay iyo in ay yihiin agoontii Ingiriiska.

Waxaana cad in salfudeedka qaarkiis in uusan fiicneyn, ayna haboon tahay in qofka uu mar walba uu wax isula haro.

Baydan Samatar  
baydan@mail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004

 AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD