SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 6, 2004

Wararka Britain:

Hassan Salahuddin
Somalitalk.com
Bristol, Uk.

Kumaankun muwaadiniinta bariga yurub oo ku soo jeeda Britain:

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

Iskaashiga milatari, ka dhaqaale iyo ka siyaasadeed ee wadamada ku yaala qaaradan yurub oo xiliyo kal duwan marba heer marayay ayaa 1-dii bishan May ee aynu ku jirno si rasmi ah loogu dhawaaqay in ilaa 10 toban wadan oo ku yaala bariga qaaradan yurub ay muwaadiniintoodu fiise la’aan ku soo gali karaan wadamada kale ee galbeedka yurub oo iyagu dhaqaale ahaan iyo tiknoolaji ahaanba inbadan ka horumarsan kuwooda kale ee ku yaala bariga qaarada.

Meelaha ay diirada sida wacan ugu soo hayaan xoogsatada ka soo qulqluli doona bariga yurub ee u ooman dhaqaalaha iyo lacagtu waxa ka mida wadankan ingiriiska oo la filayo in dhawrka bilood ee soo socda ay boqolaal kun oo shaqo doon ah soo gali doonaan.

Dadka indha indheeya arimaha siyaasada wadankan ingiriiska ayaa sheegay in ay dadkaas ka soo qaxaya bariga yurub ee dhaqaale raadiska ahi horseedi doonaan dhibaatooyin cusub oo hor leh oo ay ka mid yihiin xaalada xaga guryaha ee wadankan ingiriiska oo imikaba ah mid aad u liidata in ay ka sii dhigi doonaan mid aad u xun, meelaha kale ee ay dadkaasi waxyeelada weyn u gaysan doonaa waxa ka mida xaga caafimaadka oo ay cidhiidhi galin doonaan cisbitaalada Britain oo imika ay ka jirto saxmad weyn.

Gudoomiyaha ururka madaxa banana ee loo yaqaano MIGRATIONWATHC(IM) oo ah urur caalimi ah oo isagu ka soo horjeeda soo galaytiga dadkan fadhigiisuna yahay magaalada London ayaa sheegay in haddii uu xisbiga labourku dadkaas albaabada u furo uu wadankan ingiriiska dadweynihiisa ku kordhin doono ilaa todoba magaalo ee leh baaxada magaalada Birmingham oo kale, Birmingham waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu dadka iyo saxmada badan wadankan ingiriiska waxaanay ku taala badhtamaha wadanka.

Si kasaba ha ahaatee dadkan la filayo inay soo galaan wadanka ingiriiska oo ka iman doonaa wadamada Poland, Romania, Hangury iyo kuwa kale ee faqiirka ah ee ku yaala bariga yurub waxaan loo ogolayn labada sanno ee hore ee ay wadanka joogaan waxa loo yaqaano BENEFITS, oo ah in ay dagi karaan guryaha bilaashka ee ay dawladu bixiso ama qaadan karaan lacagta loo yaqaano WELFARE-ka oo iyadana la siiyo dadka aan shaqayn.

Waa walaalkiin

Hassan Salahuddin

Bristol.

Uk.

salahuddin100@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2004

SAFARKII BRISTOL: Safarkan oo 5 xubnood oo dhalasho ahaan kasoo kala jeeda Soomaali, Denish,Tuki, iyo Albaani ay ku aadeen magaalada Bristol ee... Guji May 5

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD