Waxaa maalmahan oo dhan fagaaro kasta lagu hadal hayaa dhacdadii
naxdinta lahayd ee ku saabsanayd silicdilyadii iyo bahdilkii loo
gaystay Maxaabiista Reer Ciraaq ee dalkooda loogu yimmid.
Halqabsiga ugu wayn ee dadku si xoog leh ugu dhawaaqayaan ayaa waxaa
ka mid ah WAATAAS DIMUQRAADIYADII, waxaa dad badani ka degi
la,qarnigaan oo aduunku marayo xadaarad wayn in haddana wali damiirka
banii aadamku siinayo inuu ku kaco waxii la iska tusay Mediyaha
maalmahan.Laakiin dadka khibradda iyo waayo aragnimada leh waxay kuu
shaagayaan inay iska caadi utahay dadkaan ladaba ordayo ee loo
malaynayo inay naxariis iyo taakulayn kuu hayaan.
Muuse Cilmi Dheere oo ah aqoonyahan wax ku bartay dalka maraykanka
ayaa yiri;Ma waxaad ilowdeen nimakan waxaan samaynaya in
awoowayaashood intay qaaradaan aan ku noolnahay dadka soo jilaabtaan
haddana kii yara tabar dareeya badda ku tuuri jiray,waxuu yiri ma
ogtihiin in ka badan 40malyan oo reer afrika ah in lagu daadiyay
badda u dhaxaysa Afrika iyo Maraykanka,mase ogtihiin In wadanka
maraykanka dadkii lahaa ee loogu yimmid ay tiradoodu ka badnayd 70
malyan maantana ayna ka joogin xitaa nus malyuun,kulina gacanta dad
labisan tuutaha ciidanka ayaa xasuuqay,isagoo sii wata faaladiisii
Muuse waxuu yiri nimankan (Rer galbeedka)dadka u qaba inay xoriyad
iyo barwaaqo u keenayaan maad ku waano qaadataan sida dadka madow ee
qarniyaasha dubkooda la muruxsanayay wali loogu hayo silica iyo
dibindaabyada,waxaad ka aragteen sawirada taleefishinada iyo
joornaaladu ma ogtihiin in xabsiyada dalwaynaha maraykanka ay waxaas
iyo wax ka xun ka dhacaan oo cid wax ka qabata la arag,mase ogtihiin
ayuu yiri aqoonyahan Muuse in 68%dadka ku xiran xabsiyada dalka
Maraykanka ay yihiin madow oo loo iloobay maxaa kaa galay.
Waxaa dadka reer Muqdisho haddana dib u xasuusteen tacadiyadii iyo
waxshinmadii lagula kacay dhalin yaro Soomaaliyeed oo la is tusay
ayagoo qaawan oo lagu bakhtiinayo sigaar dabkii,waqtigii ay ciidamada
UNISOM joogeen dalka Somaaliya sanadihii 1992dii iyo 1993dii siiba
tacadiyadii ay ku kaceen ciidamadii joogay Hiiraan,Kismaayo,Balcad
iyo Baydhabo,waxaa la garwaaqsaday inaan wali naxariis ku harin kuwii
ka haray dadkii wax gumaysan jiray oo wali dhaxalkii awoowayaashood
ay hayaan.Balse dhacadadan u dambaysay oo lagula kacay dadka ree
Ciraaq waa mid aan laga helayn Qaamuuska inta ku dhalatay Caqliga
saliimka ah iyo xaydaab baniaadanimu,waa waxaan quluubta shakhsiga ka
go,ayn sawiradii la iskatusay Mediyaha ee lab lab ku maran oo isla
qaawan iyo qof nafi ku jirtoo la cabsiinayo kaadi,Subxaanallah.
Waa astaan calaamd uah inay wax ku qaataan kuwii isxijin jiray Rer
galbeedka iyo uqalbi taagnimadii nimaan ku jiidayn har,waa guul usoo
hoyatay kuwii haystay xariga ilaahay oo raacay aaminayn diintooda
muqadaska ah oo ka saliimka ah wixii xumaana,waxaan umalayn inay
dhammaatay isku cabsiintii la isku cabsiin jiray hebel waxuu yahay
kuwa xagjira oo fulaydii xitaa masaajidadii ka cararay sidaan loogu
malayn inay diintooda ku dhegan yihiin.
Ciraaqiyiintii udabaaldegaysay imaatinka Ciidamada BUSH maanta maxaa
laga hayaa,meeday barwaaqadii ay lahaayeen Bush ayaa noo keenaya
nagana xoraynaya taliskii dhibka badnaa ee Saddaam,qaniinyada
sokeeyaha ka roon tan midda kaaga timaada shisheeya dhuuni doonka.
Isku soo xooriyoo dadka Muqdisho fagaaro walba waxay caro dusha uga
tuurayaan kuwa uu hurmuudka u yahay Bush,waxayna uducaynayaan
Ciraaqiyiinta la dulmiyay ee lagula kacayo wax ka baxsan
banii-adanimada,waxaa siwayn la isu waydin kuwa dhihi jiray waxaan
udoodnaa xuquuqul insaanka ee soo boodi jiray markii la dhaho Mugaabi
ayaa nin mucaarida xiray,halka qayladoodu ay noqotay aashuun ku addin
tacadiyada ka socda Ciraaq iyo Afgaanistaan..