Dagaalo dhex maray ciidamada xoraynata ogaadeenya iyo
ciidamada gumaysiga Itoobiya.15, 19,
21/4/04, Dagaalo ku dhex maray Ciidamada wadaniga xoraynta Ogaadeenya
iyo ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya Tuulooyinka Dig, Ananu iyo
meelo kale oo agagaarkaa aan ka faogayn ayaa ciidamada gumaysiga
Itoobiya lagaga dilay 22 Askari oo ay ku jiraan Sadex sargaal mid ka
mid ah lagu magacaabi jiray Captan Qaramo, waxaana dagaaladaas lagaga
dhawacay ciidamada wayaanaha in ka badan 28 askari.
Dagaaladaas oo isugu jiray Mir, Gaadmo iyo isku dhac
ayaa ciidamada cadawga jab laxaadle loogu gaystay waxaana dagaaladas
lagaga gumay ciidamada wayaanaha Hal Baabuur oo kuwa ciidamada ahaa,
waxaana lagaga furtay hub yar yar iyo saanad kale.
27/4/04, Car-caraar oo Gobolka Qoraxay ka tirsan, dagaal ku dhex maray
ciidamada xaq u dirirka xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada dulmiga
waheshada ee gumaysiga Itoobiya, ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay
3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4 askari oo kale.
28/4/04 Dagaal ku dhexmaray ciidamada geesiyiinta
xoraynata Ogaadeenya iyo ciidamada doolka ee gumaysiga Itoobiya Tuulada
Gaba-gabo oo gobalka Qoraxay ka tirsan, ayaa waxa ciidanada dacdaraysan
ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 9
Askari oo kale.
Shacab u dhashay Ogaadeeniya oo lagu wax yeeleeyay
Hargaysa.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargaysa ayaa
sheegaya in dad u dhashay Ogaadeenya lagu wax yeeleeyay
magaaladaas.Waxaa budhadh iyo dhagaxyo lala dhacay dad safaro ahaa
maalinta ay bisha May kowda ahayd, iyadoo dadka gacan qaadkaas gaystay
ay ka mid ahaayeen koox ka tirsan booliska magaalada Harygaysa,
kuwaasoo sidoo kale hortooda lagu jidh-dilay dad rayad ah oo dambiga
kaliya ee ay galeen uu yahay
inay ka yimaadeen dalka Ogadenya, waxaase dhaawac
halis ah loo geystay nin dillaal xoolaha ahaa iyo mid kale oo isaguna
Kaari baabuurta rara ahaa oo tooriyo lagu doox-dooxay.
Talaabadan ay dadku ku wax yeeleeynayaan dadka
safarada ah ayaa la sheegayaa in ay abaabulayaan Maamulka gobolada
waqooyi, kuwaas oo dadka ku guubaabinaya in hantidooda la dhoco, lana
wax yeeleeyo Dadka u dhashay Ogaadeenya ee gobolada waqooyi ku sugan.
Shacabka ka soo jeeda beelaha daga Oodweyne iyo Hawd
ayaa ka soo horjeeda in la dhaco ama la waxyeeleeyo safarada Ogadenya
ee Hargeysa ku sugan kuwaasoo ka digay saamaynta xun ee ka dhalan karta
talaabo noocaas ah haddii la qaado, isla markaana waxay ku wargaliyeen
safarada Ogadeniya ka yimid inay digtoonaadan isna uruuriyaan oo
gobolada waqooyi ka baxaan.
ONLF iyo OLF oo si wadajira ah u canbaareeyay
xukuummada Addis Ababa.
Jabhadaha ONLF iyo OLF ayaa bayaan wadajir ah
toddobaadkan ka soo saaray dhibaatooyinka ay xukuumadda Addis Ababa ku
hayso shucuubta ku hoos nool ee ay ka midka yihiin soomaalida Ogadenya
iyo Oromada.
Bayaankan waxay Jabahaduhu ku sheegeen in dunidu ay
maanta gaadhay heer ay iska kaashato dagaalka caalamiga ah ee lagula
jiro argagixisada iyo xukuumadaha aan xilkaska ahayn. Waxayna
tilmaameen in Itoobiya guud ahaan, gaar ahaan Ogadenya iyo Oromiya ay
yihiin meelaha adduunka ugu dhimasho badan.
Jabhaduhu waxay bayaankooda ku sheegeen in dadwaynaha
Ogadenya iyo Oromiya u dhashay ay xukuumadda Itoobiya argagixiso wayn
ku hayso, isla markaana aanuu jirin qof gurigiisa ama meel kale ammaan
ku dareemaya, iyadoo sababta kaliya ee loo dilayo ama loo xidhayo ay
tahay qofka asalkiisa.
Jabhadaha ONLF iyo OLF waxay canbaareeyeen
denbiyadaas bani’aadamnimada ka baxsan ee maamulka TPLF uu ka galo
dadwaynaha, waxayna beesha caalamka ugu baaqeen inay Itoobiya ku
cadaadiyaan sidii ay uga waantoobi lahayd falalka bani’aadamnimada ka
dhanka ah ee ay caadaysatay.
Dalalka deeqda bixiyana waxay kula taliyeen inay u
dhabba-galaan meelaha ay xukuumadda Itoobiya u isticmaasho kaalmooyinka
kala duwan ee ay sida hagar la’aanta ah u siinayaan.
Wariyayaal caan ah oo la xidhxidhay.
Wariyaha walkaaladda wararka Ogadeniya u jooga
magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in la xidhay 2 wariye oo aad caan u
ahaa oo u dhashay qoomiyda Oromoda. Wariyayaashan waxaa lagu eedeeyay
inay ka denbeeyeen qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Addis Ababa.
Labadan wariye ee xabsiga loo taxaabay waxay kala
ahaayeen;
Shifaraw Hinsermu, oo ahaa tafatiraha iyo soo
diyaariyaha barnaamijka dhaqanka ee TV-iga Oromoda iyo Dhnbesse Wakjira,
oo ahaa soo saare sare iyo madaxa wararka. Labadan wariye ayaa waxay
Tilefeshinka Itoobiya u shaqyn jireen mudo ka badan 10 sano.
Warku wuxuu kaloo intaas raaciyay in wariyaashan ay
hadda ku xidhan yihiin xabsiga loo yaqaan Meakalawi, waxaana aad ugu
walbahaarsan qoysaskoodii iyo shaqaalihii ay wada shaqyn jireen,
kuwaasoo ka baqanayaan inay nabadsugida Itoobiya nimankaas jidhdil u
gaysato amabase ay si qarsoodi ah nafta uga qaadaan.
Golaha Ammaanka oo Itoobiya canbaareeyay.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in
diidmada ay Itoobiya diidday go’aankii Qaramada Midoobey ee ku
saabsanaa xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya ay khatar gelinayso
xaaladda nabadgelyo ee gobolka.
Bayaan uu Golaha Ammaanku talaadadii soo saaray wuxuu
labada dal ee Itoobiya iyo Eritereya ku guubaabiyay inay ka shaqeeyaan
sidii horumar looga gaadhi lahaa qorshaha nabadda ee lagu soo afjarayo
khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya.
Bayaankan oo uu akhriyay safiirka Pakistan oo hadda
haya madaxtinimada Golaha Ammaanka, wuxuu shaki wayn ka muujiyay
mustaqbalka qorshaha nabadeed ee Qaramada Midoobey ay ku joogto
xuduudda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritereya.
Xorriyada saxaafada ee Itoobiya oo laga dayriyay.
Xorriyada saxaafada ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay
inay ku sugan tahay xaalad aad uga liidata sidii ay ahaan jirtay markii
uu xukunka haystay Mingiste Xayle Maryem, sidaas waxaa sheegay
khubarada saxaafada iyo qareennada oo ka hadlayay Maalinta Saxaafada
Xorta ah ee Adduunka oo ku aaddanayd isniintii la soo dhaafay.
Markii ay xukuumadani dalka qabsatay waxay xorriyada
saxaafadu isu beddashay waraaqo qoran oo lagu khaldo dalalka deeqda
bixiya, si kaalmo loogaga helo, sidaas waxaa yidhi Assefa Chewaka, oo
ah khabiir ku takhasusay is-gaadhsiinta.
Wuxuu kaloo intaas ku daray; ”Waxay xukuumadda
Itoobiya sharciga saxaafada u isticmaashaa inay ku majara-habaabiso
dalalka deeqda bixiya iyo hay’adaha lacagta ee adduunka”.
Aradaydii Oramada oo diiday in ay ku noqdaan Itoobiya.
Ardeydii Ormada ee todobaadyadan ku soo qul-qulayey
Magaalada Mooyaale ee wadanka Kenya ayaa diiday in ay si ikhtiyaar ah
ugu noqdaan wadanka Itoobiya, kadib markii hay'ada UNHCR u soo jeedisay
codsi ah in ay noqdaan, Sidaana waxaa sheegtay maalintii Khamaiista
idaacada KBC ee Magaalada Nairobi.
Ardeydan ayaa ka cawdey xasuuqa iyo xadgudubka ay
ciidamada dawladda Itoobiya ku hayso qoomiyada ay ka soo jeedaan ee
Oromada.
Ardeydaydan ayaa hada lagu hayaa iskuul 7 km u jira
Magaalada Mooyaale, halkaas oo saraakiisha ka socota UNCHR ay baaritaan
kuhayaan, iyaga oo ka baaraan degaya talaabooyinka ay ardeydan wax
loogu qabanayo.
07.05.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19
MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7:
30PM waqtiga Afrikada.
Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh radio Xoriyo