SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 9, 2004
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED
 
  G/W/S/014/04                London, 08/05/2004
 
Ujeedo:- Press release
 
SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2
 
     Inta la og yahay guuldarooyinka siyaasadeed ee hogaamiyayaasha kooxaha Soomaalida waxay horseed u noqdeen daadinta dhiiga walaalaha Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ugu daadanaya gudaha dalka Soomaaliya.
 
     Waxaa wax laga xumaado ah dagaalada weli ka sii soconaya qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, dagaaladaas oo kuwii ugu dambeeyay lagu soo waramayo in ay dhex marayaan qeybo ka tirsan ururka SNF magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo dalka Soomaaliya.
 
     Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu guud ahaan qeybaha uu dagaalku ku dhexmarayo koofurta Dalka Soomaaliya ugu baaqayaa in ay joojiyaan gacan ka hadalka Soconaya, qilaafaadka jirana lagu xalliyo si nabad ah.
 
     Dhinaca kale waxaan xunnahay is hortaaga lagu hayo qeybtii qaliinka ee Isbitaalka SOS ee magaalada muqdisho, Hadaba waxaan ka codsaneynaa ehellada iyo qaraabada gabadha qaliinka lagu sameeyay Faduma Cabdulle Cilmi iyaga oo eegaya baahida shaqo iyo wax qabad ee Isbitaalku u hayay dadka  Soomaaliyeed iyo dhaqaatiirta ka howl gasha in qilaafkooda lagu xaliyo qaab ka duwan in la hor istaago adeegyadii guud ee Isbitaalka SOS u hayay dadka dhibaatoonaya, kana haraan eedeymaha ay u jeedinayaan dhaqtarkii qaliinka ku sameeyay isla markaana badbaadiyay gabadhooda.
 
     Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay  tacadiyada isa soo taraya ee maamullada Waqooyi galbeed, Waqooyi bari iyo Shabelada dhexe ee dalka Soomaaliya ku hayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, hadaba waxaan u soo jeedineyneynaa maamulladan in ay ka haraan xariga joogtada ah ee ay ku hayaan Suxufiyiinta isla markaana aqoonsadaanna doorka Suxufiga Soomaaliyeed. 
 
     Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
      Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed
            C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"  
 xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2004

Afeef: Aragtida qoraaladan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD