SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

11 November. 2005 

  • Isku dhacyadii Itoobiya oo wali socda.

  •  

  • Warbixin ku saabsan xaaladda Nabadeed ee Itoobiya.

  •  

  • Denmark oo ka noqotay kaalmo ay Itoobiya siin lahayd.

  •  

  • Barnaamijkii Xog-warran(Dhiilada dagaal & Dhalinta Ogadenya)

 ====================== 

Ugu yaraan labo qof ayaa dhintay, qaar kalana way dhaawacmeen, ka dib markii ciidammada booliska ee xukuumadda Zenawi iyo arday gadoodsani isku dhaceen habaynimadii khamiistu soo galaysay dhinaca koonfur galbeed ee Itoobiya, hal toddobaad ka dib markii ay ciidammada Zenawi dadwayne aad u badan ku xasuuqeen magaalada Addis Ababa. 

Sida ay sheegen diblumaasiyiin ku sugan magaalada Addis Ababa, waxay labadan arday u dhinteen rasaastii ay ku ridayeen ciidammada boolisku, ka dib markii booliska iyo ardaydu ay iskaga horyimaadeen magaalada Ambo, 200 km koonfu galbeed ka xigta magaalada Addis Ababa. 

Hase yeeshee diblumaasiyiin kale ayaa sheegay in dhimashadu shan gaadhayso, dhaawucuna uu 17 yahay. 

Toddobaadkii hore isku dhacyadii ka billowday magaalada Addis Ababa ee markii denbe ku faafay magaalooyin badan oo kale, waxaa ku dhintay inta ay xukuumaddu qiratay 46 qof, hase yeeshee waxaa la sheegayaa in dhimashau boqol kor u dhaafayso, in ka badan 200 oo qofna ay dhaawac yihiin. 

Warbixin ku saabsan xaaladda Nabadeed ee Itoobiya. 

Wariyaha nooga soo warrama dalka Itoobiya ayaa noo soo diray dhambaal uu ku faahfaahinayo xaaladda Itoobiya; Wuxuuna dhambaalkiisa ku yidhi;

Waxaa maalmahan Itoobiya ka socday qalalaase aad u ballaadhan oo dabada ku haya khilaafka Siyaasadeed ka dhashay doorashada bishii May, oo xukuumadda lagu eedeeyay inay musuqmaasuq ku samaysay.

Magaalada Addis Ababa waxaa xidhan goobahii ganacsiga oo dhan, hase yeeshee waxaa magaalada lagu soo daayay ciidan ka howlgalaya oo ganacsatada ku qasbaya inay ganacsiga furaan, hadii kale laga qaadi doono waraaqaha oggolaanshaha ganacsiga.  Taasi waxay keentay inay 5% dukaamadu ay shaqaynayaan, tagsiilayaash ayaa iyagana waxaa laga qaadanayaa waraaqaha ganacsiga (Licence), iyadoo dadku rumaysan yihiin in loo jeedo taageerayaasha xisbiga CUD oo kaliya.

Waxaa TV-ga wadanka ka socda digniino labadii maalmood ee u danbeeyay oo dadka lagu amrayo inay shaqooyinkooda ku soo laabtaan. Waxaa kaloo si aad ah looga cabsi qabaa  in tala faraha ka baxdo oo qul-quladuhu sii xoogeystaan, taasoo dhalisay in dadku sahay aruursi billabaan iyo inay guryaha cunto kayd ah dhigtaan. 

Qalalaasaha siyaasadeed wuxuu isu badalay iyadoo xagga dhaqaalaha la iskala dagaallmo. Waxaa dhamaan dadka mucaaradka ku ah xukumada Meles ay billaabeen in aaney raacin shirkadaha diyaaradaha lagu tuhunsan yahan in xisbiga EPRDF uu ka soo galo dhaqaalo. Waxaa kaloo la hadal-hayaa in ciidan dhar-cad oo xagga dhaqdhaaqa loo xilsaaray uu saaran yahay diyaaradaha, waxayna dadku raacaan shirkadaha kale ee caalamiga ah, sida Luftahnsa Airlines, in kastoo duullimaad aad u badanba aanuu Itoobiya ka jirin.

Wararka hadda soo baxaya waxay sheegayaan in ciidan gaadhaya 2000 oo askari baxsadeen labadii maalmood ee u denbeeyay. Ciidankan baxsaday wuxuu u badan yahay ciidammadii heeganka ku ahaa xadka Itoobiya iyo Eritereya u dhexeeya, kuwaasoo aan niyad u haynin dagaalka la doonayo in la galiyo. Ciidankani meesha uu u baxsaday faahfaahin lagama hayo.

Garoonka Debresit waxaa imanay diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ciidamo daad-gureynaya, waxaana la filayaa in ciidammadaas loo daad-guraynayo xadka Itoobiya iyo Eritereya, oo laga cabsi qabo in mar dhaw dagaal ka dillaaco.

Goballada Oromada iyo meelo Ogaadeenya ka mid ah waxaa ka billowday xasuuq iyadoo si qasab ah dadka askar looga dhigayo, isla markaana lagu xaraynayo xeryo ciidammada lagu tababaro.

Dhinaca kale waxaa la gubay isbitaal ku yaalla magaalada Gonder, waxaana lagu soo warramayaa in magaalada agteeda dagaal ka dhacay. 

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa sheegay in madaxda mucaaradka maxkamad la soo saari doono, iyadoo lagu eedayn doono denbiga ah khiyaamo qaran oo wayn, denbigaas oo ciqaabtiisu tahay dil. 

Denmark oo ka noqotay kaalmo ay Itoobiya siin lahayd. 

Dawlada Denmark ayaa ka noqotay ku talagalkeedii ahaa in Itoobiya ay ka mid noqoto seddexda dal ee Afrikaanka ah ee u sharraxan in la siiyo kaalmada hormarineed ee Denmark bixinayso shanta sano ee soo coda. 

Wasiirka horumarinta ee Denmark Ulla Tørnæs ayaa talaadadii go’aan ku gaadhay inay Itoobiya ka saarto liiska seddexda waddan ee u sharraxnaa in shanta sano ee soo socda la siiyo kaalmao horumarin ah, iyadoo mashaariic horumarineed oo badan laga fulinayo. 

Wasiirku waxay go’aankan qaadatay, ka dib markii ay ciidammada xukuumaddu cagta mariyeen dadwaynihii bannaanbaxyada ku samaynayay magaalooyinka kala duwan ee Itoobiya, iyo tallaabooyinka naxariis darrada ah ee xukuumadda Zenawi ka qaaday madaxda mucaaradka iyo dadwaynaha ka soo horjeeda. 

Denmark ayaa in muddo ahba Itoobiya la doonaysay inay kaalmadan, iyadoo tixgelinaysa macaluusha ku soo noqnoqota, hase yeeshee hadda albaabkaasi Itoobiya wuu ka xidhmay. Ma aha arrin la qabali karo in xukuumadda Itoobiya sii dayn waydo maxaabiista siyaasadeed, iyadoo tixgelinaysa sharciyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, sidaas waxaa tidhi wasiirka horumarinta Denmark. 

Wasiirku waxay sidoo kale baajisay safar booqasho ah oo ay ku tegi lahayd Itoobiya daba-yaaqada toddobaadkan. Kaalmada Denmark waxaa hadda tartan ugu jira dalalka Mali iyo Niger.

 QAYBAHA KALE EE BARNAAMIJKA XORRIYO HALKAN KA DHEGEYSO...

Radio Xoriyo

11 November. 2005

Axmed Gaal-Eri 

Info@radioxoriyo.com 
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2005

SomaliTalk oo Doorashadii USA ka waraysatay Maxamuud Wardheere
Wardheere oo mar u tartamay duqa Minneapolis, haddana la shaqeeya Senator laga soo doorta Minnesota ayaa.
Guji...

Geeddi oo Soo Dhoweeyey Xafiiska ay Jaamacada Carabtu Ka Furaneyso Jawhar
»Itobiya oo ka xumaatay weerarkii lagu qaaday Geeddi..
»Sweden: Shaaweeye iyo Firimbi oo ka qaybgalaya Shir..
»Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM oo sheegay in..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Nov 10

Dahabshiil Holland oo bishan khidmadii hoos u dhigtay boqolkiiba 50%
Shirkada Dahabshiil ayaa waxay dadka deggan Holland ku war gelineysaa in... Guji...

C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin Kooxo farabadan oo Argagixiso ah
»DFKMG oo baaritaan ku samaysneysa qaraxii Muqdisho
»Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo dib ugu laabtey Jowhar
»Shariif Xasan oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho
Wararka oo dhan oo ka akhri halkan.... Guji... Nov 9

Gaadiid badan oo gumaysiga lagaga gubay Ogaadeenya
iyo Qalalaasihii Itoobiya oo meel xun maraya... Guji...

Baaq ay soo Saareen Dhallinyarada Gobolka Bari...
oo ku wajahan Shirkad la sheegay inay Macdan baarayso oo heshiis la gashay mas’uuliyiin ka tirsan DGPL... Guji... Nov 8

Musharaxa Duqa Magaalada Minneapolis oo Booqday Masjid Shaafici
Peter Mclaughlin oo ah musharaxa duqa magaaada ayaa lakulmay Sh. C/Raxmaan, Soomaalidana waxa uu weydiistey in ay u codeeyaan Doorashada Maanta (Nov 8) waxana uu ballan qaaday in Guji....

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD